KABA TOLE KA KABA LA’! W/Q: Xuseen M. Cabdulle “Wadaad”

KABA TOLE KA KABA LA’!

Waa muhiim in noole kastaahi helaa wax uu ku noolaado. Si taasi ay u jirto waa in la helaa wixii noloshaa salka u ahaa. Waa kuwee, kuwaa asaaska u ah nolosha? Noolaha nolosha u baahanse waa kee? Ma jiraa noole aan nolol u baahneyn?. Waa hubanti aan hubo, idinkuna hubtiin in Biyuhu yihiin asaaska nolosha, waa midda qur’aankeenna kariimka ah ku xusan ”Wa jacalnaa minal maa’i kulla shay’in xayyin”. Biyuhu, waxay kaligood kaafiyaan dhirta. Dhirtuna waxa ay isu rogtaa baad la quuto. Baadkuna waxa uu kaaliyaa biyaha si noolaha kale u noolaado.

Dadku, iyagu waa kuwa ugu karaamada badan inta uu Rabbi uumay. Waxa noolaha kale uu dheeryahay uguna muhiimsan waa in uu caqli leeyahay. Caqliguna, waa midka garansiiya baahidiisa, rabitaankiisa, halka uu ka yimid, tusaana waxa horyaal oo qabasho ka rabo iyo halka uu u socdo oo uu tiigsaayo. Haddii aad rabto in aad noolaato si qurxoon oo toganna u noolaato waa in aad taqaan tabtii aad u noolaan laheyd.

Noloshu, waxa ay rabto maahan uun BAAD iyo BIYO, waxa ay leedahay waxyaabo kale oo lagama maarmaan ah. Waxa aad rabtaa baadkaa iyo biyahaa in aad jeriso. Jeriskuna, ma sahlana oo wax badan ayuu rabaa. Waxa uu rabo waxaa ugu horreeyo in la sahan tago. Sahanku, waxaa uu baadigoobaa goob biyo iyo baad leh. Baadku, waxa uu kaa rabaa tacab iyo falasho.

Aadanuhu, kolkuu isku helo baad iyo biyo, wax badan oo kale ayaa horyaal, kuwaas waxa ay rabaan maan la faalaliyo iyo adeegyada kale ee jiraalku rabo in la doono. Kabuhu, Waxa ay ka mid yihiin waxa aadanuhu ka maarmin. Iyagu isma suubbiyaan ee suubbiyaa suubbiya, waxa uu u ugu dhibtoodaa, kala noocnoocna ugu sameeyaa si dadku u illadaan. Cagagubyoodka, kaxarka iyo wasaqdana cagacaha uga ilaaliyaan.

Waan hubaa haddii inteenna badan na loo diro in aanan garan karin ber aan ka marno. Waana hubanti jirto in aanan ka maarmin. Waa Farsamo culus oo mudan in lagu qaddariyo farsamayaqaanka. Aan u daadego dulucda qormada, bal aqristoow, hoos uun ha iila socon e dib u jalleec cinwaanka mowduuca. Maxaad aragtaa? Cinwaanku soow kama duwana qormada ineeda kale?

Waxa aan la yaabay maanta..Waxaan la yaabay maanta adiguna ila dhugoo igula yaab. Sidee ku dhacday in kaba tolihii isaga tolay uga kaba la’yahay?Sow la mid noqon meyso tii carbeed ee aheyd: ”Baabal Najaar Maqluuc”, oo noqoneyso faryaamo aan gurigiisu albaal laheyn. Hadda ogow, isaga ayaa dadka kale u sameeya albbaabada, kiisuna waa albaab la’aan. Fajac!.

Waxaa iyana jirto oo ka horjeeddo middaan tu kale..Waa taa, waa tumaa..Ma taayadii, ma tooyadii..Maxaa lagu tilmaamaa? Bal adiga oo deggen si qumman iila dhugo: ”NINKA AAD KABO KA TOLANEYSO, KABAHIISAA LA DAYMOODAA”. Tani waaba tu kale, waa tu kaloo ka duwan.. ”Kaba tole ka kaba la’ iyo kaad kabo ka tolaneyso kabahiisa dhugo”. Bal adiga soo kud oo is haleeshii labadaan.

Midi, waxa ay noqoheysaa; ”Tiisa loogu bogaa tu kale loogu daraa” minii kale hee waa ka kud oo how dhawaan. Waxaase, iyaduna ah xaad hee uga dayahee waaba kaas oo ”Cagacaddo caga gubyoohaayo e”.

W/Q: Xuseen M. Cabdulle ”WADAAD”

huswadad@hotmail.com

NAGA LA SOO XARIIR: laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN