Jirridda Tahriibta WQ: Cabdikariin Xuseen

1173600_229128527244490_1129068346_n

Jirridda Tahriibta

 

Hordhac

Qaxa iyo guurguurku waxa ay la facyihiin nolosha aadanaha, oo quruumaha , qoysaska iyo qofafkuba waa ay hayaami jireen, si ay u raadsadaan nolol dhaanta midda ay ku suganyihiin. In dadku qaxaan sababo dhawr ah ayaa keena oo ay ka mid yihiin:- Nabadgelyodarro soo foodsaarta deegaankii ay ku dhaqnaayeen ama duruufo dhaqaale kuwaas oo ku kallifa in ay ku noolaan kari waayaan dhulkooda. Waxa kale oo sababi kara dhibaatooyin bulsheed oo ay ka mid yihiin takoor iyo cadaadis ay la kulmaan qaybo bulshada ka mid ahi.

Dunida maanta waxa saamayn xoog leh ku yeelatay ilbaxnimada reer galbeedka, waxay u gacan haadiyeen maskaxihii iyo aqoontii ummadaha kale oo dhan. Waxa loo sawiray in dunida kale oo dhami gun tahay iyaguna gob yihiin. Bulshooyin badan badan baa ku qamaamay dhankaa galbeedka iyagoo nolol bidaya, ama in badani iska gawaanraacaya. waxa soo baxay jidad badan oo sharcidarro ah oo dadka suudalayaa adeegsadaan. Deegaanada Soomaalida muddo aan areyn buu ka jirey tahriibku oo dadku badaha iyo saxarahaba ku le’anayeen. Deegaanada nabdoon iyo kuwa colaaduhu ka jiraaba isku si ayaa looga suudalayey.

Waa ay mudan tahay in la is dul istaago waxa bulsho dhan oo duruufo kala geddisan ku jirta qaxa geliyey. Lama soo koobi karo wax yaabaha ay salka ku hayso tahriibtu, qoraalkan koobani wuxu isku deyi doonaa in uu soo bandhigo saddex qodob oo jirrid u ah tahriibta :-

B- Sawracseeg.
Sawracseegga waxa lagu qeexaa dareen degganaansho la’aan ah iyo jahwareer sababa in ruuxu waayo qofnimadiisa, ama noloshiisaba. Bulsho waliba waxay leedahay “Sawrac” ay ummadaha kale kaga soocantahay oo summada u ah. Sumaddaasi waa isku dhis ka kooban; Caqiidada, Afka, Dhaqanka, Ilbaxnimada iyo Sooyaalka Bulshadaas.Waxa jira in bulshooyinka qaar ay ku dhacdo sawrac-lun ay ku waayaan ahaanshiyahoodii ummadanimo. Dabadeed halwad ayey noqnaan aan jaho ay u socdaan garanayn. Qofka soomaaliyeed ee waqtigan nool sawrac-lun baaxad leh baa ku dhacay.

Saddexdan meelood oo ay ahayd inay qofka sumaddiisa bulshonimo ku hagaan ayaana sabab u ah arrinta:-

  • Barbaarinta qoysnimo : Ilmaha Soomaaliga ah ee maanta jiraa wuxu la legdamayaa sawrac la’aan aan cidina uga miciineyn. Waalidiintu waa ay ku dadaalayaan in ay ilamaha noloshiisa hagaajiyaan, waxayse moogganyihiin deegaanka ku xeeran ilmahan yar iyo duullaanka dunida edegga noqotayba in aanay u saamaxayn in uu sawraciisa ilaasho oo waa ay xero waydaarinayaan. Waa ay mudan tahay in hannaankeena barbaarineed dib u eegis lagu sameeyo.


Dugsiga: Qofkii oo aan “Sawrac” sidan baa guriga ka soo baxaya oo waxa la keenayaa goob waxbarasho si garaadkiisu u kobco, nasiibdarro se wuxu la kulmayaa manhajyo waxbarasho oo aan u saamaxayn in uu is aqoonsado, manhajyadaas qaarkood waxa iska leh ummado kale oo waa la soo waariday. Bal is weydii ilmaha yar ee dugsigii hoose dhexe manhaj Sucuudi ah qaatay, dugsigii sarena Soodaani ku dhigtay, Jaamacaddiina meelo kale ka darsaday, sida uu “Sawraciisa” ku aqoonsan karo!?

-Deegaanka : Qofku marka uu bulshadii soo dhexgalo ayuu la kulmayaa jug kale, bulshadaba sawricii beri hore ayuu ka hallaabay oo waa xaabo daad wado, wuxu la noolaanyaa bulsho wax kasta oo ay lahayd ka faanaysa, dabadeed qofku wuxu soo baxayaa sida caleenta qallalan ee marba dabayshu dhinac u waddo. Waxa dhacaysa in dabayshu dhankaas iyo tahriibta u qaaddo isagoo is raadinaya.

  1. Madhnaan fikir
    Qofka waayey sawraciisii ummadnimo ee halwadka ah waxa ku adkaanaysa inuu dhaliyo afkaar waxtar leh oo uu noloshiisa ku badhaadhiyo. Dunida saddexaad oo dhan baa ka siman la’aanta fikirado dhalad ah oo waaqicooda ka turjuma, waata keentay in dabadhoon uun la ahaado oo fikradaha bulshooyinka kale ku dul hirdamaan. Fikir la’aanta baahsan ee bulshada Soomaaliyeed haysata waxa laga dheehan karaa nolosha dhaqan-dhaqaale ee ay ku sugantahay. Madhnaanta fikir astaamaheeda wax aka mid ah:

– Halabuur la’aan: Bulsho aan halabuur lahayni ma noolaan karto, qayb kasta oo nolosheenna ka mid ahina waxa ay u baahantahay halabuur. Maqnaanshaha halabuurku wuxu keenay in wax waliba sidooda ahaadaan oo aan isbeddel iman, wax walbana lala sugo awood mucjiso ah oo hagaajisa. “Inta maanku gaajeysan yahay guuli waa weli”.
– Qiimodhac bulsheed: Ummad aan afkaarteeda ku soconi qiimo ma yeelato. Geyigeenna gees illaa ka gees goobo waxbarasho ayaa ku yaal, kumannaan shaqo la’aani haysaana way tuban yihiin, haddana shisheeyaha soo shaqo tegay malayn maysid, waxa la is weydiin karaa ma aqoonta la inoo dhigaan la mid ahayn tan dadyowga kale? Mise karti aynu shaqooyinkaa ku qabanno ayeynaan lahayn?
– Kalsoonidarro : Madhnaanta fikir ee bulsho ku dhacdaa waxa ay keentaa in kalsoonidu ka lunto, oo ay awooddooda arki waayaan, una arkaan in la caawiyo mooyee in aaney waxba qabsan karin. U fiirso sida gadhwadeenka Soomaaliyeed ugu dullaysanyihiin shisheeye aan karti iyo aqoon midna dheerayn. Sidee baynu markaa ula yaabaynaa dhallinyarada tahriibaysa? Iyadoo aan afkaar ay ifsadaan jirin, dhulkoodii lagu qiimo dilay , kalsooni iyo yididiilo ay wax ku qabsadaanna lagu abuurin. Tahriibku wuu soconayaa inta saaxaddeena fikir haawanayso.

  1. J) Rajo La’aan

Rajadu waa tamarta qofka u ogalaata in aanu halganka nololeed ka hadhin; haddii ruuxu rajo waayo, wax badan baa ka suurooba, dad badani marka ay rajo dhigaan waxa ay sameeyaan in ay dhuuntaan oo nolosha ka cararaan. Qaarkood waaqaca iyo cidhiidhiga nafsiyeed ee haysta maandooriyaha ayey kaga dhuuntaan, kuwo kale orod bay cagaha wax ka dayaan oo waxay beegsadaan meeshii rajo uga bidhiiqdo, kuwo kalena nafta ayeyba isdhaafiyaan.

Rajo la’aantu iskama iman ee sababaheeda ayey leedahay. Waxyaabaha aan u arko in ay Soomaalida quusta ku rideen waa kuwan:-

  • Dawlad xumo: Soomaalida oo dhami waa ay ka simantahay liidasha dawlanimada, gobolna ma haysto dawlad danahooda iyo aayahooda ku foogaan. Qaarkood keli-talis ayaa madaxa kaga taagan, kuwona mooryaanbaa dawlad isaga dhigaysa oo hadh iyo habeen rubadgoyneysa, kuwona ummado kale ayaaba masiirkooda gacanta ku haya. Xaaladda siyaasadeed ee sidaa u liidata qofkii ku garaadsaday, isagoo barbaarana dhex taagan , quusta iyo rajo la’aanta uu ku jiro waa la malayn karaa
  • Qaraabo kiil: Aafada kale ee ummada ku habsatay waa ayaandarro qabiilku keenay oo ah in wax walba la reereeyo. Fursad kasta oo nololeed waxa lagu xidhiidhiyey hayb. Shaqo ma raadsan kartid haddii aan cidi gacanta ku hayn, xitaa arrinka xafiis dawladeed kaa galaa, cidina waxba kaaga qaban mayso haddii aan masuul aad isku reer tihiin ku wastayn, ama aanad madaxdhaqameedkaagii hore ka soo kaxaysan.Alla ha naxariistee Xaaj Adan baa laga hayey: “ Iyaba waa tabaalaha adduun taynu aragnaaye, tu kaloo ka daranbaa jirtee taana bal aan sheego”.
  • Maamuuska qurbaha: Cidna daah kama saarna weyneynta iyo qiimaha aynu u hayno qurbaha iyo wax kasta oo debedda inagaga yimaadda. Qofka dhoofa ama soo noqda maamuuska iyo tixgelinta la siiyaa ma aha wax qarsoon, maamullada Soomaalida oo dhan waxa horjoogayaal ka ah kuwo baasbooro shisheeye sita, caruurtooduna dalal kale ku nool yihiin. Miskiinkii dalka aan weligii meelna uga bixin aqoontiisa iyo kartidiisaba waa la quudhsaday, oo ninkaas laba kaadhlaha ah baa laga doorbiday, waxad moodaa in lagu yidhi : orod dhoof aannu ku maamuusnee!. Daaduunka ciilkii waa kaas cidlada ku go’ay ama badda gundhada jaray.

 

Gebagabo
Dhibka bulsheed ee Tahriibtu ma aha mid qoraal kooban lagaga geyoonayo, mana aha mid wacdi iyo waano lagu joojin karo, waa arrin u baahan baadhis iyo ka hawlgelid baaxad leh.
Qormadan yar ujeedadeedu waa bidhaamin halka sartu ka qudhuntay.

SHEEKOOYIN