Dowladnimada iyo awoodda shacabka!! (Qormo cilmiyeed)

Qarnigaan aan ku jurno, ka hadlidda doodda ku saabsan sida ay dadweeynaha ugu qeebqaadan karaan go’aanada dhaqaale, bulsho iyo mid siyaasadeed intaba waa wax aad looga hadlo. Marka aan fiirino dunida lagu magacaabo ‘Dunida Horrumartay’’ ee jogoraafi ahaan dhacdo Galbeedka dunida ama leesku yiraa Reer Galbeed, ka qaybgalka dadweynaha oo ay ka mid ahaadaan go’aadanada ay gaarto Doowladda iyo qorshooyinkeeda waa mid aad loo tixgaliyo maadaama ay Doowladahaasi marwalba niyadda ku haayaan in go’aanadooda ay saamayn ku yeelanayaan bulshooyinka ku nool dhulka ay xakuman.

Dowladaha horumaray uma arkaan ka qaybgalka shacabkooda ee ku saabsan aragti ka dhiibashada iyo isla xisaabtanka in ay tahay mid hooseeysa ama aan fir-fircoonayn balse waxa ay u arkaan mid lagama maarmaan ah oo muhiim u ah taladooda hogaamineed. Waxaa la sheegaa in ka qaybgalka dadweynaha ay sabab u tahay inta badan nuuca hanaanka Doowladanimo oo ay leeyihiin wadamadooda.

Wadamada ay xakumaan ama ay hogaamiyaal ka yihiin ‘’ Kaligood taliska’’ lama dhiira galiyo ka qaybgalka shacab weeynaha go’aanada ay gaarto Doolwadda. Amarada waxaa laga soo saaraa dhanka kore ee ah xafiisyada Dowladda halka shacab waynaha ay u furantahay oo kaliye in ay qaataan awaamirtaasi iyagoon soo bandhigi Karin khiyaar kale.
Nidaamka ay aadka gadaal uga riixaan reer Galbeedka ee la yiraahod ‘’Democracy’’ ayaa la sheegaa in uu mab’da’ ahaan taageero ka qaybgalinta shacabka go’aanada ay gaaraan Doowladaha.

Bal aan wax yar dul istaago waxa asaas ahaan loola jeedo ‘’Democracy’’ ama ay micnaheedu tahay si kooban maadaama uu xiriir la leeyahay maqaalkaygaan kan ah iyo si akhristahy u fahmo xiriirka ka dhaxeeya maqaalka iyo eraygaan ‘’Democracy’’.

Aqoonyahanka la yiraahdo Larry Daimmond ee u dhashay wadankaasi Maraynkanka waxa badana ka qoray siyaasadda iyo xiriirka caalmiga ah ayaa ku micneeyay ‘’ Democracy’’ in ay Dimoquraadiyadda ay ku dhisan tahay amaba ka koobantahay afar Qaybood oo kala ah;
1. Hanaan doowladnimo taasoo doowladda lagu xusho ama lagu badalo iyadoo loo maraayo doorashooyin hufan xalaana ah
2. Ka qaybgalka shacabka oo ah mid xoogan muwaadin ahaan iyo nolosha caadiga ah
3. Ilaalinta dhammaan Xuquuqul Insaanka Muwaadiniinta
4. Sharci iyo nidaam kala danbayneed kaa soo ay u siman yihiin dhammaan dadka
Waxaa la sheegaa in Dimoquraadiyadda ay ka koobantahay laba nuuc oo kala ah mid too ah iyo mid Matalaad ku dhisan (Direct and Representative Democracy). Tan hore ee ah midda tooska ah waxa loola jeedaa in shacabka u codeeyo dhamman qorshooyinka iyo siyaasadaha doowlada rabto halka tan labaad loola jeedo in dadweynaha u codeeyaan wakiilada ay ku yeelanayaa Doowladda si ay wakiiladaasi ugu codeeyaan Go’aanada ay gaarayso Doowladda iyagoo ku matalaya dadkii ay ka heleen codka markii hore.
Marka aad si qota dheer u fiiriso sharaxaadaasi ku saabsan Dimoquraadiyadda waxaad fahmaysaa in ay tahay hanaan aad u dhiirgalinaayo ka qaybgalka shacabka ay ka qayb ahaadaan go’aanada doowladda ay gaarto. Waxaa mar walba ka dhasha fikirkaan ah Dimoquraadiyadda Isfahan waa iyo khilaaf ku saabsan waxa ay tahay ama ku dhisan tahay mabda’ ahaan kaasoo u dhaxeeya aqoonyahanada si caalami ah. Isafgard waagaan ayaa inta badan ka dhasha qaybaha la xiriira xuriyadda sida Hadalka, Guurka iyo qaadasha Diimeedka waxa uuna ku salaysanyahay Diin, Mabaadi’ iyo dhaqanno soo jireen ah.
Haddaan hoos ugu dago ujeedka Qormadayda, ka qaybgalka shacabka waa hab ama ficil siyaasadeed marka qaarna la yiraa Xaqa Muwaadinka. Ficilkaani siyaasadeed waxa uu inta badan u ololeeyaaa ka qaybgalka daka ay saamayaan amaba daneeya go’aanada ay gaarto doowladi. Dakaani waxa ay noqon karaan shaqsiyaad, Ganacsato, Bulshada rayidka ah iyo dhaq-dhaqaayada kale.
Hadaba su’aasha waxa ay tahay ‘’Maxaa loogu baahanyahay ka qaybgal shacab’’
• Doowladuhu waxa ay u baahnyihiin in ay u dajiyaan sharciyo barnaamijyo iyo siyaasado si xal loogu helo dhibaatooyin jiro. Shuruucdaani waxa ay u baahnaanayaan ka qaybgal shacab si loo helo kalsooni iyo taageero ka timaada dadweynaha ka hor inta aan loo tixgalin “Sharci Rasmi ah”.
• Dhaqaka ka qaybgalka waxa uu tusaale u yahay dhiiraglinta Dimoquraadiyadda, sidaa aawgeed Doowladaha waxa ay u baahanyihiin in ay hormariyaan dhaqankaasi si ay caalmka intiisa kale ugu muujiyaan in ay ka shaqeeyaan raali galinta shacab weeyanaha ay xakumaan
• Tusaale ahaan marka ay timaado khilaafaad ka dhax dhasha bulshada, doowladaha waxa ay u baahnyihiin in ay dadkaasi u ogolaadaan in ay is xaliyaan iyada oo ayn doowlada faragalin weeyn ku samaynaynin marka laga reebo fudueeyn habka xalinta khilaafkooda. Tani waxa ay keenaysaa in dadku ay dareemaan mas’uliyad iyo in aaysan doowladdu qasbayn amaba ay caburinaynin.
• Ka qaaybgalka waxa uu mar walba keenayaa in natiijada ka soo baxdo wada tashiyada ay noqoto mid wada jir ah taasoo si fudud loo fuliyo khilaaf la’aan.
Ka qaybgalinta shacabka go’aanada la gaaryo waxa ay leedahay faa’iidooyin dhoowr ah. Waxaa ka mid ah in ay horumarka dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada iyo ilaalinta Deegaanka ama beey’ada kuwaasoo doowladaha maanta ee dunida ay aad u daneeyaan. Ka qaybgalka waxaa loo samayn karaa dhoowr hab si codka shacabka u yeesho saamayn keenana isbadal wax dhisa.
1. Dadweeyanah waxa ay qoraal u qori karaan wakiiladooda ku ma tala kuraasta doowladda si ay talooyin u siiyaan amab ay kaga cawdaan arin taagan
2. Waxa ay dadweeyanah ka muujin karaan aragtiyadooda doodaha iyo barnaamijyada ka baxa Qalabka kala duwan ee Warbaahinta si ay ugudbiyaa fariintooda
3. Waxa ay shacabka baabuli karaan isusoobaxyo si ay u taageeraan ama uga soo horjeestaan arin ku saabsan masiirkooda umadeed si ay cadaadis u saaraan doowladda
Ka qaybgalka shacabka waxa uu maraa marxaldo kala duwan sida ay qabto Aqoonyahnada la yiraa Sherry R. Arnstein. Waxa ay aliftay fikirka la yiraa ‘’Jaranjarada ka qaybgalka Muwaadinka’’ sanadkii 1969 kii. Si kooban waxa ay u kala saartay sedex darjo oo kala ah;
1. Ka qaybgalid la’aan: marxaladaani, dadka waxa ay la kulmaan cadaadis iyo tacadiyo kaga yimaada qolada xakunka haysa. Tani waxa inta badan lagu arkaa wadamo ka mid ah qaaradaha Afrika iyo Asia.
2. Dhagayso ee ka tag: tani waxa ay ku saabsantahay, muwaadiniinta waa la dhagaysanayaa misana lala tashanayaa laakiin codkooda iyo taladooda lama tixgalnaayo go’aanada laguma salaynaayo. Waxaaad moodaa in ay ka sukayso amaba ay wax yar dhaanto marxaladda koowaad.

3. Koontaroolka Muwaadinka: marxaladaani waa tan ugu wanaagsan. Muwaadiniinta waxa ay bahwadaag kula noqdaan doowladda go’aanada ay gaareeyso. Codka Haa iyo Maya waxaa leh shacabka.

Sedexdaasi marxaladood marka aad dhuuxdo waxaad dareemaysaa heeraka ay ku suganyihiin doowladaha caalamka marka laga hadlaayo ka qaybgalka shacabka ay ka mid ahaadaan qorshoyinka doowladda samaynayso.

Marka laga hadlaayo awooda shacabka, tusaalaha ugu cad waxa uu yahay kacdoonkii Wadamada Carabta ee biloowday sanadkii 2010 walina ka socda qaar ka mid ah wadamada bariga dhaxe. Kacdoonkaan ayaa ka dhashay gadood ay sameeyeen shacabka kuna salaysnaa in ay ka soo horjeedaan hogaamiyaasha siyaasadda ee wadamadooda kuwaaso ay ku eedeeyaan Musuq-Maasuq, kali talisnimo iyo horumar la’aan.

Kacdoonkaa wadamada uu saameeyay waxa ka mid ah Tanzaaniya, Masar, Liibiya, siiyriya iyo Yaman. Wadamadaasi intooda badan hogaamiyaashooda waxaa lagu qasbay in laga tuuro xukunkii ay haayeen qaarkoodana ayba u dhinteen sababtaasi. Tani waa tusaalaha Qarnigaan taasoo ku tusinaysaa awooda ay leeyihiin shacab weeynaha iyo sida ay hogaan uga noqon karaan isbadal weeyn ee ku yimaada dunida.

GUNAANAD
Ka dib hadii aan wax badan ka fahnay muhiimadda iyo awooda ay leehinhiin shucuubta marka laga hadlaayo ka qaybgalkooda hanaanka doowladadeed, Hogaamiyaasha waa in ay ogaadaan kuna fikiraan ahmiyadda ka qaybgalka shacabka niyadana ku haayaan in ay yihiin adeegayaasha dadweeynaha, sidaa darteedna mar alaale markii ay ku fashilmaan adeegaasina aysan helaynin mar marsiyo ay ku sii joogaan kursiga.

W/D. C/qaadir Muxidiin Axmed (Dalxa)
Qoraa; Arrimaha Dhaqaalaha, bulshada iyo siyaasadda
Tell: +252 619955333
E-mail: Abdikadirdalha@gmal.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.