JIR DHIS IYO MASKAX DHIS W/Q. Ahmed Hayow

Brain-Fitness-250x252

Jirka waxaa lagu dhisaa jimicsi, Maskaxdana in laga shaqeeysiiyo.

Wax yaabaha deg deg maskaxda u dhisa waxaa ka mid ah chessboard “shataranjiga” ama isakaakada, waayoo qofka ciyaaraaya maskaxdiisu waxay ku jirtaa wareeg aan joogsi laheyn, sababtoo ah waxay ku fekereysaa talaabooyinka uu qaadaayo qofka ka soo horjeeda iyo weliba talaabada ugu haboon uu asagu qaadaayo.

Wuxuu ku fekeraa “haddii aad askaaga guurto ee uu faraska kaaga cuno, wuxuu faraskaas kaaga soo baxaa barti aad boqorkiisa ka weerari laheyd, laakiin haddii uu askariga cunin oo qalcadiisa soo saaro, maxaad sameyn kartaa? waa inaad faraskaaga ku weerartaa qalcada si ay meesha kuugu banneyso” waa haddii iyo haddii oo ah laba shardiile, maskaxdaas waxay ku jirtaa jimicsi ay ku dhismeyso.

Wax yaabaha ay maskaxdu ku dhisanto waxaa ka mid ah curinta suugaanta, taas oo ah sawir muujinaayo xaalad markaa jirta ama dhici karta.

Qofka curiya suugaanta waxaa maskaxdiisa ku sawiran waxa uu rabo inuu dadka u soo bandhigo, asagoo laga yaabo inuu laba qofood ama ka badan iska dhigo, labadaas qofood oo isu jawaabaaya, sida hees talantaali ah oo ay qaadaayaan gabar iyo wiil jaceylkooda ku guuleystay ama midkood diidan yahay kan kale, erayada ay ku heesaayaan waa erayo ka soo maaxday maskaxda curiyaha heesta.

Xisaabta ayaa ka mid ah wax yaabaha maskaxda dhisa, tasaale haddii lagu yiraahdo 100 shilin, waxaad ku soo gadaa 100 neef oo isugu jira Geel=5 shilin, Lo= 1 shilin iyo Ari= 0.50 nus shilin.

Waxa ugu horeeya oo aad ka fekereysid wuxuu yahay sidaad iskula ekeeysiin laheyd Geela iyo Ariga tiradooda iyo qiimahooda, ileyn Loda halki neef waa hal shilin oo wax isbedel ah kuma jiro.

Haddii aad soo qaadato 4 Geel waa 4×5= 20 shilin, haddii aad soo qaadato 32 Ari waa 32× 0.5= 16 shilin, waxaa meeshaas kaaga soo baxaaya tirada Geela+Ariga inay tahay 4+32=36 neef, haddii aad isku darto lacagta Geela+Ariga inay tahay 20+16=36 sidaa daraadeed waxaad haysataa 36 neef iyo 36 shilin, waxaad ku dartaa 64 Lo ah oo lacagtoodu tahay 64 shilin, halkaa waxaa kaaga soo baxaaya inaad 100 shilin ku soo iibisay 100 neef oo xoola ah.

Waxaad isku daydaa inaad sameyn karto mid xoogaa ka culus oo ayada oo kale ah, 100 shilin iyo 100 sheey oo qiimahoodu kala yihiin Geel=5 shilin, Lo= 1 shilin, Ari=0.5 nus shilin iyo Digaag= 0.10 hal kumi, kaa markaad dhammeyso waxaad ku sii dartaa Qooleey oo joogta 0.05 taano.

Furfur maskaxda si ay ummaadu horumar u gaarto oo aan jahliga uga baxno.

SHEEKOOYIN