Kacaanka 21ka Oktoobar 1969 Q5aad Qore: Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Maalinta_Calanka

Kacaanka 21ka Oktoobar 1969 Q5aad

Ka Qayb Qaadashada Xoraynta Dalal Afrika Ku Yaalla Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre wuxuu kooxo la taliyayaal militari ah iyo tababaryaalba u diray dalal afrikaan ah oo gobannimadooda u halgamaya, ayna ka mid ahaayeen dalal ku yaalla galbeedka afrika sida Equatorial Guinea, Cape Verde iyo Angola iyo Muzambiik oo koofurta/bari ee Afrika ku taalla, intaan ka xusuusto. Ka Qayb Qaadashada Amniga Afrika Soomaaliya waxay ciidan kala dhex gala u dirtay oo sidaas amarka Ilaahay\هللا ku badbaadisay labada dalwladood ee Ugaanda oo uu madaxweyne u ahaa Idi Amiin iyo Tanzaaniya oo uu madaxweyne u ahaa wadaadkii krishtaanka ah muslimiinta necbaa gaar ahaan soomaalida iyo inay shanta Soomaaliya midoobaan ee Niyareere Alle\هللا uma naxariistee. Iidi Amiin, oo ahaa nin jir wayn oo dheer, wuxuu waagaas ku yiri Niyereeri oo ahaa nin bar yar: “Haddaad haweeney ahaan lahayd waa ku guursan lahaa.” Ilaahay\هللا ayaa Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre usoo diray oo ka celiyay. Soomaaliya waxay noqotay labaatankaas sano xiddigta Afrika, Madaxweyne Maxammad Siyaad Barrena wuxuu noqday odayga afrika oo ayan labo isku khilaafsanayn oo laga wada dambeeyo isaga iyo dawladdiisa iyo dalkiisaba. Xiriirka adduunka Kacaanku wuxuu la xiriiray oo safaarado ka furtay shanta qaaradood oo la deggan yahay, markaasay Soomaaliya adduunko idil la xiriirtay, adduunkuna Soomaaliya bartay oo la xiriiray. Xiddigta Afrika Soomaaliya waxay noqotay xiddigta Afrika, soomaaliduna waxay noqdeen oo adduunka ku can bexeen aqoon, dhaqan fiicnaan iyo sharf iyo dal ka kooban hal shacbi oo ku hadla hal af oo hal 15 asal wada leh, hal diin wada leh oo wada muslin ah, kana duwan dawladaha Afrikaanka ah oo ka kooban qawmiyado kala duwan, kala af ah, kala diin ah. Dawladaha galbeed oo ku dadaalay inay Soomaaliya go’doomiyaan oo Khaliijka ka gooyaan Markaasay dawladaha krishtaanka ahi waxay bilaabeen inay dawladaha Carabta ee Khaliijka oo Soomaaliya aad u taageray dhan walba, gaar ahaan xagga dhaqaalaha, Soomaaliya ka cabsi gelayaan xagga militariga iyo xagga siyaasadda hormariddaba ee Soomaaliya, ayna u tuseen inay Soomaaliya amnigooda iyo hab dhaqankoodaba khatar ku tahay, siduu bisha jannaayo ee sanadka laba kun iyo sideed Madaxweyne George Bush dawladaha Carabta ee Khaliijka oo uu booqasho ku joogo ugu cabsiinayay dawladda Iiraan oo uu u sheegay inay amnigooda khatar ku tahay oo kale. Halkaas ayayna krishtaanku dawr ka heleen ay khaliijka ka cayaaraan, ayna ka iibiyeen hub fara badan oo kumanyaal malaayiin oo doollar jooga oo dhaqaalaha galbeedka qayb wayn ka qaatay. Dawladahaas galbeed waxay Soomaaliya u arkeen inay tahay mid khatar ku ah danohooda dhaqaale, waxayna ka baqeen inay ishaas dhaqaale ka awddo. Markaasay dawladaha galbeedku waxay goosteen in dawladda Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre ridaan – ahna waxa hadda la yiraahdo “regime change” – , Soomaaliyana khariidhada dawladaha laga saaro oo la tirtiro. Maanta aan joogno dawladaha carabtu waa mustacmaradu uu maraykany xoog militari ku haysto, mana aha dawlado madax bannaan oo aayohooda ka taliya oo siyaasaddooda iyo maalkooda u madax bannaan, wax wanaag ah oo laga fisho oo dadka carabta ah u dan ah waa dhalanteed iyo habeenkii xalay ahaa oo tegey. Gaar ahaan dawladaha Khaliijku waxay midiin u yihiin dawladda maraykanka. Waxaa intaas ka baxsan dawladaha Suuriya\سيةٕس, Yaman\ًٍاني iyo Jazaa’ir\انجضائش. Mauritania iyo Comorro Islands\شًانق جضس warkooda oo sugan ma hayo. Ilaahay\هللا ayaan u baryeynaa inuu ayagana isticmaarka ka xoreeyo, oo waa dad carab oo muslin ah oo duntoodu fiican tahay, waana walaaleheen. Soomaaliya iyo Dawladaha Khaliijka Dawladaha khaliijku intay Soomaaliya tareen lama koobi karo, lagamana abaal gudi karo. Dawladda Sucuudiga keligeed ayaa waxay Soomaaliya ilaa laga soo gaaro kun sagaal boqol iyo sagaashanka deeq ahaan u siisay ama daymisay ku dhowaad toddoba boqol oo malyan oo doollar!!! Warkaasna waxaan ka helay kun sagaal boqol laba iyo saddex sagaashan warqad ay dawladda Sucuudigu u qaybisay Safaaradaha dawladaha Jaamacadda Dawladaha Carabta xubnaha ka ah, oo iigu timid xafiiskayga markaan ahaa Danjiraha Jaamacadda Carabta ee Qarammada Midoobay ee Vienna dalaka Austria, kaddib markuu nin siyaasi ah oo soomaali ah Jaamacadda Carabta uga hadlay inayan sucuudigu soomaaliya wax tarin. 16 Sidoo kale waxay dawladda sucuudigu qaybisay warqad ay ku qoran yihiin kaalmaday u fidisay dawladda Suudaan. Dawladaha khaliijka oo kale, gaar ahaan Imaaraadku waxay Soomaaliya u fidiyeen taageero dhaqaale oo uu Ilaahay\هللا oo kali tiradeeda yaqaanno. Sababtay NATO amxaarada Soomaaliya usoo gelisay Siyaasaddaas dawladaha krishtaanka ayaa keentay inay askarta amxaarada soo ijaartaan si ay ceelasha batroolka oo ay qorshaysanayaan inay Somaaliya ka qotaan ugu ilaaliyaan, oo aan dhulkana lahayn xaqna ku sheegan karin. Rag soomaali ah oo Xamar ka yimid oo aan waraystay waxay ii sheegeen oo yiraahdeen: “Askarta amxaaradu markay wiil soomaali ah arkaan way cararayaan oo waa fulayo, mana doonayaan inay dhintaan, waxayna yiraahdaan: “Soomalidu dhimashada kama baqdo!” Ameerikaan ma doonayo inay askiirtiisu dhimato Dawladda Ameerika iyo NATO markay dalka Ciraaq ku duulayeen, waxay marka hore la hadleen dawladda India oo ay waydiisteen inay siiso ciidan Ciraaq ugu duula, Indiana waa ka diiday. Markaasay lagama maarmaan ku noqotay inay ciidammadooda halkaas geeyaan. Sababtu waxay tahay inayan krishtaanka galbeed doonayn inay dagaal ku dhintaan, siduu u sheegay madaxweynihii hore ee Midowga Sovyeeti Mikhail Gorbachev: Mikhail Gorbachev, former SG and President of the USSR Sophie@Co of RT December 19, 2014: “The main thing is that Americans don’t want to die! Why is it that the United States opts for using planes, warships, missiles, without deploying ground forces? That is because the society won’t let them anymore, it will start putting pressure on them immediately.” بسى هللا انشحًٍ انشحيى Madaxweyne Maxamad Siyaad Barre oo midaynta Dawladaha Geeska Afrika diiday Sanadka kun iyo sagaal boqol iyo sagaal iyo sideetanka waxay dawladda maraykanku u keentay dawladda Soomaaliya warqad, anigana isoo martay intaan ahaa Agaasimaha Guud ee Waaxda Siyaasadda Dawladaha Ameerika iyo Yurub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, ayna ugu soo jeedinayso inay dawladaha Soomaaliya, Jabuuti, Suudaan, Ethiopia, Kenya iyo Ugaanda, waana dawladaha maanta IGADD ku bahoobay, ay midoobaan, ayna yeeshaan dawlad dhexe oo keli ah oo federaali ah, sida tan mareykanka oo kale ah, wadaagana gaashaandhigga, siyaasadda arrimaha dibadda, maaliyada iyo waxa sidaas oo kale ah, hal caasimadna leh. Dawladdaas federaaliga ahna waxaa magaalo madax u noqonaysa Addid Ababa, in kastoo ayan qoraalka sidaas ugu dhignayn. 17 Dawladda Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre waxay maraykanka u sheegaty inayan tasi caqli gal ahayn iyo meel mar midna, annagoo ah dadyow kala duwan, kala diin ah, kala afaf ah, kala dhaqan iyo kala taariikh ah. Waxaabaad mooddaa inay isbeddallada dhakhsiyaha badan oo gobolkaas geeska Afrika ka dhacaya waayaahaan dambe uu qorshahaas ku salaysan yahay, oo uu ka dambeeyo. Runtana Rabbi ayaa og. Warqadda dawladda mareykanka ee midayntaas ka talineysana waxaa noo keenay Danjiraha USA Trusten Frank Crigler, anigaana la joogay Dr. Cabdu Al Raxmaan Jaamac Barre markuu warqaddaasna u keenay, kalana haday. Wasiirku wuxuu u sheegay inuu mawqifka dawladda Soomaaliya yahay midkuu madaxweynuhu u sheegay, oo ayan taasu caqli gal ahayn, ayanna suurtoobin. Danjire Criegler wuxuu intaas ku daray isagoo Dr. Cabdu Al Rraxmaan Jaamac Barre farriin ugu dhiibay madaxweyne Maxammad Siyaad Barre oo yiri hadal macnihiisu yahay: “Waxaan ogaannay inuu madaxweyne Maxammad Siyaad Barre magaalada Baydhabo u socdo maalin hebla ee toddobaadka soo socda, marka markuu Baydhabo dadka kula hadlayo hadalkiisa ha ku daro inuu yiraahdo sidaas iyo sidaas – oo ahaa hadal ku saabsan ururrada soomaaliyeed oo xaruntoodo Addis Ababa ahayd oo Soomaaliya la dagaalayay iyo soo dhexgelinta maraykanka arrimaha Soomaaliya Xusni Mubaarak madaxweynaha Masar iyo dawladda talyaaniga -.” Qof ahaan waxaan Radio Muqdisho ka dhegeystay khudbadduu madaxweyne Maxammad Siyaad Barre ka jeediyay Baydhabo toddobaadkii kaas ku xigay, erayna kama uusan oran, kamana hoos qaadin wuxuu danjiraha maraykanku doonayay. Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre Allaha u naxariistee wuxuu ahaa nin soomaali dhab ah oo dalkiisa jecel, una adeegayay dalkiisa, oo madax bannaan, aanna ahayn daba dhilif arrimaha dalkiisa caasimado kale geeya gacanta u geliya, sidaan manta arkaynno. Haddaabad haddeer internetka gashid oo aad erayga HORN OF AFRICA ku raadisid waxaa kuu soo baxaysa khariidada dawladaha geeska Africa ee lixdaas dal ayna la socoto waribixinno tifaftiran ee dhaqaalaha, biyaha, waddooyinka, beeraha iyo khayraadka Ilaahay\هللا siiyey oo tifaftiran. Kharidadaas waxaa dul suran calanka maraykanka, waxaana la socota khudbo uu Bill Clinton, Madaxweynihii hore ee maraykanku akhrinayo oo arrinkaas ku saabsan. Midaynta dalalkaas kala dhul wayn, kalana xoog badan waxay keeneysaa in kuwooda waaweyn la kala googooyo oo kuwa yaryar laga soo saaro, oo sidaas kaddib la isku dayo in dawlad federaali ah laga dhigo, sida jarmanka loo googooyey dagaalka labaad ee adduunka kaddib oo dawlad federaali ah la isugu keenay oo aan awood buuxda gobolladaas ku lahayn. 18 Burburinta Soomaaliya, Talyaaniga, Griigga, Yaman\ًٍاني Kuwaasna waxay noqonayaa dawladu aan cadad iyo cudud toona lahayn oo wixii la rabo laga yeeli karo. Taas weeyena siday u doonayaan inay Soomaaliya u burburiyaan iyo Talyaanigaba. Arliga talyaaniga waxaa qorshahaas horsed ugu ah Bossi oo Lega Nord u madaxa ahaa iyo Berlusconi oo Ra’issul Wasaaraha ahaa, oo aan weli la wada meel marin oo aniga aragtideyda dalka talyaanigu wuxuu u kala jabayaa dawlado yaryar oo badan oo aan qiimo lahayn, noqdana fariisimo military ee USA, ingiriiska iyo jarmanka, gaar ahaan jaziiradda Sicilia, oo markaad darafteeda joogtid ay dhowr kiloomitir ku jiraan Tunis\سَٕج, Libiya, Jazaa’ir\انجضائش, Masar\يصش iyo Falasdhiin\ٍفهسطي Suuriyah-na\سيةٕس aan ka fogayn. Talyaaniga sida dawladaha koofurta Yurub oo kale ee Griigga iyo Sbaanishka, – wuxuu dhul ahaan u dhow yahay dawladaha carabta oo batroolka iyo gaaska leh, kana mid ma aha labada qabiil oo la kala yiraahdo Anglo-Saxon – oo ah Ingiriiska iyo Jarmanka iyo inta ka farcantay sida Maraykanka, Australiya, New Zaland, Kanada, oo inta kale, sida Talyaaniga, Giriigga, Sbaanishka iwm, oo ay hoos u dhugtaan oo laan gaabnimo ku tilmaamaan. Dawladda Maraykanka iyo dawladda Ingiriisku waxaa sanooyinkaan dambe o idil ku bixiyeen maal fara badan iyo itaal fara badan in Yurub la dumiyo oo la kala furfuro. alyaanigu wuxuu Ilaahay\هللا qorshahaas lala damacsan yahay uga badbaadiyay Profesoor Prodi – oo jaamacadda Bologna macallin ka ah – oo intuu Ra’iisul Wasaare noqday qorshahaas diiday oo dadka Talyaaniga afti guud ka qaaday oo ay googoyn iyo federeeshin ku diiden, waxaana ku taageeray Madaxweyne Napolitano oo xizbiga shuuciga talyaaniga hore ugu jiri jiray. Sidaas daraadeed ayay dawladaha galbeed waxay Soomaaliya, Talyaaniga, Yaman\ًٍاني, Libiya \نيبيا iyo Ciraaq\انعشاق ugu sameeyaan dastuurro federaali ah: haddaad akhrisid dastuurrada loo sameeyeey dalalkaas waa isku wada mid oo magaca dawladda ayaa la beddelay, waxaana lagu sameeyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo markaas magaca Qarammada Midoobay la huwiyay, waxaana dejisasy gabar maraykanad ah oo xarunteedu UNO tahay ee New York. Dastuurradaas waxaa tusaale ahaan ka mid ah waxaan dastuurka Maraykankaba ku jirin, sida in kuraasta barlamaanka boqolkiiba soddon ay u xiran yihiin inuu dumar kasoo galo oo uu sidaas barlamaanku boqolkiiba soddon ay haween u noqdaan, oo haweenka tun jileec ayay bidayaan. Taas daraadeed ayaana amxaarada Eritrea looga gooyey, waqooyiga Soomaaliya iyo gobolka waqooyi bari oo Puntland la baxay la doonayaa in inta kale looga gooyo, Sudaanna koofurta dalkaas looga gooyey, gobollo kalena in laga sii gooyo la doonayaa, sida Darfur, iwm.. Inay sidaas tahayna waxaa ayaguna ii sugay 1992 ee qarniga lasoo dhaafay intaan ahaa danjiraha Jaamacadda Dawladaha Carabta ah ee Qarammada Midoobay ee Vienna arliga Austria siyaasiyiin Jarman ah oo ii sheegay inay qorshahaas kusoo arkeen Bruxelles xarunta yurubta midowday iyo xarunta NATO oo isla magaalo madaxdaas Beljiga ku taalla. 19 Tirakoobka Soomaaliya 1990 Tirakoobka dadka jamhuuriyadda Soomaaliya deggan Wasaaradda Qorshaynta ee Soomaaliya waxay bisha Jannaayo ee kun sagaal boqol iyo sagaashanka (1990) soo saaratay tirakoobka Soomaalia (Daabacaaadda/Edition kow iyo tobnaad). Tirakoobkaas oo ku dhigan laba iyo toban warqadood ama afar iyo labaatan bog waxaa ka mid ah inay tirada soomaalida Soomaaliya deggan tahay sideed malyan iyo nus malyan, kuna kala nool sideed iyo tobanka gobol oo uu dalku u qaybsan yihiin xagga maamulka. Gobollada waxaa ugu dad badan Gobolka Bay oo ay laba iyo toban boqolkiiba (12%) dadka soomaaliyeed deggan yihiin. Waxaa ku xiga gobolka Banaaadir oo ay boqolkiiba kow iyo toban (11%) deggan yihiin. Kaddibna gobolka Waqooyi/Galbeed oo ay boqolkiisa lix iyo labo (6.2%0) deggan yihiin. Waxaa gobollada ugu dad yar gobolka Sool oo ay deggan yihiin boqolkiiba hal iyo hal (1.1%) dadka soomaaliyeed. Tirada raggu waa boqolkiiba konton iyo hal (50.1%) dumarkuna waa sagaal iyo afartna iyo sagaal boqolkiiba (49.9%). Diinta soomaalida Diinta dawladda waa diinta islaamka, oo Soomaaliya waa dawlad muslin ah, soomaaliduna waa muslimiin. Islaamka iyo iimaanku wuxuu ku leeyahay raad qoto dheer, soomaalidana waxay diinta islaamku ku saamaysaa si wayn nolol maalmeedkooda. Tirakoobka Xoolaha Tirada xoolaha nicmoolayda ah waa sidatan: Geel: lix malyan iyo lix boqol oo kun oo neef oo geel ah. Lo’: afar malyan iyo sideed boqol oo kun oo neef oo lo’ ah. Riyo: sagaal iyo toban malyan iyo toddoba boqol o kun oo neef oo riyo ah. Ido: saddex iyo toban malyan iyo laba boqol oo kun oo neef oo ido ah. Jaamacadda Qaranka Soomaaliyeed Jaamacaddu waxay ka kooban tahay laba iyo toban (12) kulliyadood oo kala ah: Kow. Kulliyada Wax barashada. Laba. Kulliyada Saynska. Saddex. Kulliyada Injineeriyada. Afar. Kulliyada Daawada iyo Xannaannnada Xoolaha. Shan. Kulliyada Beeraha. Lix. Kuuliyada Takhtarnimada. Toddoba. Kulliyada Qaanuunka. Sideed. Kulliyada Dhaqaalaha. Sagaal. Kulliyada Afafka. Toban. Kulliyada Journalism, oo wariyannimada laga barto. Kow iyo toban. Kulliyada Shareecada Islaamka. Laba iyo toban. Kulliyada Macallimiinta. 20 Kulliyadahaas waxaa ka qalin jebiyay saddex kun toddoba boqol lix iyo toban arday (3716) inta u dhexeysay kun sagaal boqol afar iyo sideetan (1984) ilaa kun sagaal boqol sagaal iyo sideetan (1989). Adeegga caafimaadka Gobol walba waxaa ku yiillay isbitaal bukaanku seexdo, iyo takhtarro iyo kaaliyaal takhtarro. Isbitaalladuna iyo takhtarrada jooga iyo daawada bukaanka la siiyaba waxay ahaayeen lacag la’aan. Waxaa ugu takhtarro badnaa gobolka Banaadir oo ay joogeen laba boqol sagaal iyo lixdan (269) takhtar iyo lix boqol sideed iyo sideetan (688) kaaliye iyo sideed boqol iyo afartan sariirood (840) oo bukaanka loogu talay oo isbitaallada yaalla, waxaana ku xigay gobolka Waqooyi Galbeed oo ay joogeen afar iyo labaatan (24) takhtar iyo boqol sideed iyo sideetan (188) kaaliye/nurse iyo isbitaallo ay yaallan saddex boqol iyo labaatan sariirood (320) oo bukaanka loogu tala galay. Wax dhigidda iyo akhrinta Waxaa farta soomaaliga dhigi karta oo akhrin karta boqolkiiba sagaal iyo afartan iyo nus (49.5%) oo ragga ah boqolkiiba iyo afar iyo afartan iyo laba (44.2%) boqolkiiba oo dumarka ah. Wadar ahaan waxaa dadka soomaaliyeed farta soomaaliga akhrin karta o dhigi karta waa toddoba iyo afartan iyo kow (47.1%) boqolkiiba. Marka afka soomaaliga ah iyo afafka kale la isku daro waxaa akhrin karta iyo dhigi karta afar iyo konto iyo sideed (54.8%) boqolkiiba Kuma ayan darin inta Quraanka Kariimka ah looxa ku dhigta, kana akhrisa. Skoollada Waxaa Soomaaliya ka jira sideed boqol shan iyo konton skool, oo kala ah kuwa Hoose, kuwa Dhexe, kuwa Sare, kuwa Farsamada, kuwa dadka waawayn, kuwa Haweenka.

dhamaad

 

Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

SHEEKOOYIN