Ka feker Yoolkaaga! WQ: Hassan Mudane

                            kdso1jj 

                  Ka feker Yoolkaaga!

Ka feker yoolkaaga adiga oo isweydiinaya heerka ay naftaadu ugu baahantay gaarida yoolkaaga. Ma iga go’antahay in aan naftayda u huro? Duruufo noocee ah ayaan uga tanaasuli karaa? Dhammaan waa su’aalo u baahan in aad isweydiiso ka hor inta aadan dhagax dhigan yoolkaaga. Ogowna! Haddaad yool ka dhigato madaxa korkiisa in aadan weligaa gaarin baa la arkaa balse hadaad ka dhigato dayaxa waxaad gaari doontaa meel fog.

                     “Inta hankaagu yahay un baad adiguna tahay”

Maxaad ku diidan tahay isbeddelka? Maxaad ku diidan tahay in aad yool dejisato? Miyey kula tahay in ay guusha fadhiga kuugu imaan doonto? Maya sidaas ha ku fekerin waayo guusha markaad dalbato durbadiiba iskama timaade sababo isbiirsaday ayay ku timaadaa marka baro sababahaas si aad u guulaysato.

                     

                       “Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan”

Waxa ugu horreeya ee aad samayn karto waa in aad fadhiga ka kacdo oo aad istaagto kadibna horay u dhaqaaq adiga oo raacaya waddada guusha taas oo ah yool. Waxaadna sahay ka dhigataa adkaysi, jamasho, xamaasad, xirfad, kalsooni iyo go’aan adag. Miyaad doonaysaa in aad ku noolaato nolosha xayawaanka oo kale mise mid ka duwan? Waayo xayawaanku wuu cunaa, cabaa, seexdaana. Sidoo kale, adigana waad cuntaa, cabtaa, seexataa. Marka maxay tahay farqiga idin dhaxeeyo?

                   “ Fadhi iyo fuud yicibeed laysku waa”

Waxaa loo baahan yahay in aad maskaxda ka fekerto maahan in aad caloosha ka fekerto waayo waxaan sidaas kuu leeyahay oo aan kaa doonayaa in aad yeelato han sare iyo kalsooni si aad kaga duwanaato noolaha kale. Bal eeg haddii hankaagu yahay in aad la duusho shimbirka hawada sare maraya waa kuu doqonnimo in aad isku shuqliso sida digaagga dhulka hoose socda.Si kastaba, wuxuu yiri Mark Twain oo ah qoraa buuggaag badan ka qoray horumarinta nolosha “Labada maalmood ee noloshaada ugu muhiimsan waa maalinkaad dhalato iyo maalinkaad ogaato sababta aad u nooshahay.”

WQ: Hassan Mudane

Buugga Sirta Guusha, cutubka 6aad, bogga 83aad.

Mudanep5@gmail.com

 

SHEEKOOYIN