KAASI WAA WIILKAYGA Qabytii 9aad (SHEEKO XIISE LEH) Qore:Mohamed Musa Sh. Noor

sheeko

KAAS WAA WIILKAYGA

Qabytii 9aad

 

Dhanka Hani Iyana waxay lahayd Qorshe kale oo ay ku damacsanayd in ay ugu sheegto Runta ku saabsan waalidiintiisa, waa qof walba iyo qarshihiisa, balse Quluubta waxa ku qarsoon waa mid lagu kala duwanyahay.

Hani xaalkeedu waa Badda oo kacsan, waxaa saarnaa Cadaadis kale oo ku saabsan ninka ay ilmaha u dhashay, maxaa yeelay umaba sheegin in ay Wiil dhashay, maalinkii ay isku sharraxaysayna waxay ahayd mid ku gaabsatay in aysan Gabar ahayn oo Guur fashilmay ay soo martay, sababta aysan ugu sheegina waxay ahayd, iyada oo wax kala ilaalinaysay markaa, doonaysana in Farxaan yare maadaama uu yaraa lana joogay Reer aysan Buuq ku shidin, iyadana xaalkeeda ku aaddan guursiga ninkan uusan usii noqon mid kasii fogaada.

Wax walba waxay la sugaysay Waqtiga ku haboon, waxaana la dhihi karaa waa xilligan xilliga ay sugaysay in ay kusoo gunaanaddo arrimahan soo jiitamayay ku dhawaad labaatanka Sano, Waddada ay u maraysase arrinkaa ayaa ah mid ay ku gudban yihiin Su’aalo badan.

Hani waxay go’aansatay inay daboolka ka qaaddo oo u sheegto ninkeeda in wiilkan ay iyadu dhashay  balse, waxay ka wal walaysay maadaama C/xakiin ay shalay u sheegtay arrinteeda uuna sidaa ku aqbalay, waa maxay sababta ay uga qarisay in ay wiil dhashay? wiilkana uu yahay wiilkan mar walba Xaafada yimaada.

Waa Xaalad adag runtii, halkaana waxaan ka fahmi karnaa in wixii aad qarsato ay ku qarsadaan, Ololka ka baxaya gudaheeda waa mid iyada ku qaas ah, haddii shalay ay runta wada sheegi lahaydna waxaa imaan lahaa Su’aalo badan oo aysan markaa diyaar u ahayn ka jawaabistooda.

Waasa dumaroo waxay kaloo ka fakaraysay in gurigeeda uu dhismi waayo, waayo Naag iyada oo aan la ogayn Garoob noqotay, hadana wiil dhashay, hadana ilmihii ku xoortay Wadda cidla ah, adiga sheekada aqrinayaba waa cabiri kartaa waxa Hani ay ka cabsatay iyo sida ay arrinta ka noqotay.

waasa iska dhib Adduun, waana ugu garaabayaa Hani arrintaa, hadda waa Xaas sharaf leh, ilmana ilaah waa siiyay, macaanka dhabta ah ee guurka ahna waa dhadhamisay, hase ahaatee khalad waa khalad, laba xaalad oo kala daran marka ay isku kaa qabtaan midda kuu sahlan ayaa la qaataa, hanina waxaa u sahlanaatay in ay C/xakiin ugu koobto sheekada in aysan gabar ahayn, wax kalana aysan ku darin.

Noolaha waa midka gacmihiisa ku abuurta dhibaatada, waana midka mar walba sabab u ah waxa ku dhacaya, Hani iyada ayaa sababsatay in ay gasho guur sababay in cunugeeda ay meel cidla ah ku xoorto, hadana isla iyada ayaa sabab u noqotay in ay hadana xaaladdan abuurto, maxaa yeelay, marka dhanka wanaagsan wax laga eego ma ahan wax wanaagsan in qof kula nool oo noloshiisa dhanka macaan iyo dhanka qaraarba kula qaybsanayo in aad hadana u noqoto qof dhan kale ka daahsoon, waasa xaal aduun wax walbana sabab ayay leeyihiin natiijada ka dhalata sida ay rabtaba ha noqoto.

Hani waxaa soo food saaray Imtixaan kale oo ka daran kii shalay ee ahaa markii ay waalidkeed ogaadeen in ay dhashay Cunug misana ay ku tuurtay Waddada, waasa wax ay ku tala gashay awal marka ay ficilkaas sameyneysay waa ogayd in su’aalo badan iyo dhibaatooyin badan ay uga imaan doonaan wiilkan ay xoortay.

Dhib culus marka uu kugu dhaco haddii aad u wajahdid Waddo khaldan markaa waxaa ka dhasha dhib kale, waana kan maanta haysata Hani, Dhabta marka laga hadlo Been lama sheego, marka aad sheegtana hubaal in ay dib kuu ugaarasnayso, waana midda maanta haysata hani, waxaa laga doonayaa in ay ka dhaadhiciso ninka ay shalay u sheegtay in ay garoob ahayd ilmana aysan lahayn, in ay haddana ka dhaadhiciso in wiilka farxaan ah ay iyada dhashay.

Muxuu noqon doonaa jawaabta uu C/ Xakiin baxsho, Qoyska hanise Sawir nuuce ah ayuu yeelan doonaa? ma wuxuu ahaan doonaa sida uu hadda yahay mise is baddal kale ayaa dhalan doona kaas oo noqon kara mid lagu kala tago, mise mid lagu sii wada joogo? aan bal dhowrno qorshaha ay ku fakarto hani, fakar badan ayaaba haya waan hubaayee.

Hani wax ay fakarto maalintii oo dhan ilaa habeenkii waxay go’aansatay in musatqabalkeeda uu Allaah hayo, in ay khalad hore ay khalad ku saxdayna uu maanta yahay midka maanta iyada murjinaya, waxay go’aansatay in ay Caawo marka uu xaajigeeda yimaado si wanaagsan ugu sheegto arrinta kale ee gudaha ka hurinaysa, waa arrinta Farxaan.

Farxaan xagiisa in wax loo sheego waa mid sii qaadanaysa Amakaag kale, maxaa yeelay, isaga naftiisa ka dhaadhicin ayuu u baahan yahay, islaanta uu u aaminsanaa walaashiisa ama dariskiisa in ay maanta noqoto Waalidka uu baadi goobayay, waxaa kaga sii yaab badnaan doona in ay noqoto hooyada uu su’aalaha uu doonayo in uu jawaab u helo uu waydiin doono!

Hani dhankeeda waxay ku jirtay diyaar garow iyo Gogol xaar ay u samaynayso sidii ay ugu sheegi lahayd ninkeeda dhabta waxa ay tahay, galabka ay sidaa u diyaar garoobaysana waa galab khamiis ah, waxay diyaarisay Casho aad u wanaagsan, gurigana si wacan ayay u hagaajisay, iyadana si haybad leh ayay isku qurxisay, waa galab runtii ay ku tala gashay in ay noqon doonto galabta ay gurigeeda kusii nagaan doonto iyo galabta ay gurigeeda ka bixi doonto, micnaha bur burka qoyskeeda uu iman doono, ama si laab nabadaysan ay ugu noolaan doonto gurigeeda.

Habeenkaa wuu soo daahay C/xakiin oo shaqooyinkiisa iyo asxaab ayaa soo daahshay, wuxuuna yimid guriga laba saac oo habeenimo xilliga markii ay ahayd isaga oo ka war hayn waxa socda iyo waxa loo diyaarshay iyo waxa laga doonayo Caawa.

Hani soo dhawayn kalgacal ku dheehantahay ayay u samaysay ninkeeda ilaa uu la yaabo waxa caawa jira dhowr su’aal oo ku saabsan arintaana wuu waydiiyay, balse waxay ugu koobtay in ay Qorshe ka leedahay, laakin lagu gorfayn doono xagaa iyo Sariirta oo aan Kursiga loogu tala galin.

C/xakiin ayaa hani kula kaftamay kolayba caawa war waa jiraaye qorshahaaga yuusan u badan in aad i wayddiiso Qarashaad, waan ogahay marka aad sidan oo kale aad isku soo habayso in aad wax damacsantahay, wanaagan caawa yuusan noqon oo kaliya mid jeebkayga loogu dhaco.

Hani Qosol ayay la dhacday oo waxay ugu jawaabtay “caku adiga iyo Bakhiilnimo war qorshaha aan kaa leeyaay caawa waa ka waynyahay Qarash iyo wax la mid ah” sidaa ayaa cabaar kaftan hadba dhinac taabanaya la isku talan taalsaday.

LA SOCO QAYBTA 10AAD ISNIIN WALBA INSHA ALLAH

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN