KAASI WAA WIILKAYGA. (SHEEKO XIISE LEH). Qore Mohamed Musa Sh. Noor

sheeko

KAAS WAA WIILKAYGA

Qabytii 5aad

Hani in su’aalo badan in ay sugayaan waa ogayd, waxbase uma arkin waxaas, wax walba waxaa uga darnaa xaalka ay ku sugnayd iyada iyo wiilkeeda inkastoo waxeeda ay xallisatay hadana aysan ahayn qof sidii shalay oo kale u culus, waxay iska dhaadhicisay in tan waalidka xagiisa aysan wax wayn noqon doonin.

Subixii markii la gaaray oo la wada quraacday aabaheed shaqada ayuu iska aaday, hooyadeed iyo iyada oo ay sheeko dhex martayna waxay u sheegtay in ay aadday gabar saaxiibteed ah oo ku noolayd magaalo kale gabadhaas oo ay hooyadeed taqiin, sababta ku kalliftayna waxay ku macnaysay in ay doonaysay in ay Waqti u hesho faarujinta maskaxdeeda xaalka Cali dartiis, hadana ay waxaas oo dhan kasoo kabsatay calina ay ka saartay qalbigeeda, diyaarna ay u tahay in ay sii wadato waxbarashadeeda  jaamacadeed ee ah midda ay waalidkeen la doonayeen.

Dood dheer kadib hooyadeed waa ku qanacday ayaa la oran karay inkasta uu tuhun ku jiray tuhunkaasna uu ahaa Cali, hadana waxaa tuhuka ka saaray sheegashada ay hani sheegatay ina ay qalbigeeda ka saartay Cali, taas oo ula muuqatay in ay tahay Arrin muhiim ah.

Hani ilaa xad waa ku guulaysatay in ay ka dhaadhiciso waalidkeed arrinkaas, balse waxaa jiray Olol kale oo ka ololayay caloosheeda kaas oo ahaa ololka cunugeeda yare ee Cid la og aysan jirin, Oohin hoose ayay ka oynaysay caloosheeda.

Maalintaas hadal haynta Xaafadda ayaa ahayd in Xaaji Ciise gurigiisa la soo hordhigay Wiil yar oo cid dhashay aan la aqoon iyo halka uu ka yimid, arrinkaasna Hani nafteeda iyo hooyadeed waa ka wada hadlayeen, iyada oo lagu tilmaamayay hooyada cunugaas dhashay in ay tahay hooyo naxariis daran, taas oo hani ay aad u dhibsanaysay, balse dhinaceeda ay ka jiibinaysay sheekada.

xoogaa ayay iska jiifatay oo qalbigeeda ma wanaagsanayn Caloosha hoose ayay ka oynaysay, maadaama waqtiga uu dhaxalsiisay in ay qaaddo talaabadan foosha xun ayna meel cidla ah dhigto cunugeeda ugu horeeyay wax ay dhasho, intaas oo dhan waxay u samaynaysaa qancinta iyo ilaalinta Quluubta waalidkeeda.

Hani heerka ay ka gaartay qancinta iyo ilaalinta waalikdeeda darteed ayaa waxaa u dhibtoonaya nafteeda iyo nafta wiilkaas yare aan wax dambiga ah ku lahayn waxa dhacaya, sidaa darteed qofka in uu garto maslaxaddiisa shaqsiga ah mararka qaar waxaa ka muhiimsan in uu garto waxa ka wayn waana ilaalinta Maslaxadda Waalidka, hanina waxaa la oran karaa waxaas oo dhan waa sababta ay waalidkeed u ilaalinayso.

Sawirka ay Hani ciddeeda ka qabaan ayaa ahaa in ay ahayd Gabar aan wali curan oo wali gabar u ah ciddeeda, balse dhabta jirta sidaa maahan Hani waa hooyo waa hore curatay, waana hooyada lagu tilmaamay Arxan laayda ee ilmaheeda ku xoortay iridyada Dadka Dariska ah, waasa iska xaal adduun iyo daciifnaanta Aadanaha.

Hani markii ay nasatay oo ay qadaysay iyada iyo waalidkeena ay kala sheeka bogteena ayay soo booqatay qoyska Xaaji Ciise si ay u aragto Cunuga yar ee ay dhashay, balse aan la ogayn in ay iyada tahay hooyada albaabka so dhigtay cunugan yar ee Quruxda badan.

Gabadhaha xaajiga markaa ma wada joogin marka laga reebo hal gabar iyo islaanta xaajiga oo markaa haysay cunuga oo oynaya, is waraysi dheer iyo waydiimo ku saabsan halka ay hani gashay ayaa ka dhacay meesha, hanina awalb maadaama lagu ogaa Cali jacaylkiisa sidii ayay ugu sheegtay in arrinkaa dartii ay xaafadda uga tagtay, si maskaxdeeda ay cali uga saarto buuqa badana uga soo kabsato.

Intii ay sheekada socotay waxaa la aamusin waayay wiilka yar oo markaa oohin daran ooynayay, Hani ayaa ku tiri islaanta Xaaji Ciise oo la oran jiray markaa Xaawo Haashim “Eeddo bal ii dhiib aan arkee cunugan quruxda badan ee aad maanta hesheen”.

Hooyo xaawo haashim oo wax dareen ah uusan ku jirin ayaa u dhiibtay hani, isla markiiba cunugii wuu aamusay ileen hooyadiis ayaa dhabta ku qabatee, Xaawo haashim ayaa ku tir “yaab cunugan maanta dhan waan aamusin waynay hani marka ay qabatayna wuu aamusay” hani oo jawaab bixinaysa ayaa ku tiri “laga yaabee in uu sida hooyadiis camal ii dareemayo”.

Xaawo haashim oo dareen badan uusan ku jirin ayaa ku tiri Hani “bal xoogaa sii hay Dukaan meeshan ayaan wax kasoo qabsanayaa, gabadha markaa Xaawo Haashim ay dhashayna waxay ku jirtay Jikada, sidaas ayay hani kula kaliyowday wiilkeeda, jaanisna ugu heshay in ay Naas siiso.

Sidaas ayay hani si dhuumaalaysi ah cunugeeda ugu quudin jirtay,nasiib wanaagse lama garan lamana fahmin maadaama imaatinka badan ee gurigaas ay tagto uu caado waligeed u ahaan jiray, wax cusub oo hadda yimidna aysan ahayn.

Hani saaxiib guud ayay la wada ahayd Cidda oo dad isku fiican ayay ahaayeen xitaa xaajiga guriga iska leh hani waa isku fiicnaayeen, taas ayaa u sahashay ama meesha ka saartay ayaa la oran karay in hani laga shakiyo, dhanka kalena lagumaba ogayn Guur oo gabar ayay ka ahayd Xaafadda, iyada oo uur lehna lama arag.

Xiriirka ka dhaxeeyo Reer Xaaji Ciise iyo Hani oo waligiisa wacnaa ayaa hadana waxaa sii siyaadiyay wiilka yar oo hani ay si gooni ah uga heshay sababta ama sirta ugu qarsoona imaatinka gurigaas uu ugu muhiimsanaa aragtida wiilkeeda.

Waxaa dhacday in Maamada guriga waa Xaaska Xaaji ciise ay la yaabto Naxariista iyo Jacaylka ay hani u qabto wiilkaas yar, waxayna mararka qaarkood kula kaftami jirtay in ay ula mid tahay hooyadiis oo kale, hani oo arrinkaa mar walba u riyaaqi jirtay ayaa waxay waydiisay Magaca wiilka loo baxshay, Farxaan Yare ayaa loogu jawaab celshay magacaas oo isla iyadana ay la jeclaatay, maadaama wiilkan sida uu ugu soo biiray gurigooda ay farxadda qoyskooda kororotay.

LA SOCO QAYBTA 6AAD ISNIIN WALBA INSHA ALLAH

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN