JIIL WANAAGSAN. W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

Nor1

 

Jiil wanaagsan sidee lagu heli karaa?

Waa Su’aal u baahan Maskax Caafimaad qabta, marka la raadinayo jawaabteeda waxaana wanaagsan inta aan lala soo boodin jawaabteeda in marka hore dhinacyo badan wax laga miisaamo lana fahmo waxa looga dan leeyahay is waydiinta su’aashan.

Jiil wanaagsan marka laga hadlayo Soomaali ahaan maanta baahi wayn ayaa loo qabaa, maadaama jiilashii hore aan laga dheehan Riyadii la rabay in ay fuliyaan ayna kasoo bixin booskii la rabay inay umaddan u istaagaan Dhaqaala ahaan, Xukun ahaan, Aqoon ahaan, dhinac walbaba halaga eego.

Marka baahida loo qabo in la soo saaro Jiil wanaagsan oo wax la qaybsan kara Dunida maanta aan ku noolnahay waa lagama maarmaan haddii la doonayo in la bad baadsho Magaca Soomaaliyeeda lagana shaqeeyo in Umad ahaan aan usii jirno Mustaqbalka dhow iyo kan fogba.

Si taas loo gaaro waxaa jira Caqabado fara badan oo naga hortaagan, ha ahaadaan caqabadahaas Waqtiga oo kulul micnaha waqtiga oo xun, iyo duruufaha lagu jiro oo adag, balse, mar walba Rajada waa mid taagan lamana quusan karo inta Naftu nagu jirto.

Tan iyo maalintii ay dhacday Dowladdii Siyaad Barre, Jiilka Soomaaliyeed ee Qarnigan waxaa lasoo gudboonaatay Duruufo badan oo aad u xun haba ugu darnaato tan Nolosha iyo aqoontaba, hadana waxaa la oran karaa wax badan ayaa qabsoomay oo sida loo bur buray dhibka inooma gaarin.

Ubad badan ayay u suurowday in ay Waddanka gudihiisa ama dibaddiisa wax ku bartaan, kuwa kalana nasiibkaas ma yeelan oo Badaha ayay ku hirqadeen, kuwa kalana Bad maba gaarin oo Saxaraha ayaa nafta uga baxday, kuwana Xabadaha nafteena aan isku rideeno ayaa salfaday, halka qaarna ay qayb ka noqdeen bur burka nagu habsaday oo Qalabka loo adeegsaday ayay kow ka noqdeen.

Si kasataba ha ahaato waxaas oo dhan waa wax ka dhashay tabaabushaysi la’aan horey u dhacday oo ka timid jiilashii naga horeeyay oo aan u diyaarin jiilka maanta sidan u rafaadayo Waddo ay uga bad baadaan Qaxarkan galaaftay Dad iyo Duunyaba, waa laga yaabaa in Dadka qaarkii aysan eedda sidaa u dhigin oo wax walba ay ku eedeeyaan Ubadka maanta, balse, aniga sidaa ma oran lahayn,  maxaa yeelay Gogol Ninka kaaga horeeya uusan sixin fadhigeeda kan kaaga dambeeyo ma saxo, maxaa yeelay Qof Marti ah marka gurigiisa la yimaado sida uu Dadka u fadhiisiyo ayuu fadhigu noqon, qaabka uu u soorana Soorta waa ku dhamaan, marka eedda oo dhan waxaan saarayaa jilashii naga horeeyay oo aan ka fakarin Aayatiinka Umadaha ka dambeeya ee Carurtooda ay ka midka tahay.

Hadaba wixii dhacay waa dhaceen, Qald qof waa gali karaa, balse, waxaa wanaagsan marka qofka kale uu qaladka garto in uu dib u sixis ku sameeyaa, si saamayn dambe aysan ugu yeelan kuwa warmooga ah ee so socda.

Qaladka maanta la saxaa wuxuu tilmaan wanaagsan ee iftiimaysa u noqon karaa Malaaiyiinta kusoo fool leh Dunida, amaba hadda  ay u bilaabatay Nolosha dhibaatada badan ee dunida, sidaas darteed, aan kor ugu laabano su’aasha ahayd sidee lagu heli karaa Jiil wanaagsan? taas oo aan hadda jeclahay ilaa sadex qodob bal in aan kusoo koobo qaabka lagu heli karo lagana yaabo in aad igu raacdo ama igu diido, muhiimadda ayaasa ah in qeexiddaan aan sidan u qeexayo ay iila muuqatay Xalka dhabta ah,Bani aadamna waan ahay waana qaldami karaa, bal ila dhuux aan kuu bilaabo qodobka ugu horeeyo.

1 QOYS WANAAGSAN: waa qodobka ugu horeeyo ee aan is iri waa u asalka wax walba, si loo helo Jiil wanaagsan oo ka nasahan Xumaan oo dhan, Gogol xaar dambana u noqon kara jiilasha kale ee ku abtirsan doona Abshaxankeena ama Assalkeena.

Qoys wanaagsan in la helaa waa u muhiim Nolosha guud, maxaa yeelay Caruurta waa Xaashi cad oo waxba aysan ku qornayn Qalbigooda, wax walba oo markaa lagu qorana ay astaan u nooqnayso waxa ay Bulshada noqon doonto, hadaba, iyada oo taas laga duulayo waxaa wanaagsan in Qoys walba uu dib u habayn ku sameeyo qaabka noloshiisa, Aabaha iyo Hooyada qoyskana ay xil iska saaraan in ay wax ka badalaan qaabkii hore ee ayaga loo soo bar baarshay, taas oo sababtay in bulshada maanta dhinac u kala cararto.

Ma ahan micnaha in aan Qoyska Soomaaliyeed dhaliilayo, ee waa dhabta ah in Qoyska haddii wax wanaagsan lagu soo sheegi lahaa maanta Qabiil iyo Qurun aanan aqoon u yeelanayn, balaayada maanta dhacaysana ka sheekaysigeeda wuxuu kasoo bilowday Gurigeena, ha noqoto mid ay ku sheekeesanayeen Adeer yaal ama Abayaal ama Hooyoyaal ama Abtiyaal, si walba ay noqotaba waxay ahayd Baalaayo Guriga aan kasoo maqlnay kadibna aan la nimid meelaha lagu kulmo, kadibna aan sii kala sarrifanay, ilaa heerka ay maanta gaartay aan gaarsiinay.

Hadaba qoyska in uu Ilmihisa ku tarbiyeeyo Tarbiyo wanaagsan, waa mid qayb wayn ka qaadan karta Hagaajinta Jiilka dambe ,ma ahan in Carururta looga sheekeeyaa Qabiil, xitaa waxaan ku dari lahaa in aan loo shegin Qabiilka ay yihiin, maadaama xaalkeena uu xun yahay looguna ekeeyo Ehehlkiisa in ay yihiin inta aan Guurka u qaban, iyo inta u sii dhow, micnaha ina Adeer iyo ina Abti, abti labaad iyo adeer labaadna meesha ay ka baxaan, maadaama ay gogol xaar usii noqonayaan Qabiil waynaha Beesha aan ka dhalanay, taas haddii lagu guulaystana waa xaqiiq in Cudurka Qabiilka Soomaaliya halakeeyay in xal loo helay, mar haddii la waayo Qof Qabiil shegtaa, marka aan sidaa leeyahay ulama jeedo in meesha laga saaro Qaraabada oo dhan, waana laga yaabaa in aad u fahanto in aan sidaa ka wado, adiga oo wax ku dabaqanaya Erayda qaar ee aan isticmaalay marka aan Iri Abti labaad iyo Adeer labaad yaanan loo sheegin ilmaha si loola diriro Qabiilka .

Runtii ulama jeedo in meesha laga saaro Ehelada ama Qaraabada oo dhan, ee waxaa jiri karta qaab kale oo ka wanaagsan oo loogu sharixi karo ilmaha inta eheladooda ah iyo inta aan ehelka u ahayn,  inta la doono in uu wax la wadaago iyo inta wax la wadaagiddooda aysan muhiim u ahayn.

Waxaan kaloo taas raacsiin laha in lagu daro in Ubadka la baro Naxariis, taas oo ayaga lagula dhaqmo loona muujiyo si ayagana Dadka kale ay kula dhaqamaan isla naxariistaas, Ubadku Macallinkooda ugu horeeya ee Dunida waa Waalidka, haddii Macallinkaas uu wanaagsanaadana wax walba waa wanaagsanaanayaan.

2 DEGAAN WANAAGSAN : waa u muhiim Nolosha Jiilka la barbaarinayo, maxaa yeelay Degaanka wax lagu dhisayo waa in uu noqdaa deegaan qayb ka qaadan kara waxa wanaagsan ee la beerayo, ha noqoto Dhaqan, Diin, Aqoon, wax walba waxaa Saldhig u ah deegaanka ay la jaan qaadi karaan, taasna waa muhiim waana sababata aan qodobka labaad uga dhigay si loo helo Jiil wanaagsan .

Degaanka haddii uusan wanaagsanayn, Gurigaaga wax walba kusoo bar Caruurta, marka ay albaabkaaga kasoo baxaan ayay  meeshooda ka misanayaan, waxaana laga yaabaa waxa uu Cunugaaga ku arko gurigaaga iyo waxa uu banaanka ku arko ay aad u kala duwanaadaan, taas oo dhalin karta in uu jahwareero cunuga wax uu qaatana uu garan waayo, laga yaabee haddii uu dhinac u badanayo in uu u bato dhinaca Deegaanka, micnaha Bulshada ayaa kaa tira badan kaana saamyn badan adiga waalidka ah, maxaa yeelay awooddaada waa mid ku kooban Guirga oo kaliya, balse, ma ahan mid gaarsiisan Iskoolka iyo meelaha kale ee lagu ciyaaro ama lagu kulmo.

Sidaa darteed, waa muhiim degaanka aad markaa dagantahay, haddii uu yahay deegaan qodobka koowaad khilaafaya, tusaala ahaana haddi aan ku iri la dirir Qabyaaladda, oo aad gurigaaga kula diriritay balse banaanka ama meel walba ay taalo Qabyaaladda, markaa lama diriri kartid, waddada kaliya ee kuu furana waa in aad ka guurtaa meeshaas ama deegaan kale aad u badalataa, si aad u gaarto Hadafka aad tiigsanayso.

Macallinka wax tababaraya waxaa mar walba kaalmeeyo Goobta uu wax ku barayo kuwa uu Macallinka u yahay,ha ahaato Goob qalabaysan ama ha ahaato Goob degaan ahaan u dhisan, taageeraysana waxa uu Dadka barayo, marka waa lagama maarmaan in dadka iyo deegaankuba ay is yeeshaan, si taageero loogu helo waxa la doonayo in la tuso.

Hadaba Deegaanka oo aad iska dhistaa una badashaa deegaan kaalmayn kara hadafkaaga waa u muhiim Ubadkaagaa, haddi taas aysan suura galin waa kugu adkaan doontaa gaaridda hadafkaaga, waa jirtaa Dad yar oo ku guulaystay in ay gaaraan hadafkooda, balse, ma ahan kuwa tusaala ahaan  u noqon kara mowduuceena,  maxaa yeelay marka tusaala wax loo soo qaadanayo waxaa wanaagsan wax baahsan oo tijaabadooda lagu guulaystay in loo soo qaato tusaalayn, balse wax iska nasiib ah tusaala ma noqon karaan.

Waxaa jiray Wiil iyo Gabar Soomaali ah oo ku koray Duni ka wanaagsan Dunida ay ku koreen Waalidkooda, micnaha marka aan sidaa leeyahay waxaan ula jeedaa Duni ka nadiifsan Qabiilka, waxaana labadoodaba wada korsaday Dad ay Qaraabo ahaayeen oo yaraantoodi loo soo dhiibay waxayna ku koreen xagaa iyo Qaaradda Yurub.

Wiilka iyo gabadha maadaama ay laba cid kala korsatay, hadana Tarbiyada iyo qaabka loo koriyay waa qaab aad u waafaqsan Soomaalinimada, Islaanimada, Bani aadnimada, dhinac walba waxaan ka saari lahaa Qallinka wax lagu saxo, waana u riyaaqay runtii markii aan arkay arrinkooda.

Nasiib wanaag waxay ku heshiiyeen in ay is guursadaan, gabadha waxay tiri Waalidkey hala ogaysiiyo, Labad Cid ee soo korsatayna way heshiiyeen, waxayna jaanis u siiyeen bal in ay wax ka ogaadaan qaabka nolosha dadkooda asalka ah waa Waalidiintooada.

Nasiib daro Wiilka isaga waalid maba lahayn oo labadii dhashay waa horey ayay Dunida ka hayaameen, balse, Gabadha Waalidkeed Aabaheed ah ayaa joogay waddankii isagoo ahaa Oday Dhaqameed aad loo qadariyo waxaana lagu heshiiyo in la Waco Aabaheed, si uu iskugu fasaxo, labada cid ee soo kala korsatayna waa fadhiyeen meesha, Sameecadda ayaana Telka loo furay oo gabadha ayaa lagu yiri “Aabahaa u sheeg in aad Nin heshiiseen”.

Gabadhii Aabaheed ayay wacday, is waraysi gaaban kadib waxay u sheegtay in ay Wiil wada heshiiyeen labadii cidna meesha wada joogaan Cidda Wiilka iyo Ciddoodaba, marka ay isaga Idan ka doonayso micnaha in uu u fasaxo in Wiilkaas lagu mehriyo.

Wuxuu yiri Aabihii ma xuma ee waa kuma Wiilka? Gabadhii Magaca wiilka ayay sheegtay, waa kuma dhinaca uu Aabaheed ula dan lahaa ma garan, markii uu Adooga dareemay in aysan Gabadhu waa kuma fahmi Karin ayuu ku yiri “iigu dhiib Ninka si aan u waraysto” is waraysi kadib ayuu odaygii Wiilka ku yiri kumaa tahay adiga? markaas ayuu magaciisa ku jawaabay raaciyayna Aabihii iyo Awoowgii.

Odaygii ayaa yiri Qabiilkiina ii sheeg, Wiilkii wuxu ku jawaabay Qabiil ma aqaan aniga, waligayna la iima sheegin, balse, Soomaali ayaan ahay, Muslimna waan ahay, Gabadhana waan is fahamnay, in aad isiiso ayaana Adeer kuu soo wacay, marka Su’aalahan faraha badan ma aqaan ee Adeer ii fududee Gabadha Tell yaa igu socdee.

Odaygii warkii dhinac kale ayuu u dhigay markii ay is fahmi waayeen Wiilkii, wuxuuna yiri iigu dhib gabadhayda aan la hadlee, kadib iyada ayuu Qaylo Dhagaha ugu shubay kuna yiri “wax aan la aqoon miyaad ii keentay maanta, ma anaa rabtaa in la I caayo, waa maxay Ninka is qarinayo ee leh ma aqaan Qabilkayga”.

Gabadhii waa fahmi waysay halka uu Aabahed la aaday, waxayna tiri “Aabo waa la yaqaan wiilka, anigana waan aqaanaa, Eeddo oo isoo korisayna waa taqaanaa, ee Aabe dhibka iska dhaaf ee Wiilka waan rabaa igu mehri”.

Odyagii ayaa yiri iigu dhiib Eeddo aan waraystee, Eeddadii markii loo dhibayna waxay ku gaabsatay gabadhaada ku kalsoonow Ninka ay rabtana ku dar aniga waxb ha I waydiin, waxa kaliya aan kuu huba ayaa ah in Wiilku Wiil wanaagsan uu yahay uuna u qalmo gabadhaada, ee walaalow isku dar ilmahan is calmaday.

Odaygii warkii waa ku cuslaaday maadama uu dhaqanka ku xoog badan yahay, wuxuuna iska dhaadhacshay in wiilku yahay Wiil ka dhashay Dadka ay Beel ahaan u yasaan, balse waxaa mar qura is badalay muran dheer oo dhax maray isaga iyo gabadhiisa, kadib markiia ay tiri Aabo lacag ilaa 6000 kun oo Doolar ah ayaa laguu diyaarshay, markaas ayuu odaygii mar qura Ducada boobay, dib dambana aan looga maqal cidda uu yahay waydiinteeda, warkiisana uu kusoo koobay inaga Soomaali ayaan nahay, Dad isla dhashay ayaana nahay, cidda aad doonto noqo bes waaye, lacagta bari iisoo dhiga Dahab Shiil, anna Gabar yar ayaan guursanayaa, sidaas ayuun kusoo gunaanaday murankiisi ku salaysnaa waa ayo Wiilka.

Micnaha sheekadan gaaban aan usoo galshay Qoraalka ayaan uga dan leeyahya, in aan idinku tuso in Qabiilka aan aaminsanahay marka aan baahanahay oo kaliya,  ee marka baahideena la daboolo aanan Qabiil aaminayn waxna ku falayn, teeda kale waxaa ka dheehan kartaa Aabahaa iyo gabadhiisa farqiga u dhaxeeyo, gabadha waxay taagantahay wiilkan waa Soomaali, waan rabaa waana jeclaaday, waana ku kalsoonahay, waa maxay waxa iga horistaagayo in aan guursado? marba hadduu Muslim yahay, iguna Issir yahay, taas oo fahamkeeda ku adkaatay, odaygana sidaas ma ahee si kale uu wax u waday, markii Jeebka loo qooyayna uu iska aamusay ducana ku badalay murankiisii faraha badnaa iyo qayladiisa.

3 AQOON WANAAGSAN: waa qodobka aan kusoo gunaanadayo qoraalkan igu dheeraaday,  ee hadana laga yaabo in sida aan u doonayo in loo fahmo aan loo fahmin oo dhan kale la igala jaan qaado, sida gabadhaas iyo aabahed oo kale, muhiimadda qodobkan Aqoonta waxaa saldhig u ah Aqoonta Dadka, Degaanka ay markaa aadka u qadariyaan in si fiican loo barto, marka aan taas ka hadlayana Soomaali ahaan aqoontaas waxaa booskeeda inoo taagan midda Islaamka.

Qofka waa in uu aqoon wanaagsan u leeyaahay waxa ay markaa Bulshada qadariso, Diinta oo si wanaagsan loo bartaa ayaaba wax badan kaa kaafin karta, dabooli kartana Baahi badan oo dhinac walba oo Nolosha ah.

Hadaba, waxaa wanaagsan wax Umadda wax u tari karo guud ahaan oo noloshooda wax kusoo kordhin kara, gogol xaar wanaagsana u noqon kara Mustaqbalkooda dambe in lagu tar tarsiiyo, si loo helo Jiil wanaagsan oo Dariiqa loo falay mid kasii wanaagsan fala, bulshadana ay u noqoto Bulsho dhaxal wanaagsan kala dhaxasho.

Ugu dambayn waan ka cudur daaranayaa wax walba oo Khalad ah, ama Erayo aan si qaldan u isticmaalay, waxay iga ahayd uun Dadaal, dadaalkana waxaan rabay in aan idinku soo gaarsiiyo dhambaalkan gaaban.

W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

ekisayre@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.