Ka qoomameeyey waqtigeygii qasaaray! W/Q: Shukri Maxamuud Maxamed

unnamed

Ka qoomameeyey waqtigeygii qasaaray..!!!

Goor sheegtaddu waa 04:00 galabnimo salaad casir kaddib, waxa uu qorshuhu ahaa in aan magaalada aado, waxaan joogey magaalo igu cusub oo aad baan u xiisaynaaye in aan soo kala barto, waqti kaddib waan is diyaarinay aniga iyo gabar ila socotay, qorshahaynu wuxuu ahaa in aan aadno xaafad kale oo aan sidaa uga fogayn guriga aan daganayn, waxaa aan go’aansanay in aan iska luga baxsano, xoogaa markii aan soconay ayaa mar qura indhahaygu qabtayn nin oday ah oo da’ ahaan  aan ku qiyaasay 70-80jir, isla markaana  hor fadhiya guri yar oo jiingad ka samaynsanaa, wuxuu gacanta ku wataa jaqaf ama saxan duugoobay, waan istaagnay waddadii aan maraynay,odaygii ayaa waxa uu u yeeray gabar la daris ahayd, wuxuuna ku dhahay “Safiyo ilmaha dab iigu soo dhiib aan casho yar karsadee, labba habeen ka hor ayaa gurigayga dab igu dambaysay”.

Hadal kaas markii aan maqlay runtii waan murugooday, waxaan is waydiiyay tollow miyaannu u joogin qof cuntadda u karisa? Dabkii ayaa waxaa loogu soo dhiibay gabar yar oo aan da’deeda ku qiyaasay lix jir, dabkii ayuu ka qaatay wuxuuna  ku yiri “Adeer ubadkaagdu hakuu adeego idam- alle” dabkii ayuuna gurigiisa la galay, inta uusan albaabka xiran ayaan gurigiisii u dhawaaday, waxaan istaagay meel uu hadal kayga ka maqli karo, waxaana  ku iri  “adeer Assalaamu caleykum” waxuunna igu jawaabay “wacaleykumu salaam “, salaan  kaddib ayaan ku iri adeer masoo gali karaa?”Haa” ayuu igu yiri, markii aan guddaha soo galay ayaan dareemay in gurigu uu cidlo yahay.

Guriga  waxaa uu ka koobanyahay laba qol iyo musqul, dhinacyada ayaa fiir-fiiriyay, waan waayay qof aan asiga ahayn oo guriga joogta, waxaan waydiiyay adeer aaway  ilmahaagii mise safar baad magaalada ku tahay..? dhaqsi ma uusan iigu jawaabin, balse daqiiqado kaddib ayaan mar labaad ku dhahay “Adeer adigoo raaliya ah waxaan rabaa in aad iiga sheekayso noloshaada”, Wuxuu ku bilaabay sidan:

Waxaan ku dhashay  guriga aan hadda joogno, hooyaday iyo aabbahey kaligay ayay i dhalayn oo owlaad kale illaahay ma uu siin, xiligii carruurnimadaydii waxaan ku soo koray nolol tan ugu fiican, hooyo iyo Aabbe fiican ayan  nasiib u yeeshay, aabbahay wuxuu ahaa macalin dugsi qur’aan, dadka xaafadda aad bay u jeclaayeen aabbahey, wuxuu dadka ugu faani jiray marka aan dhinto wiiilkayga ayaa i badali doona, laakiin riyo ayay ku ekaatay oo ma aysan rumoobin.

Da’da qaan gaarka markii aan gaaray oo aan qur’aankana dhammeeyay ayaa aabbe hadalkiisa dhibsaday, hadalkii aan aadka u dhibsaday ayaa ahaa “Qur’aanka aqri iyo na keen aan masjidka aadnee” Sheydaan ayaa iga tan badshay, habeen habeennada ka mid ah ayaan fikiray, waxaan go’aan ku gaaray in aan ka fogaado reerka oo dhan oo aan tago magaalo kale si aan kaligay u noolaado una dareemo xorriyad, subaxdii markii uu waaga baryay  ayaan go’aankii xalay fulintiisii ku dhaqaaqay, ugu  dambayn waan ku guuleystay in aan magaalo kale aado, anigoo cidna ku war galin.

Markii aan magaaladii tagey ayaan arkay wiil aabbahey macalin u ahaa oo dugsiga isla dhigan jirnay, wuxuu igu dhahay “Saaxiib ma Cabdisamad baa”..? anigoon jawaabta la daahin ayaan ku iri “Haa waa isagii” wuu isoo dhaweeyay saaxiibkay, anigana sababta u soo  baxay ayaa ahayd in aan noqdo qof dhallinyaradda iskala baashaalo, saaxiibkaygii iigu horreeyay ee aan la saaxiibo ma noqon saxiib wanaagsan, wuxuu ahaa qof isticmaalo maandooriyayaasha, salaaddana aan dukan, anigu markaas wuu ila wanaagsanaa siduu ahaa ayaanna la noqday ileyn saaxiibkaa siduu  yahay ayuu kaa dhigaaye, waxaan noqday qof aysan xalaal iyo xaaraam u kala soocnayn, waqtigaygii intii ugu badnaydna dheel-dheelshaas  ayaan Ku lumiyey.

Markii aan dhowr iyo soddon sanno ku dhex jiray noloshaas xun, ayaan soo baraarugay waxaan xasuustay in aan ka soo tagay aabbe iyo hooyo kaligay carruur iga lahaa, galab aniga oo meel ku qayilaayo, ayaa waxaan maqlay aadaanka salaadda casir, waxaan xasuustay hadal kii uu aabbahay igu dhihi jiray oo ahaa “Wiilkaygiyoow haddii aad maqasho aadaanka salaaddaha, shaqo walba oo aad ku jirto faraha kala bax oo salaadda aad, markii aad soo dukato kaddib shaqadaadda sii wado, sababtoo ah salaaddu kuuma soo laabanayso, laakin wax yaabaha kale oo aad hayso waqti kale ayaad qaban kartaa”, isla markiiba  waan istaaga oo caddeystay waana waysa qaatay, waxaan aaday masjidka si aan salaadda casir usoo dukado, markii aan salaadda dukaday ayaan is weydiiyey tollow goormay ayaa kuugu dambaysay salaad aad masjid ku tukato..? jawaabtaas in aan u helo iskaba daayay xitaa waxaan jawaab u waayay goormaa kuugu dambaysay salaad aad dukato?.

Shiikhii imaanka masjidka ahaa ayaa waxaa uu bilaabay inuu ka sheekayo xaqa waalidka ay leeyihiin, markii uu in cabbaar ah waday  muxaadaradii ayaa sii dhagaysan waayey, maxaa yeelay danbi wayn in aan waalidkay ka galay ayaan oggaaday, waxaan go’aansaday in aan u laabto waalidkay oo xilligaas haddiiba ay nool yihiin, maxaa yeelay aniga ayaaba da’dayd ah 50jir, Markii aan imid magaaladii aan ku dhashay oo waalidkayna aan kaga tagay, ayaa waxaan si toos ah usoo  abbaaray gurigeenii oo ah midka aan hadda ku jirno, markii aan guriga imid ayaa waxaan u imid guri oo cidlo ah, dariskii aan xiligii aan tagayay ogaa ayaan u garaacay, waxaa albaabka iga furay wiil aan isku da’ ahayn oo aan aqoonsan waayay isaguna i garan waayay, markii aan isku sheegay kaddib wuu i gartay, aad buu iiga naxay sidda aan u ekaaday, waxaan uga sheekayay noloshii aan soo maray, sheeko ka dib, waxaan waydiiyay halka ay waalidkay u guurayn laakiin nasiib xumo wuxuu ii sheegay in ay waalidkay geeriyoodayn, aabbahay oo ugu dambeyana uu 3 sanno ka hor dhintay, wuxuu intaa ii raaciyay in aniga la i moodaye in aan geeriyooday oo aabbe iyo hooyo ay tacsi ii dhigayn, waxaa kaloo uu ii sheegay in waalidiintaydii ay carruur ayagu u ahaayayn, dadkii uu qur’aan baray, anigana hadda qaladkii aan galay ciqaabtiisii ayaan marayaa, ubadna ma lihi waligeyna ma guursan waayo kama faa’iidaysan dhallinyaranimadaydii.

Waxaa uuna kusoo gaba-gabeeyay hadalkiisii:

          Waxaa dheyman ahoo

            Dhabtii aan la helayn

            Lagu dhaadan karayn

            Waqtigii dhumayoo

            Mar ku dhaafay abid”

 

Faa’iidooyinka sheekada:-
  • Waqtiga oo si wanaagsan looga faa’iidaysto.
  • Waalidka oo loo baari noqdo.
  • Saaxiib wanaagsan oo adduun iyo aakhiraba ku liibaanto in la yeesho.
  • Cibaaddada in la badiyo.

W/Q: Shukri Maxamuud Maxamed

Wariye idaacadda Kulmiye

Email: Shukrixaaji1122@gmail.com

Mogadishu – Somalia

 

SHEEKOOYIN