Ka daa ha taabanin Nabarka Caashaqa! W/Q Yaasiin Xasan Muuse

Ka daa ha taabanin Nabarka Caashaqa!
Waa xilli galab ah ammintu waa horraanta hilaaddi 2005,waxa aan si lama filaanĀ  ahĀ  ugu kulanay mid ka mid ah Abwaannada Soomaaliyeed ee aadka loo jecel yahayĀ  xaruntii hore ee dalxiiska, oo markaasi ay ku taallay idaacaddii Radio Darban ee magaalada Baladweyne gobolka Hiiraan.Ā Abwaanka maqal mooye horay uma aanan aragĀ  Ā balse, waxaa hubaal ah inaan aad u jeclaa suugaanta uu tiriyay abwaanku.
Xarunta idaacadu waxa ay lahayd barxad wayn oo lagu nasto sidoo kale odayaasha iyo siyaasiyiintu ku kulmaan waxaa intaa u dheeraa waxa ay ahayd meel bilicsan oo il doogsi leh oo araga u wanaagsan waxa ayna ku taallay wabiga jiinkiisa ku taalay, runtii jawi dagan iyo bilic wanaagsan ayay isku darsatay.
Sidaa darteed waxay ahayd barkulan haldoorku iskugu yimaado, gaar ahaan xilliyadda galabtii ah.Ā Nasiib wanaag galabtaas aniga iyo asxaab kale oo aan hadda ka xasuusto Allah ha u naxariisto Cabdi Cali, iyo fannaan maxamed Jabuuti, waxaa an hoos fadhinay geedkii waynaa ee ku horyaalay istudyaha 2aad ee idaacadda.
Waxaa nala soo istaagay nin haybad iyo higilba ka muuqdo, qaar ka mida ah asxaabtii aan wada fadhinay ayaa intay kaceenĀ  si tixgelin iyo xushmad waynayn ku dheehantahay u salaamay,mid kamidda dhallinyaradi nala joogtay ayaa kursiga uga kacay.
Kaddib ninkii odayga ahaa isagoo farxad ka muuqato ayuu fadhiistay.
Waa rag iyo caadadii Shaah iyo sheeko, waan wada casariyeeynay balse yammada ayaa la wada galay oo waa law ada aamusay, ninka afkiisa ayaa la wada dhowraya.
Anigoo la yaaban sheekada iyo kaftanka ninka odayga ah, ayaan waxa aan waydiiyay Cabdi Cali, wuxuu igu yiri “oo miyaadan garanayn waa Abwaan Maxamed Maxamuud qaaqay’ .
Waaw…. Intaan kacay ayaan salaamay waxaanna kuĀ  idhi barasho wanaagsan abwaane, waxa aan ka mid ahay dadka ku dhaata suugaantaada badwaynta ah.
kaddib kursigaygi intaan soo qaatay ayaan garabkiisa midig soo ag fariistay, markaasan si mug iyo miisan leh u dhuuxay oo u dhagaystay sheekadii abwaanka oo isugu jirtay kaftan qosol leh iyo sheekooyin kale oo ku saabsan waayihii wacnaa ee dalkeenu soo maray iyo wadciga maanta, intaa waxaa dheer sheekooyin la xiriira suugaantiisa iyo raggii ay bah fan wadaaga ahaayeen.
Abwaanku waa hadal aqoon aftahanna waa xaladeeye xeeldheer, maankiisa waxaa ku kaydsan taariikho badanĀ  taasoo oo u baahnaan lahayd in la weeleeyo.
. Aad ayaan ugu riyaaqay aragtidiisa anigoo ka faa’iidaysanaya kanshahaa qiimaha badan een abwaanka ku helay ayaan waxaan waydiiyay dhowr waydiido oo kala duwan, kuwaaso la xiriira qaar kamida suugaantiisa..
Lasoco qaybta 2aad
W/Q….. Yaasiin Xasan Muuse

SHEEKOOYIN