Ka daa ha taaban nabarka caashaqa Q2AAD, W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Ka daa ha taaban nabarka caashaqa Q2AAD
Abwaanka waxaan weydiiyay dhowr waydiimo oo kala duwan, balse dadkii goobta ila joogay iyo adigan akhristaha ahba waxaa laga yaabaa inay maankiina ku soo dhacdo  tolow muxuu waydiin doonaa.!
Horaa loo yiri  meesha bugta iyo fartaa is og.
Aniga ujeedkaygu ma ahayn inaan Abwaanka sidii wariye u warsado isla markaana sheekadu naga baahdo, si aanay taasi u dhicin kaftanka iyo qosolkuna meesha uga bixin, waxa aan ugu horrayn si dagan u waydiiyay  abwaanka “bal inuu wax yar inooga sheego qaabkii iyo qisaddi ay ku timid mid ka mid ah heesaha abwaanku uu curisay taasoo halku dhigeedu ahaa Soo noqo, kuna luuqayso AUN hobollada codka halaasiga la ahayd ee Kinsi Xaaji aadan”?.
Abwaanku wuxuu ku jawaabay sidan  ” qaabka ay heestu ku timid runtii waa sheeko dheer, laakiin haddaan soo koobo,  hadda ka hor anigoo jooga magaalada Hargeysa, ayaa waxaa dhacday gabadh aan haasaawe wadaag ahayn oo xiriir naga dhaxeeyay ayaan habeen habeennada ka mida  kulanay, markii aan cabbaar sheekaysanay ammintuna xilli dambe noqotay  ayaan waxa aan ku idhi; haye waan sii baxayaye nabaadiino iyo kulan dambe oo xiiso leh.
Haye nabadsan intay iigu warcelisay ayay ilaa Albaabka isoo dhawaysay markaasay halkaa xabadka naaska korkiisa gacanta iga saartay ayay mar labadaad igu tidhi habeen wanaagsan”.
Kaddib gurigii aan daganaa ayaan imid inagoo faraxsan, balse wax yar kaddib waxaan dareemay xanuun  kaar iyo kulayl ayaa iga baxayaa, durba waan gartay meesha layga raacay iyo xanuunka i haya wuxuu yahay, horaa loo yiri qufac iyo jacayl ma qarsoomaan,
wax kale ma ahee waa halkii ay  gabadhaan sheeko wadaaga ahayn een jeclaa gacanta naxariista badan iga saartay.
Intaan soo fariistay ayaan kibriid aan jeebkayga ku ogaa la soo baxay markaasan halki i xanuunaysay dhowr meelood oo wareega  taraqii ku gubay, wax yar kaddib intaan nafisay ayaan iska seexday.
Waan ladnaaday kaddib waxaan howlo shaqo u tagay Caasimadda dalkeena hooyo xilliyadaasi waa ammintii uu Fanka iyo dhaqanku qiimaha lahaa, waxaa jiray kooxo badan oo heerar kala duwan lahaa, aniga iyo koox aan ka mid ahaa  oo barnaamij laga sugayay soo bandhigidiisa  ayaa xalay oo kale diyaarintiisii ku daahnay, xilli dambe ayaan wax yar indhaha is galiyay, subaxdii markuu waagu baryay een toosay intaan kacay ayaan caday shaatiga jeebkiisa kala soo baxay, anigoo macawis xiran oo feedha qaawan garbahana tawaal ii saaranyahay waxaan doonayay suuliga balse waxyar ayaan jardiinka guriga yara fadhiistay.
Waxaa si kaddis ah labadayda dhinac u soo fadhiistay Shankaroon Axmed sagal iyo Sahro Siyaad kaddib waxay I waydiiyeen…
Lasoco qaybta xigta
W/Q yaasiin xasan muuse

SHEEKOOYIN