Jiraalka dahsoon W/Q: Mustaf Cusmaan Faarax

Maantana intaan halkaygii ka miiso maan badda wayn ee cilmiga caalamka dahsoon idin dhex muquursiiyo, moolka intaan u daadego maan idinka soo saaro luulka hordhaca u ah wax ka ogaanshaha caalam badi aadamhu uusan wax ka aqoon, ka hor abuuristii Aadam duni jirtay maan idin dhexgeeyo, duni ay gidaarradeedu cabsi ku taagan yihiin maan idin dhexwareejiyo oo aan idin kala baro.

Hordhac

Jinku wuxuu ka mid yahay makhluuqaadka naga qarsoon, haddana in aan rumeyno jiritaankiisu waa qeyb ka mid ah caqiidaddeenna Islaamka. Waa caalam kale oo saddaxeeyo kan malaa’ikta iyo dadka. Jinku waxaa jiro waxyaalo uu insiga (dadka) la wadaago sida caqliga iyo garashada, kala doorashada waxa xun iyo waxa san. Waxay ku kala duwanyihiin xagga abuurista oo dhoobo iyo dab ayaa laga kala abuuray. Labadaas qodob oo muhiimka ah markaan ka soo tallaabno waxaan horey usii galeynaa caalamkaan jinku sida uu u dhaqmo, waxaanna isku dayeynaa in aan soo qaadanno uun waxyaalaha sugan ee qur’aanka, sunnaha iyo culumada soo guuriyeen, sheekooyinka iska khayaalka ah boos ma siin doonno.

MAGACA JINKA: Ereyga (jin) waa erey carabi ah macnahiisuna yahay wax qarsoon ee aysan dadku arki karin, ilmaha marka ay ku jiraan caloosha hooyada waxaa sidoo kale afka carabiga lagu yiraahdaa Janiin. Maxaa laga abuuray jinka: waxaa laga abuuray dab. وَالجَانَّ خَلَقْنَاهُ مِنْ قَبْلُ مِنْ نَارِ السَّمُومِ. Jinka waxaa la aburray intaan la abuurin insiga. Inta aan Eebbe (SWT) Insiga abuurin ka hor, jinku wuxuu dhulka ku noolaa muddo uu Ilaaheey ogyahay.

  • Wuxuu leeyahay: Muuqaal, cod, indho, dhego iyo ghug intaba.

Jinku xoolaha iyo jamaadaadka oo kale ma ahan, wuxuuna la mid yahay dadka, inta laga rabo ayaana laga rabaa xisaab aakhirana wey sugeysaa. Alle kor ahaaye wuxuu leeyahay: “uma abbuurin jinka iyo insiga waxaan ahayn in ay I caabudaan”.

  • Muhiimada in la rumeeyo jiritaanka jinka iyo shaydaanka Ibliis.

Marka koowaad caalamka dahsoon ee jinka iyo shaydaanku waa arrimo qaybka ka mid ah, waxaana qofka muslimka ah uu rumaysan waxyaalo badan oo qayb ah (maqan) sida jiritaanka Allaah, malaa’ikta, rusushii, kutubtii la soo dajiyey, maalinta qayaame iyo qaddarka Alle kheyr iyo shar midka uu yahay. Dhamaan kuwaasi waa waxyaalo qayb innaga ah oo aynaan arkin, balse, waynu rumaysanahay maadaama Quraanka oo ah hadalkii Ilaaheey lagu xusay iyo xaddiisyada Nabigeena (SCW). Waxa soo raaca qaybkaas waa jiritaanka Jinka iyo Shayaadiinta dagaalka kula jira Basharka. WaxaanNa u daliila aayado badan oo Quraan ah iyo xaDdiisyo badan, dhanka kale waxa isku raacay jiritaanka Jinka dhamMaan culumada Islaamka iyo xitaa Diimaha kale sida Kiristanka, Yahuuda, Majuusiyiinta iyo kuwo kale.

  • Daliilka koowaad oo Quraan ah:

{قل أوحي إلي أنه استمع نفر من الجن فقالوا إنا سمعنا قرآنا عجبا} (الجن:1).

[(1) Waxaad Dhahdaa (Nabiyow) waxaa lay waxyooday inay Dhagaysteen Koox Jinni ah (Quraanka) oy Dhaheen waxaan maqallay Quraan layaab leh.] Jinn:1

  • Daliilka labaad oo Xaddiis ah:

(خلقت الملائكة من نور، وخلق الجان من مارج من نار، وخلق آدم مما وصف لكم) متفق عليه.

“Waxa laga abuuray malaa’ikta Nuur, waxaana laga abuuray Jinkana ololka naarta, waxaana Aadam laga abuuray wixii laydiin sheegay.” Waxa isku waafaqay labada Shiikh Bukhaari iyo Muslim.

  • Daliilka saddexaad oo ah ijmaac.

Ibnu Taymiyah wuxuu yidhi: Dhammaan kooxa Islaamku way isku waafaqeen jiritaanka Jinka iyo guud ahaan gaalada Ehlulkitaabka.

  • Darajooyinka caalamka jinka

Adduunka jinniga, midka wanaagsan ee akhyaarka ah waxaa loo yaqaannaa Jinni, macnaha waa qof jinninimadi ka run sheegay oo daacad ah waxay la macno tahay ninkaan waa nin beni-aaddannimada wax ka yaqaanno.

  • Kuwa Insiga la dego waxay u yaqaannaan Caamir.
  • Kuwa carruurta dhiba waxay u yaqaannaan Arwaax.
  • Kuwa dhibka badan waxay u yaqaannaan Sheydaan.
  • Marka uu faraha ka baxo oo loo maara waayo Maarid ayaa looga yaqaannaa adduunweynaha Jinka iyo sheydaan.
  • Cifriid waa kan ugu awoodda iyo maamuuska badan.

Cunnada jinniga

Al Qasdhalaanii wuxuu kitaabkiisa Al Mawaahibu ku yiri: “Markuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Nakhlah ku degay, wuxuu Ilaaheey xaggiisa usoo duway toddoba nin oo jinniga Nasiibiin ah oo Carab ah (oo jinni walba dalkuu deggan yahay ayuu ka tirsan yahay, afkoodana uu ku hadlaa oo jinniga, tusaale ahaan Soomaaliya deggan waa soomaali wuxuuna ku hadlaa afka soomaaliga), ayadoo uu Nabigu (N.N.K.H) habeen barkii salaad u istaagay. Markaasay dhegeysteen isagoo, (N.NK.H) Suuratu Al Jinni akhrinaya (waxaa kaloo la yiri: Suuratu Al Raxmaan, waxaana kaloo la yiri Iqra’).

1038 – ” لكم ( يعني الجن ) كل عظم ذكر اسم الله عليه يقع في أيديكم أوفر ما يكون لحما ، وكل بعرة علف لدوابكم “.
أخرجه مسلم ( 2/36 ) وابن خزيمة في ” صحيحه
” ( رقم 82 ) والبيهقي ( 1/108 – 10
9 )

Sida ku cad xadiith ka sugnaaday Nabiga (SCW) oo macnihiisu yahay: “cunnadiinnu (jinka) waa laf kasta oo marka la cunayo bisinka Ilaaheey loo qabtay. Markay laftaasu gacantiinna soo gasho waxaa kasoo buuxsamaya hilib ka fara badan midka hore ugu yiillay. Saalada xooluhuna waxay calaf, waa cunee, u tahay xoolihiinna oo waxay u noqonaysaa xoolihiinna dhir cagaaran.” Xadiithkaanna wuxuu daliil u yahay inuu jinnigu wax cuno waxna cabo, wuxuuna beeninayaa kuwa yiraahda inayan jinnigu wax cunin waxna cabin oo laftu waxay hilib u noqonaysaa waa in run ahaantii la cuno hilibkaas. Nabiguna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: “inna al sh-shaydhaana ya’kulu bi shimaalihi wa yashrabu bi shimaalihi”, oo macnihiisu yahay: “shaydaanku wuxuu wax ku cunaa gacantiisa bidix, wuxuuna wax ku cabbaa gacantiisa bidix.” Jinnigu caruur ayuu dhalaa.

  • Taranka jinka

Jinnigu waa sida dadkoo kale oo waxay u qaybsan yihiin rag iyo haween, waana is guursadaan, carruurna waa ay dhalaan. Kitaabka Aakaamu al murjaani fii axkaami al jaanni wuxuu bogga lix iyo konton ku wariyay: “Ilaaheey tacaalaa wuxuu yiri:

لَمْ يَطْمِثْهُنَّ إِنسٌ قَبْلَهُمْ وَلَا جَآنٌّ

Waana aayadda shan iyo lixdanaad ee Suuratu Al Rraxmaani oo macneheedu yahay: “uusanna ayaga hortood la gogol gelin insi iyo jinni toona. (65).”

  • Halkee ayuu degaa jinku?

Jinnigu wuxuu degaa musqulaha iyo inta u dhexeysa buuraha iyo badda, waxaa la wariyay inuu Bilaal bin Al Xaarith yiri: “Annagoo Rasuulka Ilaaheey, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, safar ula soconna ayaan meel ku degnay oo uu markaas musqal aaday, markuu musqul aadana wuu fogaan jiray. Markaasaan waxaan u keennay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, weel biyo ku jiraan. Markaasuu dhaqaaqay, markaasaan agtiisa ka maqlay muranka rag murmaya iyo codad caraysan oo xoog leh, aanan codad ka dhawaaq badan hore u maqal. Markaasuu Rasuulka Ilaaheey yiri: “waxaa dacwooday oo murmay jinniga muslimiinta ah iyo jinniga gaalada ah, markaasay waxay i weydiisteen inaan kala dejiyo. Markaasaan muslimiinta waxaan dejiyay tuulooyinka iyo buuraha, gaaladana aan dejiyay dhulka u dhexeeya buuraha iyo badda.”

  • Gaadiidka jinka

Dadku waxay jinniga kaga horreeyaan xagga ganacsiga oo dadka badeecaddooda waxaa la isugu gudbiyaa maraakiib iyo diyaarado waayeyn iyo weliba qalab badan oo dhulka hoostiisa iyo korkiisa mara, balse, jinnigu weli waa garabrarato oo wuxuu badeecadaha isugu gudbiyaa in uu tunka ku xammaalo ama uu awr jin ama dibiyo jin ku rarto. Tareennada dhulka hoostiisa mara waxaa raaca jinniyo fara badan oo kuraasta bannaan ku fariista ama tareennada dushooda sare fuula, maaddaama aysan qabowga iyo kulaylka midna xanuujin jinka, isla markaas uusan ogsojiin u baahnayn. Maraakiib badan oo qaaradaha u kala goosha ayaa waxaa si dhuumasho ah loogu rartaa alaabooyin qaali ah oo aysan dadku u jeedin, waxaana alaabooyinkaas ugu daban waxyaalaha ay dumarka jinku isku qurxiyaan iyo jeegag iyo tanuug ay ka buuxaan oodkac iyo sixin laga keenay xoolaha jinka ku dhaqan qaaradaha uu ku badan yahay jinka xooldhaqatada ahi. Xataa maraakiib ay insigu dagaal u samaysteen buu jinku wuxuu ku fushadaa arrimo ganacsi. 

Jinka dhexdiisa lagama yaqaan alaabo koontarabbaan ah oo daroogooyinka ugu qaalisan baa waxaa lagu gadaa suuqyo caalami ah oo jinka ganacsiyadiisa ugu waaweyn lagu kala fushado, waxaana daroogooyinka ugu muhiisan lagu xanbaaraa diyaaradaha ugu waaweyn oo u kala goosha qaaradaha insiga, isla markaas dhagxanta dheemmanta iyo amaroolka oo insiga suuqyadiisa qaaliga ka ah waxaa dalalka saboolka ka xada ganacsatada ugu waaweyn ee jinniga. Maddaama aysan daroogada iyo macdantu suuqyada jinka qaali ka ahayn ayey jinniyada qaarkood waxay xariir ganacsi la leeyihiin insiga qaarkood, waxaana alaabta kastamada ka gudbiya khubaro jin ah oo lacag yar ka qaata dad maafiyo ah oo sida badan ka soo jeeda qaaradaha Yurub iyo Ameerika. 

Badeecadaha dadka dhexdooda suuqa madow lagu kala gato waxaa si sahlan u kala gudbin kara jinniyo aad galgal u ah oo og meel kasta oo laga heli karo daroogooyinka culculus iyo macdanta fiicfiican, waxaana isla jinniyadaas loo adeegsan karaa in ay soo jaajuusaan xeryaha ciidamada insiga iyo warshadaha waaweyn iyo weliba ganacsiyada halista ah.

W/Q: Mustaf Cusmaan Faarax

SHEEKOOYIN