Kacaanka 21ka Oktoobar 1969 Q4aad Qore: Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Maalinta_Calanka

Kacaanka 21ka Oktoobar 1969 Q4aad

Dawladda Midowga Sovyeeti/Russia Dawladda Russia waxay Soomaalida u gashay abaal aanan weligeen gudi karin, ayna ka mid yihiin inay skoolladeeda iyo jaamacadeheeda iyo jaamacadaha militarigooda u wada fureen dhallinyara soomaaliyeed. Waxaa halkaas kuso tababartay boqollalo takhtarro, injineerro, saraakiil military. Ruushku wuxuu Soomaaliya siiyay hubka ugu casrisan ee ciidammada, sida dayuuradaha dagaalka ee Mig, tankiyada, madaafiicda iyo waxay ciidammadu u baahan yihiin oo idil. Kacaanka 21ka Oktoobar 1969 Markuu Madaxweyne Maxammad Siyaad xukunka la wareegay kun sagaal boqol sagaal iyo lixdanka ragga soomaalida ah ee xoolo lehna waxay ahaayeen xaaji hebel iyo xaaji hebel oo waxay ahaayeen rag faraha lagu tiriyo oo la yaqaan. Qoyska soomaaliyeed oo ugu dhaqaale fiican wuxuu ahaa midka maalintiiba laba ama saddex goor gurigooda dab laga shido oo cunno laga cuno. Labaatankaas sano gudeheedana dawladdu ganacsiga ayay furtay oo adduunka lala xiriiray oo dalka la maal geliyay oo uu maalku batay oo dalku cammirmay, maalkuna cid walba gaaray. Dawladdu waxay kaloo ka shaqaysay inay soomaalidu khaliijka shaqo ka hesho, inta iskood u tagtayna lagu amni siiyo. Xoolahay dadkaasu shaqaysteenna dalkay ku cammireen oo qoysaskooda ku nafaqeeyeen, Allahaهللا ka abaal mariyee. Faaiidada dawladnimada laga helo iyo xooleheeduba waxay wada gaareen dadka iyo bulshada soomaaliyeed, si ayan dal kala ugu faafiin intaan anigu ka warqabo. Dawladdu shaqooyin ayay abuurtay oo shaqo laga helay oo lagu noolaaday, waxayna geesinnimo gelisay inay dadku ayaguna shaqaystaan ama wax soo saarid ama ganacsi. Waana la yeelay oo lagu noolaaday. Xamdiga iyo fadligana Ilaahay Tacaalaa\جعانى هللا ayaa iska leh mar walba. Ciidan militari oo soomaaliyeed oo sidaas ahna ma jirin. Markaasuu Kacaanku ciidanka dhulka iyo midka circa iyo midka difaaca circa iyo midka badda oo xoog leh dhisay, oo cadawyada dalku ay ka wada baqaan, ha ugu horreeyaan Ethiopia iyo Kenya. Labaatankaas sano Soomaaliya way is beddeshay oo intaasoo dugsi iyo jaamacadood ayaa laga dhisay oo magaalo walba takhtar iyo kaaliso iyo dugsi iyo isbitaal iyo biyo iyo koronto iyo xarun boolis oo nabadda ilaalisa la geeyey. Hormarkay gaareen gobollada iyo tuulooyinka Soomaaliya Magaalo iyo tuulo walbana waxaa la geliyay biyo iyo ceelal iyo waro iyo waddooyin lagu tago iyo telefoon iyo isgaarsiin kaleba. 12 Xoolaha waxaa loo diyaariyay takhtarro meel walba ugu taga oo daaweeya oo daawadooda iyo tallaalka xoolaha sida oo lacag la’aan ah. Jaamacadda Qaranka Soomaaliyeed Waxaa dalka laga dhisay Jaamacadda Qaranka Soomaaliyeed, oo ay kulliyaduhu u dhan yihiin, sida Kulliyadda Takhtarnimada, Kulliyadda Daawada Xoolaha, Kuuliyadda Injineernimada, Kulliyadda Shareecada Islaamka, Kulliyadda Dhaqaalaha, Kulliyadda Qaanuunka, Kulliyadda Afafka Shisheeye, Kulliyadda Beeraha, Kulliyadda Macallimiinta iyo kuwo kaleba. Waxaa la dhisay dugsiyada farsamada, sida korontada, makkaanikannimada, iyo kuwo kaleba. Markaasay Jaamacadda Qaranku waxay soo saartay boqollaalo takhtarro iyo culimo kaleba, oo ay dalkana ka hawl galeen, khaliijkana u shaqo tageen. Dawlado kaloo Afrikaan ah ayaa ardadooda Jaamacadda Qaranka Soomaaliyeed usoo dirsaday. Waxaanba arkay nin madaxweyne dal Afrikaan ah ahaan jiray oo xukunkiisa la af gambiyay oo Jaamacadda Qaranka Soomaaliyeed arday ka ah, mana xusuusto inuu dalkiisu ahaa Ruwanda ama Burundi. Shaqada Qaranka Aradadu markay Dugsiga Sare dhammeeyaan, waxaa Dugsiga Xalane lagu siin jiray tababar military, kaddibna waxaa laga shaqaalayn jiray Wasaaradaha iyo Wakaaladaha dawladda, oo isla markiiba shaqay heli jireen. Waxaa kaloo loo qaybin jiray Kulliyadaha Jaamacadda Qaranka Soomaaliyeed, oo ay halkaas wax barashadooda ku dhammaysan jireen. Kulliyadda Jaalle Siyaad ee Saraakiisha Waxaa la dhisay Kulliyadda Militariga ee Jaalle Siyaad, oo soo saartay boqollaalo saraakiil tababr iyo karti sare leh oo Afrikoo idil laga wada aqoonsaday. Ubaxa Kacaanka Caruurta agoonta ah, wiilal iyo gabdhaba, waxaa loo dhisay urur la yiraahdo “Ubaxa Kacaanka”, oo xarunta ugu horreysay looga dhisay degmada Afgooye. Halkaasaa waxaa looga dhisay guryo ay ku hoydaan, meel ay wax ku cunaan iyo dugsigay wax ka baran lahaayeen. Ururkaasna meelo kale iyo gobollada dalkoo idil ayaa laga wada dhisay, si caruurta taagta daran loo xannaaneeyo oo loo koriyo. Ururkaasu wuxuu si toos ah u hoos imaanayay madaxweyne Maxammad Siyaad Barre, Allahaهللا u naxariistee. Warshadaynta dalka Waxaa la dhisay warshado iyo beero waawayn iyo mashaariic badda looga kalluumaysto. Beeraha xoog ayaa la saaray oo qalab iyo farsamaba loo diyaariyay, warshad bacrintana loo dhisay. Warshado badan ayaa la dhisay, kuway dawladdu dhistay iyo kuway soomaalida xoolaha 13 lehi dhisteenba. Waxaa xusid mudan inay dawladdu dhistay warshadda sifaynta batroolka oo laga dhisay Jaziiro koofurta Muqdisho. Sido kale waxaa la dhisay warshadda birta dhalaalisa oo waqooyiga Muqidhso ku tiillay; warshadda dharka ee degmada Balcad ku tiillay, warshadda sonkorta ee Mareerrey ee gobolka Jubbada Dhexe, iyo kuwo kaleba. Ilbaxnimadoo dalka ku faaftay Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre dawaladdiisu soomaalida way il bixisay oo markaasuu maalku batay oo dalku cammirmay. Sugidda Amniga Dalka Gudihiisa Dawladdiisu waxay sugtay amniga dalka gudihiisa oo uu qofka soomaalida ah iyo ajnabiguba, rag iyo dumarba, oday iyo caruurba, habeen iyo maalinba ay amni ku heleen meel kasta oo jamhuuriyadda ka mid ah oo ay nolol fiican ku heleen ayagoo aan maalkooda iyo naftooda iyo dhiiggooda toona u cabsanayn. Caddaalad ayaa la sugay Dalka waxaa ka dhashay caddaalad uu qof walba xaqqiisa ku helo. Marka caddaalad la helyna waxaa la helay amni. Dhismaha dalka oo koray Dawladda madaxweyne Maxammad Siyaad Barre waxay la hadashay oo wufuud loo diray dawladaha khaliijka inay dadka soomaaliyeed iqaamadu siiyaan iyo ruqsada lagu shaqaysto oo dalalkaas yimaada. Markaasay boqollaalo kun oo soomaali ah khaliijka shaqo ka heleen, oo ay lacagohooda reerohooda usoo diraan oo ku masruufaan, ayna guryo iyo ganacsiba ku dhisteen, oo uu sidaas dalku ku cammirmay, dadkuna intay adduunka la xiriireen ay adduunka kala barteen, ayna farsamoyaqaanno wada noqdeen. Soomaaliya adduunka u furantay, lagana wada bartay. Xoogga Dalka Soomaaliyeed Kacaanka 21ka Oktoobar 1969 wuxuu dhisay ciidan xoog leh, xagga dhulka, cirka iyo badda oo ay xuduudaha wadanku amni heleen oo aan lagu soo xad gubbi karin. Ciidanka soomaaliya waa laga baqay, oo wuxuu noqday midka Afrika ugu xoog badan marka Masar, iyo Koofur Afrika iyo kuwa kaloo yar laga reebo. Dayuuradda ciidanka cirka soomaaliyeed oo ka kacda Barbara waxay hawlo kasoo qaban kartay khaliijka oo idil oo soo laabanaysaa ayadoo aan baansiin kale u baahnayn. Taas ayay dawladaha krishtaanku kahdeen oo ay soomaaliya u arkeen xoog kula tartamaya batroolka khaliijka. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Fransiiska wuxuu Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre oo booqasho ku jooga dalka Fransa ku yiri markuu la kulmay: 14 “Ciidankiinnu waa “Froce de Frappe” oo ah waxa afka ingiriiska lagu yiraahdo “Rapid Task Force”, oo ah ciidan diyaar dhan walba ka ah oo marka waajib la siiyo intuu durbadiiba ku kaco oo soo fuliyo hadana kasoo laabanaya.” Waxaa inuu sidaas yiri ii sheegay Danjire soomaali ah oo la socday Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre kulankaas kala qayb galay. Intuu socday dagaalka Soomaaliya iyo Ethiopia ee 1977-78 ayay mar waxay dawladda Kenya tiri inay ciidammada Soomaaliya oo ku duulayay koofurta Ethiopia mareen arliga Kenya ayna askari reer Kenya ah dileen, ama wax sidaas la mid ah. Waxaa u jawaabay Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre oo warkiisa Radio Muqdisho laga sii daayay oo yiri: “Dawladda Kenya Xoogga Dalka Soomaaliyeed way caayeen oo ay meel uga dheceen, oo cidammadeennu meeshay cagta mariyaan , dad iska daaye, caws dambe kama baxo.”

la soco qaybta 5aad

Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

 

SHEEKOOYIN