KAASI WAA WIILKAYGA. (SHEEKO XIISE LEH). Qore Mohamed Musa Sh. Noor

sheeko

KAAS WAA WIILKAYGA

Qabytii 3aad

 

Waxaa I indha tiray jacaylk aan Cali u qabo, kaas oo Cadow iiga dhigay naftayda iyo mustaqbalka ay waalidkey ila damacsanaayeen, isla waalidkayna ii tusiyay kuwa liddi ku ah farxaddayda iyo dareenkayga ku aaddan Cali.

Cali isaga qorshaha uu lahaa wuu u hir galay kadib markii uu I mehersaday, waxaas taas iigasii nasiib darnaa in kulankii ugu horeeyay ee uu ku taabto jirkayga uu noqdo Kulan aan Uur ku qaado, taas oo noloshayda gabi ahaanba gaddi kale kasii ridday, iina abuurtay duni ku salaysan Fakar, Walbahaar, Dhuumasho iyo dhadhan la’aan naftayda ah.

In aan Uur leeyahay uma aanan sheegin Cali isla markiiba ee waxaan hubinayay xaalkayga, balse waan dareensanaa in wax badan aysan sidooda ahaan doonin, wax badana ay is baddali doonaan marka aan cali la wadaago arrintan, is baddalkaas oo aan ka filayay Cali xagiisa iyo dhanka waalidkayba.

Sida uu awal igu beer laxawsaday Cali waayadan dambana lagu beer laxowsado Dumarka qaar ayaa ahayd maadaama  uu si sharaf leh igu soo doontay waxa uu ka helayna ay noqotay in isaga iyo dadkiisaba la af lagaadeeyo, labadeenana la isku diido ay haboontahay in aan is meher xadno, marka ay wax soo baxaana ay ciddayada ku qasbanaan doonto in la isku keen daro, sidaasna ay ku dhabowdo riyadeena ah in aan noqon Qoys.

Jacaylka aan jeclahay dartiis ayaan si indha la’aan ah ugu aqblay Arrinkaa, isagusu qorshaha uu lahaa ma ahayn midka aan aniga wax walba ku aqbalay, qorshahaas oo aan gadaal ka ogaan doono, kadib marka aan u bandhigay arrinka ku saabsan in aan Uur leeyahay.

Aniga oo ay Farxad iga muuqato ayaan Cali ugu bishaareeyay in aan Uur leeyahay, wajigiisa marka hore wuu farxay, balse waxaa la yaab igu noqotay jawaabta uu baxshay ee ahayd in uu ku faraxsan yahay cidda shalay sidaas u gashay in ay maanta fadhigiisa ugu imaan doonaan ayaga oo waliba wada gabadhooda kuna baryami doonaan in laga meeleeyo.

Hadalkaas uu ku hadlayay aad ayuu fajiciso iigu noqday marka uu lahaana in aan ag joogo dareen ahba kuma jirin, oo waxaa ka tan badshay farxadda iyo hirgalidda qorshiisa gurracan ee uu ii maleegay, waxaana ku iri Cali “maxaad ku hadlaysaa” ?

Isaga ood mooddo in uu soo baraarugay ayuu igu yiri “maxaa la yaabtay ma hadalkayga? Markaas ayaan ku iri ma moogtahay in Gabadha arrinkaas kuu sahashay aan aniga ahay? Xanuunka iyo dagaalka aad la damcsantahay ciddaydana qofka ugu horaysa ee xanuunkeeda marayso aan aniga ah? mase moogtahay in cunuga Caloosha ku jira hooyadiis aan aniga ahay, aabihiisana aad adiga tahay, wax walbana dartaa iyo farxad galin aan ku farax galinayo aan u sameeyay, si aan u noqono Qoys qanacsan oo gaaray Hadafka ay noloshooda ku taamayeen.

Isaga oo madaxayga taabanaya Illin iga qubanaysana tir tiraya ayuu yiri “waan ogahay waxaas oo dhan mana moogi, balse waxaan kaa doonayaa markan in aad jaanis ii siiso in aan ka aarguto dadkaaga, si khaladkooda ku salaysan Qabyaaladda ay Cashar ugu noqoto Jiilalka dambe ee bulshadeena ah”

Waxaan ku iri “Cali waad waalatay mana fayoobid, waalidkey waa waalidkey, Xaq ayayna u leeyihiin in ay hubiyaan halka ay gabadhooda dagayso, ma ahayn waxa ay sameeyeen wax ay adiga gaar ahaan kuula dan lahaayeen, wax walb dartey ayay u sameeyeen, isla anigii darteey aad dhibkaas u martayna waa I kan ku hor taagan sidana ilmahaaga, marwadaadana aan ahay”

Si xoogaa dagan ayuu iisoo dhaweeyay waxaana muuqatay in uu is faham yar muuqdo, balse xaalku wuxuu cirka isku shareeray markii aan iri “ciddayda ayaan u sheegayaa xaalka aan ku suganahay, adigana dadkaaga la imow markana ma ahan mar ay ciddadyda wax diidi karto” taas oo ku gacan seeray.

Wuxuu yiri “Hani ciddaada mar dambe noloshayda ma hortagayo aniga oo adiga ku waydiisanaya, waa in ay ayaga ii yimaadaan, aniga waan ku jeclahay ma doonayo xumaantaada, balse sida ay ii bahdileen ayaa ilaa hadda qalbigayga ka go’I la’ marka walaashey iga raali noqo, hammigaaga ku aaddan arrintaana madaxaaga ka tir” sidii ayaana maalintaas ku kala dhaqaajinay inaga oo is fahmi la’.

Waxaa ii bilaabatay Xaalad adag oo dumarka marka ay ilmaha calooshooda galaan maraan, waxaan ahaa Gabar qurux badan Laf iyo xoogna uu Alle u dhiibay, Iftiinka jirkaygana maalinba maalinta ka dambaysa waxaad moodda mid lagu shubay dambas, oo si ayuu u dilmayay.

Marka uu uurkayga gaaray ilaa afar bilood oo markaa ay calooshayda soo adkaatay ayaan mar labaad Cali u bandhigay arrinka ah in markan aanan is qarin Karin, sidaa darteed aan ka doonayo gacan ah in uu bad baashao sharaftayda shaqsiga ah.

Cali wuxuu yiri “waxaa jira Qorshe aan waa hore dagay Hani, waan ka xumahay in aad noqoto dhibanaha qorshahan, runtii waxaa igu abuurmay Nacayb aad u daran oo ciddaada xageeda ah, aniga shaqsi ahaan  adiga kuma xumaynayo, balse in aan ciddaada hor istaago lagama yaabo waa in ay ayaga ii yimaadaan, makaasna haddii la I waydiiyo in aan ahay aabaha cunugaaga waan u sheegayaa, inta ka sokaysa lagama yaabo in aan lug ku yeesho Arrin ku aaddan ciddaada”

Waligey waxaa igu jirtay Rajo ah in Cali uusan I dayici doonin, balse markan waxaa ii caddaatay in cali uu doonayo in aan noqdo Hubka uu kula diriri doono ciddayda, anigana aan noqdo Waddada loo marayo dhibaataynta iyo ka aarugadasha ciddayda.

Waxaan ku iri Cali “adiga waxa kuu muuqdo waa ciddayda, aniga ayayna wax igala kaa dhaxeeyaan, jacaylka aan kuu qabay iyo sida aan naftayda kuugu aaminay haddii aad garan wayday adiga ayay ku jirtaa, balse marnaba lagama yaabo in aan noqdo hubka aad kual dirirto ciddayda, dhibkan aniga ayaa is galshay ciddayda ima galin, aniga ayaa albaabkayga kuu furay, isla aniga ayaana la iga doonayaa in aan xallisto dhibaataydayda, waa ku mahadsnatahay wax walba” jawaabta uu markaa Isiiyayna waxay noqotay in haddii aan Xal u heli karo arrinkayga aan xallisto, isaga go’aankiisana uu Cad yahay.

LA SOCO QAYBTA 4AAD Isniin walba insha Allah

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN