Juudaanleey ama Orgobe.W/Q Aqwaan Xasan Jidhi.

 

12421769_920830078006245_872561665_n

Juudaanleey ama Orgobe.

 

Dabeecadaha uu dadleennu leeyahay ama dalkeena lagu yaqaan waxaa ka mid a ah in marba ay soo caan baxdo sheeko , dadkuna aad u xiiseeyaan, islana dhexmaraan, taas oo marka dambana xaqiiqadeeda dib laga ogaado, sheekooyinkaas ku turi ku teenka ah, waxaa ka mid ah:“ MAS baa hadlay oo ka warramay waxa dhici doona, qabuuro siraata oo habeenkii dab ama iftiin kabaxo, dad dhar cadcad wata oo lagu sheego ahlu qabuur oo waqtigi habeenki kaliya la arko, intaas iyo kabadanba waa sheekooyinka ay bulshada qaarkood rumaysanyihiin.

Waqti ka mid ah carruurnimadaydi sheekada aan aadka loo   hadal hayn jirey waxay ku saabsaneyd JUUDAANLEEYDA, DAD QALATADA, QORI IS MARIS, ORGOBE, waa sheekooyin ku saabsan dad cuna hilibka dadka oo is dhallanroga qoloba si bay u taqaana.

Galabnimo jimco ah waa aniga iyo laba ka mid ah saaxiibadeyda aan isku dugsiga nahay, waxaan joognay meel xoogaa ka durugsan xaafaddi aan daganeyn, waxaan u soo aadnay halkaan inaan ka guranno ULO uu macalinku noo soo diray, haa SARBI ayay ardadu u yaqaaniin. Waa ulo uu macalinku ardada ku tumo waxaana uu arday walbaahi dugsiga keenaa dhowr xabbo oo isku duuban. Aad baan goobta ugu daahnay oo gabbalki ayaa noogu dhacay annagoo ku sugan dhul goofaf ah oo aysan jirin cid degan, mayee annagaa marki horaba ku soo daahnay bannooni iyo ciyaar oo mar dambe k usoo baraarugnay in berri ay sabdi tahay. waxaana goobta sidaas cidlada u ah k ugaarnay ilaa waqtigi salaadda cishaha.

Marki aan goobta ka soo dhaqaaqnay ayaa mid saaxibadayda ka mid ah wuxuu bilaabay inuu nooga sheekeeyo Juudaanleyda oo ahayd waxa kaliya aan qalbiga ku haynay.” Waa dad wata mindiyo dhaadheer waxay u badanyihiin dad ilko dhaadheer oo timo badan, dumar ayaa ku jira oo jalbaabo wata waxa ayna hoosta ku wataan mindiyo iyo jawaanno oo ciyaalka annaga oo kale ah hilibkooda ayaa uga buuxa”

 

 

Intaas iyo in kabadan ayuu sheegayay aniga iyo saaxiibki kale oo sheekada u dhagaysanaynay si taxadar leh waxaa nagu badatay cabsida iyo argagaxa, mar walba oo uu sheekada sii badiyo annagana waxaa nagu sii badanaysay cabsida.Hadda waxaan ku soconaa waddo dheer oo ay dhinacyada kaxigaan geedo aad moodid in si ku tala gal ah loogu ooday,meel fog oo horteenna ah waxaa kasoo muuqday qof aad hummaag iyo mututool, goortu waa cilciloow mugdigu daaha rogtey, waxaad muudaa inuu dumar yahay, wuxuu ku labisanyahay dhar madmadoow oo jalbaabo u eg, si tartiib ah ayuu usoconayaa qofku waxaadna moodaa in marka uu tallaabsanayo uu culayskiisu hal dhinac ubadanyahay.

Xaqiiqadadi waa qofki ay niyadeennu sawiran jirtay marka lasoo hadal qaado juudaanleeyda, si toos ah ayuu qofki noo soo abbaaray, saddexdeenii oo afkii juuqda gabay maj irto meel kale oo aan wadada uga leexanno oo markaan waxaaba noo dhow xaafadihi ladaganaa gadaalna uma carari karno oo ayadaaba goofaf ah, qofki wuu soo dhowaanayaa wuxuuna markaan umuuqdaa qof aad u cayilan aniga indhahaygu waxay I tusayaan in qofku uu gacanta midig guntiga La’ aadayo oo uu kala soo baxay mindi dheer.

Hadda qofki waa nagu soo dhowaaday waxaana u banneeynay wadada dhinac dhan, haa waa qof dumar ah indhashareer baa uxiran, marki uu wax yar noo soo jirsaday wuxuu gaabiyay socodki. marki uu nala simanyahay oo aan annaguna si gees gees ah iskaga fiirineyno ayuu qofki hal mar si kedis ah inta noogu soo leexday wuxuu isku duubay saaxiibkeeni nooga sheekeynayay juudaanleeyda, talo faraha ayay kabaxday aniga iyo saaxiibki kale orodki aan meesha kaqaadnay waxaa miir iigu horeysay anigoo sariirtayda jiifka saaran.

Malahayga meesha aan joogo orod kuma imaan ee waan soo duulay,maya ee waad qarwaysaa, intaan dhowr mar acuudu billaystay oo haddana dhinacyada eeg eegay waa xaqiiqo oo waxaan dhex joogaa gurigeeni, meel agtayda ah waxaa ka muuqda ulihi aan galabta oo dhan soo gurayay, taas ayaana ii xaqiijisay in aaanan riyooneyn ee waxa dhacay ay run ahaayeen, oo haddaa wiilki idinla socday ma juudaanleeydi baa cuntay?!

Oo haday sidaas tahay maxaad u qarinaysaa maad u sheegtid reerkooda? mar kale waxaan ka baqanayaa in aniga naftayda ay reerkeenu ogaadaan meesha aan xilligaas ka imaannay oo ugu yaraan aan ku mutaysan karo in lay garaaco, masaajidka haa masaajidka ayaan ka imid ayuu hadalkaygu ahaa, oo sidaas baa habeenki lagu kala seexday xaafadda, jiif aa? mar walba aan indhaha isgaliyaba waxaa hortayda imaanayay qaabka uu u yiilay qofki aan caawa aragnay, waxaan maqli jiray balaayo madoow ku qaaday! malaha balaayada la sheegaa sidaas bay u egtahay, daqiiqad kadibba waxaa dhagahayga kusoo dhacayay qeeyladi ka baxaysay wiilki saaxiibkeenna ahaa, aad baan uga murgooday waxa na qabsaday, malahayga isla habeenkaas waxaan juudaanleeyda u aqoonsaday cadawga kaliya ee caalamka kajira!

Isla habeenki waxay riyadaydu itusaysaa anigoo gacanta lay galiyay hubka wax gumaada, anigoo duullaan xooggan ku qaaday deegaannada ay ku xooganyihiin maleeshiyaadka taabacsan juudaanleeyda, anigoo gacanta kusoo dhigay dhowr askari oo katirsan juudaanleeyda, ayadoo si xun layskugu riiqmay oo ugu dambaynna aan kugacan sarreeyay dagaalki ka dhanka ahaa juudaanleeyda,

Subixi waxaan hurdada kakacay anigoo dugsigi k adaahay oo weli ay agtayda yaalliin ulihi sarbida ahaa ee aan xalay soo guray, marki aan dugsiga tagay ayadoo uu macalinkuna joogo oo ay ardaduna quraanka aqrinayaan saaxiibkeygi xalay ay juudaanleeydu iga qaadatay waa ninki aan xalay oo dhan daraadiis u dagaalamayay wuxuuba kujiraa safka hore ee ardayda, waan u qaadan waayay oo in muddo ah ayaan eegayay, ma ahayn waqti laysla hadli karo ama lays waraysan karo oo macalinka ayaa dugsiga joogay, marki quraacda naloo fasaxay ee aan xaafadda isu sii raacnay saaxiibkeeyna waxaan ogaaday in qofki xalay aan kacabsannay ay ahayd saaxiibkeey hooyadiis oo iyadu maalinki oo dhan wiilkeeda baadi goobaysay ………

 

W/Q Aqwaan Xasan Jidhi.

Cape town South africa

SHEEKOOYIN