KAASI WAA WIILKAYGA Qabytii 10aad (SHEEKO XIISE LEH) Qore:Mohamed Musa Sh. Noor

sheeko

KAAS WAA WIILKAYGA

Qabytii 10aad

 

Cashadii kadib waxaa la wada aaday xagaa iyo Sariirta, habeenkaa wuxuu ahaa habeen uga duwan C/xakiin habeenada kale xaga qanaacada xaaskiisa, Casha macaan, soo dhawayn, Farxad, kaftan kolba meel kale aadayay, Ciyaar aad u wanaagsanayd oo xaga sariirta ah, taas oo ka dhigtay C/Xakiin mid hub la’aan ah oo ogolaysiisa in uu isku dhiibo xaaskiisa, wax walba oo ay dhahdana haa jawaab aan ahayn uma hayn.

Markii la dhamaystay Baashiilka oo uu is leeyahay C/xakiin hurdo la dhac ayay Hani la kala baxday oo tiri  “ C/xakiin macaane horta Nin aan la helin Karin baa tahay runtii, mar walbana waxaan ku shallaayaa marka aan noloshayda dib u xasusto muxuu kaaga soo daahay C/xakiin? mar walbana runtii Allah Ayaan uga mahad celiyaa Wehelka uu iiga kaa dhigay, Qanaaco aan la soo koobi Karin oo dhan walbana waan kugu qabaa, ee waxaan ku waydiin lahaa ma dhici kartaa in wax badan oo noloshaada ah oo aadan ii sheegin In ay jiraan karaan?”

C/Xakiin ayaa ku jawaabay waa dhici kartaa, balse waa wax aaanan u arkin in aysan saamayn ku lahayn nolosheena muhiimna u ahayn, balse wax sidaa usii buuran maahan, xoogaa yar ayaa la wada qoslay, Hani ayaa ku hadaaqday markaa qof walba Sir baa u qarsoon yaah? oo waxaan is lahaa waxa sirta daashatay waa hani kaliya!

C/xakiin ayaa yiri “Qof walba Xaaladaha Nolosha ayaa wax dhaxalsiiyo oo wax badan uusan qofku aqbali lahayn ayay aqbalsiiyaan, marka Dunida waa mid Wajiyo badan sidaas si la mid ahna dadka, qof walbana waxbaa jira ku lumay laabtiisa, qasabna maahan in wax walba uu qofku kula wadaagaa”

Hani ayaa hadalka qabsatay iyada oo ugu jiibtay in uu ku saxan yahay oraahdaas ayaa waxay tiri “waa iska aduunyo, ka waran haddii duruufaha qaar ay kugu kalifaan in aad lamaanahaaga Nolosha aad ka qariso wax la rabay in uu wax ka ogaado?

Wuxuu ugu jawaabay waa dhaawac saamayn ku yeelan kara is aaminaada labada qof ee nolosha wadaagaya, balse waxay ku xirantahay waxaas la qarshay, muhiimadda ay leeyihin iyo heerka saamayntiisa gaarsiisantahay, marka loo eego dhanka Qoyska.

Hani ayaa markaa qabsatay hadalka oo tiri “ka waran hadaan ku dhaho Caawo waxaan go’aansaday in wax badan oo aan kaa qarin jiray aan kuu sheego waana hubaa waxaas aan kuu sheego doono in ay qalbigaada dhaawac ku yeelan karaan”

C/Xakiin ayaa yir “dhaawaca mar walba waa sida la isu dareensiiyo, Hani runta markaad ii sheegtay waan kugu aqbalay, hadana hadii ay jiraan wax wali ii harsan oo la rabo in aan ogaado waan kugu aqbalayaa, balse, waxaan ka afeefanayaa in aysan jiri doonin wax kale oo la iga qarsho caawa kadib oo aan aqbalo”

Hani oo xoogaa dabacsanaan ah muujisay ayaa tiri hadaba soo dhawow Macaane, Qof Waxgarad ah baa tahay, wax badana waa ila fahmi kartaa sida aan dareemayo, Wiilka yar ee mar walba ii yimaado ee Farxaan ah waa wiilkayga aniga aya dhalay, Guurkii aan kuu sheegay ayaana ku dhalay, marka aan dhalayna waxaan hor dhigay Guriga Xaaji Ciise, sidaas ayay ku korsheen anigana aan kula socday xaaladdiisa, balse waxaa hada isoo koray Culays ah in uu ogaado waalidkiisa dhabta ah, inta aan asiga u shegina, waxaan go’aansaday in aan marka hore adiga kula wadaago arinkayga.

C/xakiin aad ayuu u naxay hadal ayaa kasoo bixi waayay cabaar ayuu aamusay, Hani oo ka yaaban xaalkiis ayaa tiri “waan u qalmaa wax walba oo aad I dhahdo, balse Caawa waxaan go’aansaday nabarkaas igu taagnaa mudada dheer in aan iska siibo natiijada ka dhalatana diyaar ayaan u ahay in aan qaato”.

C/xakiin ayaa ku yiri hani maxaa iga filaysaa? Ma kula tahay in aan ahay mid ka shallaynaya guurkaaga marba haddii aan caawa tanna ogaaday? ma ihi mid ka shalaysan guurkaaga xaqiqdiina waad u qalantay in aad noqoto xaaskayga, waxaasa ka xumahay waxa dhib ah ee kugu dhacay iyo inta sano ee aad ila noolayd oo aadan ila wadaagin sirtan habeen walba calooshaada gubi jirtay, al muhim hadda waa mar middi calool gashay.

Aniga xaaskayga ayaa tahay, ilamahayga hooyadoodna waa tahay, wax walba oo kugu dhaca ama kugu dhacayna waa nagu wada dhaceen, tanise waa mid shaqsiyaddaada ku qaas ah, aniga c/xakiin ahna waan kugu aqbalay wax walba oo aad ahayd hadana aad tahay, doodna ma rabo in aan galo ee aan wada seexano, barrina aan u diyaar garowno isbarashada Cusub ee wiilkaaga.

Hani ayaa aad ugu mahad celisay xaajigeeda, wayna filaysay runtii in uusan dhib uga imaan xagiisa, waxayse ka codsatay kulanka bari in uu ku koobnaadaa iyada iyo wiilkeeda farxaan ah ayna damacsantahay marka hore in ay isfahmaan wiilkeeda, C/xakiina wuu ka aqbalay.

Waxaa la gaaray maalintii la wada sugayay ee Jimcaha, marti qaadkii waa dhacay, markii la isla qadeeyay ayey hani damacday in ay sheekada furto waxaa hadal  lasoo booday farxaan oo hani ka doonayay Talo isaga oo hadalkiisa ku bilaabay.

“Hani abaayo, waxaan rabaa maanta in aan kula wadaago talo igu soo korortay, taas oo ah in aan doonayo In aan guursado gabar aan isku xaafad nahay oo la yiraahdo Yaasmiin Haybe” isaga oo u tilmaamay guriga ay dagantahay hanina marka uu tilmaanta bixiyeyba waa fahantay.

Sheekada wuu sii waday faarxaan oo wuxuu u sheegay in gabadha ay horey isku mahersadeen Uur yarna ay leedahay, uuna jacelyahay, doonayana inta uusan soo bixin uurkeeda in uu Guri geesto, Hani waxay waydiisay farxaan waxa uu haysto maadaama Guur uusan ahayn wax sahlan.

Farxaan wuxuu u sheegay in uu xoogaa Dhaxal ah ka helay Xaaji Ciise, dhaqaalaha uu tuhmayana ay intaas tahay, markii ay intaa afkiisa kasii baxaysay Hani Illin ayaa soo dhaaftay oo waxay la ooysay sida wanaagsan ee loo sharfay wiilkeeda iyo sida uu Allah ugu toosiyay in ay wiilkeeda u hibayso Xaaji Ciise.

Maalintaa Waqtiga intaas ayuu ku dhamaaday oo hani waqti uma helin ay wiilkeeda ugu sheegto waxa ay damacsanayd maadaama sheekada uu sida badan farxaan qaatay, taladii ugu dambaysayna ay ku gooyeen in gabadha uu guursado farxaan, hanina ay qayb ka qaadato.

Hani ballanqaad wayn ayey u suubisay farxaan, balanqaadkaa oo uu aad ugu farxay, Hani waa ku qasbanayd in ay dhaxda u xirato Arooska wiilkeeda, runtiina waxay ahayd wiilkeeda mid aad u jecel taas oo abuurtay in farxaan uu kusoo dhiirado mar walba in uu Hani wax walba la wadaago.

LA SOCO QAYBTA 11AAD ISNIINTA DAMBE INSHA ALLAH

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN