Ka daa ha taaban nabarka caashaqa Qaybtii 3aad W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Ka daa ha taaban nabarka caashaqa Qaybtii 3aad

Waxaa si kadisa labadayda dhinac u soo fadhiistay Shankaroon Axmed sagal iyo Sahro Siyaad oo labadooduba ka mid ahaa hobaladdii dalkeena  caanka ka ahaa.
Salaan kaddib, sida aan horay idinku sheegay  hurdo ayaan ka soo kacay, waxaa aan yara fadhiistay jardiinka guriga, dabcan waxaa aan doonayay in suuliga  galo, tawaal ama shukumaan ayaa garbaha ii saarnaa oo qaarka kore ayaan qaawanaa.
Shankaroon Axmed sagal iyo Sahro Siyaad waxay arkeen feedhahayga halkaas naaska korkiisa dhowr meelood dab igaga yaalo, waa astaantii jacayl ka oo waa halkii gabadhii aan jeclaa  gacanta naxariista badan iga saartay, balse gadaal xanuun badan igu reebtay dabkii aan waagaas jidhkayga ku gubay si kaarka iyo kulaylka uga bogsoodo,   nabaraddi oo wali jidhayga ka muuqda ayay Shankaroon Axmed sagal  intay farteeda sidaa u saartay ayay igu tidhi.”Abwaan meesha lagaa gubay maxaa kaaga dhacay?”
Intaan gacantii qabtay ayaan si dareen leh u idhi
Ka daa ha taaban nabarka caashaqa!'” markaasaan u raaciyay,
Halkuu nabarka caashaqu
Naafeeyay bari hore
Naxdin li’i ha taabaninee,
Intay qosleen ayay dhaheen waa erayo miisaan leh oo dareen jacayl dhaba ka turjumaya ee soo dhammaystir, oo aniga ii dhiib iyo anigaa qaadi doona ayay igula kaftameen,
Muddo kaddib erayadi waa soo dhamays tiray waxaana nasiib u yeelatay oo codkeeda dabacsan ku luuqaysay Kinsi Xaaji aadan
Waxaa kamid erayada heesta.
  • Halkuu nabarka caashaqu
  • Naafeeyay bari hore
  • Naxdin li’i ha taabaninee
  • Hataabaninee
  • Waa naruuro sheekadu
  • Waa nasteexo eegmadu
  • Naf wax jecel ahaa ahaa
  • Soo noqo soo noqo
  • Kolay kama nagaadee
  • Niyadayda ma ogtahay… 
Woow Waad mahad santahay Abwaan runti waa sheeko xiiso leh ,
Dhanka kale Abwaan Maxamuud Qaaqay waxaa aan ku weydiiyay dadku aad ayay ugu  kala aragti duwan yihiin xaqiiqada ku gadaaman in jacaylku dhab yahay iyo in kale, arrintaasna waxaa xaqiijin kara oo kaliya qof jacayl ku dhacay oo dhib iyo dheefba ka arkay, markaa adigu Abwaan ahaan inkastoo haddaba qiso jacayl oo kugu dhacday aad nooga sheekaysay haddana maxaad ka aaminsantay jacaylka?
Kaddib ayuu yiri: Horta marka hore jacaylku waa wax dhab waana wax jira, horaa loo yiri Haddi aan jacayl jirin aduunyaddu ma joogteen. Aniguna waa taan horay u idhi
“‘hadduu yahay bar kuma taal
Abwaan uma balweeyeen
Ma boqreen Hadraawiba Beer lula ma sheegeen”.
Markaa jacaylku waa wax jira.
Waa si fiican Abwaan hadalka aan kaa dhax galo
Waxaa igu maqaala ah heestan halku dhigeedu yahay Caashaqa ma baran wali, inay  jawaab u tahay Heestii uu tiriyey abwaan Hadraawi ee Baladweyne, een een arrintaa maxaa ka jira?
Haa waa run waa sidaa.
Heesta Baladweyn, uu Abwaan Hadraawi tiriyay waa hees aad u qiimo badan aadna loo jecel yahay wax badana koobsatay waa mida koowaadee abwaan Hadraawi wuxuu heesta ku soo bandhigay sheeko jacayl oo isaga iyo Beerlula dhax martay, mida labaad sawir qurux badan ayuu ka bixiyay magaalada Baladweyn, sidioo kale abwaanku wuxuu u garnaqsadsy isaga iyo taliyihii ay wada socdeen, ugu dambayn abwaanku magaalada wuu u duceeyay  Marka aniguna
Heesta caashaqa ma baran wali ayaan tiriyay
  • Dhulkoo meel barwaaqa ah
  • Oon la hayn bad iyo wabi
  • Dhirtu ay ku badantahoo
  • Baryo laydhsi loo tago
  • Buurta gacan libaax ee
  • Ku yaal baydka raaxada
  • Ma ku sii baraayoo
  • Bariba ma isku raacnaa?
Waxaa ku luuqeeya Kinsi Xaaji aadan iyo Cabdullaahi xarago….
Dhammaad……
W/Q yaasiin xasan muuse

SHEEKOOYIN