KAAF IYO KALA DHEERI W/Q Bashiir Suuley

 

BASHIIR SUULEYKAAF IYO KALA DHEERI

15/05/1943 waxay ahayd maalin ka mid ah maalmihii ugu qaalisanaa ee shacabka soomaaliyeed soo mara, waa maalintii aan helnay 13 halyey oo hadafkoodu yahay hanashada xoriyadda dalkooda hooyo, waa maalintii la aas aasay urur dhalLinyaro ah oo tiro ahaan aad u yaraa tayadoodu-se aad u saraysay, waa maalintii dhalLinyarada soomaaliyeed taariikhda soomaalida baal dahaba ka galeen, waa maalintii si rasmi loo yagleelay naadigii dhalLinyarada soomaaliyeed ee SOMALI YOUTH CLUB (SYC) loogu wan-qalay, kaas oo sanadkii 1947 u xuubsiibtay URURKA DHALLINYARADA SOOMAALIIYEED ee SYL, ugu danbeyntiina sanadkii 1960 gaaray hadafkii uu higsanayey soona hoyiyey xoriyadda aan maanta ku naaloonayno.

 

DhalLinyaro noocee ah ayey ahaayeen SYL?

Dhallinyaradii aas aastay SYL waxay ahaayeen kuwo lahaa hadafyo guud oo ay hiigsanayaan,waxay ahaayeen wadinayiin ka dhiidhiyey dhibkii gumeystuhu ku hayey shacabka soomaaliyeed, waxay ahaayeen dhalinyaro maanka ku hayey mahadhooyinkii gumeystuhu u geystay maatada soomaaliyeed, waxay ahaayeen muwaadiniin meel iska dhigay ficilo kasta oo kala fogayn karay wiiqi karayna wadajirkooda, ma ahayn kuwa ku midaysan tuulo, degmo, gobol gaar ah iyo qabiil toona ee waxay ahaayeen kuwo midneynta shanta soomaaliyeed iyo la dirirka gumeystihii gaamburey ee dalka haystay ku midoobey.

Qaar badan oo ka mid ah ayaa xabsiyo lagu gurey, qaar kale waa la dhaawacay, kuwa ayaa irbado sun ah la suray, halka in badan oo ka mid ahaana si bareer ah loo laayey, laakiin hagardaamo kastoo loo geystay waxaa kala weynaa hadafkii ay hiigsanayeen oo ahaa hanashada xorriyada dalkooda hooyo ee Soomaaliya.

Yaa baddalay?

Maxay ku kala duwanyihiin dhallinyaradii SYL iyo kuwa hada jooga? waa weydiin ku soo dhacaysa maanka muwaadin kastoo soomaaliyeed.

Waa hubaal in da’yarta hada joogtaa ka tiro badanyihiin, kana tacliin sareeyaan kuwii hore, shaki kuma jiro in dhallinyarada maanta joogtaa haysto fursado aysan SYL iyo kuwii la mid ka ahaa heleelin hase ahaatee ay ku hamin jireen, waxaase su’aal kale ka taagantahay doorkii da’yarta maanta nool.

Dhallinyarada soomaaliyeed ee xiligan joogta waa kuwo ka fekar iyo garaad duwan kuwii hore, waa kuwo ku kala tagay aragti kastoo SYL ku mideysnayd, waxay la kala safteen kooxo,xisbiyo iyo maamullo kala aragti duwan, waxay qaarkood noqdeen xaabo loo adeegsado hurinta dagaalada sokeeye ee dalka kajira, qaar badan oo ka mid ah ayaa naftoodii ku waayey isla jeerkaana tiro intaa ka badan ayaa ku naafoobay.

Waxaa iyana jira kuwo tiro beel ah oo naftooda ku biimeeyey marino khatara badan siiba kuwa wajaha safarka silica badan ee tahriibka, kooxdaan qaar ka mid ah ayaa maydadkoodu daad sanyihiin saxaraha weyn ee Africa, badda miditeriyaanka halka kuwo kalana xabsiyo rafaad kula dhex nool yihiin, waxaa xusid mudan in kuwa ugu rooni kaamam Yurub ku yaalla ku noolyihiin ama xoogaa ceyr ah nafta ku ilaaliyaan.

Intaas waxaa dheer in dhallinyarada soomaaliyeed ee maanta joogta ay aad u saameysay aragtida gurracan ee qabyaaladda, taasoo aad u sii kala fogeysay, kuna abuurtay kala shaki iyo in mid-ba midka kale iska ilaalsho, garab iyo gaashaanna u noqdo kii ay isku beel yihiin oo kaliya, taas oo ugu danbeyntii keentay in qadiyaddii soomaaliyeed isu badasho mid Qabiil.

Ugu danbeyntii waxaan maqaalkaan aan larka uga dhigay KAAF IYO KALA DHEERI ku soo afmeerayaa talooyin guud aan u soo jeedinayo dhalinyarada soomaaliiyeed ee maanta meel kasta oo ay ku sugantahay waxaan leeyaahy:

  • Dhallinyarayow dal xor ah oo dhiig badani u soo daatay baynu haysanaa ee aynu hagaagsano.
  • Dhallinyarow dalkaan da’yar baa u soo dhabar adaygtay inagaana dib u celinaye   aynu mar kale boorka ka jafno.
  • Dhallinyaroy aynu meel iska dhigno qabyaaladda qurunka ah ee qonofka inoo dhigtay, qaran jeceyl iyo wada jirna aan ku badalano si aynu qeyrkeen ula tartano.
  • Dhallinyaroy miyeysan ceeb inagu ahayn in aynu qaadi weyno talaabooyin ay 73 sano ka hor qaadeen 13 dhalinyaro ah oo inaga fursad yaraa gumeystana ku hoos noolaa.

Soomaaliya waxay u baahantahay SYL labaad si ay qeyrkeed wax ula qeybsato ee dhalinyarooy waa idinkaas.

Dhammaad

Waa qalinkii Bashiir Suuley

Bosaso Puntland Somalia

Email: Bashka057@gmail.com

 

SHEEKOOYIN