Kacaanka 21ka Oktoobar 1969 Q2aad Qore:Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Maalinta_Calanka

Kacaanka 21ka Oktoobar 1969 Q2aad

Taariikhda dhigidda afka soomaalida Afku waa dariiqa uu dadku iskula xiriiro oo fikradaha isugu gudbiyo. Waana hubka wax la isku baro oo dugsiyada wax looga barto, ha ahaato saynska, xisaabta, taariikhda iyo inta kaleba, oo shacbigaan afkiisu dhignayn xor ma aha, oo af ummado kale ayuu ku dhaqmaa, uuna sidaas dhaqankooda ku qaataa, isaga dhaqankiisuna uu sidaas ku lumaa. Afku waa habka la isugu gudbiyo taariikhda ummaddaas iyo suugaantoodaba, oo hadduusan afkoodu dhignayn intaasoo idil waa wada lumiyaan. Xuseen Shiikh Axmad “Kadare”, Allahaهللا u naxariistee, wuxuu sheegay inay dhigidda fartu soo martay inta marxaladood oo soo socota: *Waxaa bilaabay culummada soomaaliyeed, oo uu ka mid ahaa Sheekh Awees, oo farta carabiga ayay ku dhigi jireen, ayagoo diinta u raacay. *Cismaan Yuusuf Keenadiid ayaa far hindisay, laakiin ayan xuruufteedu isku darsamayn. *1958 dawladdii ku meel gaarka ahayd waxay magacawday guddi sagaal qof ka kooban inay dejiyaan sida loo dhigi lahaa farta af soomaaliga, waxayna soo jeediyeen habab kala duwan oo ka kooban 11 farood, uuna ka mid yahay farta laatiinka. *Mudaaharaad ayaa Muqdisho ka dhacay oo la yiri: “Laatiin waa La Diin.” *Markaasuu Aadan Cabdulle Cismaan oo dawladda madax ka ahaa, mudaaharaadka ka cabsaday oo uu dhigidda farta joojiyay, waana intaan xorriyada la qaadan. *Cabdu Al Rrizaaq Xaaji Xuseen markuu Raiisul Wasaaraha noqday ayuu UNESCO waydiistay aqoonyahanno ka caawina sida farta soomaaliga loo dhigi lahaa. UNESCO saddex nin ayay soo dirtay oo waxay ayyideen in farta afka soomaaliga lagu dhigo xuruufta laatiinka. Markaasaa warbixintay raggaasu dhigeen la gubay ayagana lagu kacay, waxaana dawr ka cayaaray rag ayagu far watay oo fartooda laga tegay. *Kacaanka 21ka Oktoobar ayaa gaaray go’aanka in la dhigo farta af soomaaliga, kuna soo saaray Warqadda Koowaad ee Kacaana oo sidaan u dhigan: 5 Warqadda koowaad ee Kacaanka Oktoobar Ragga u kacay Kacaanka Oktoobar oo uu madax u ahaa Madammad Siyaad Allahaهللا u naxariistee, waxay 21ka Oktoobar 1969 soo saareen Warqad caddaynaysa ujeedada Kacaanka, ayna ugu horreyso dhigidda farta af soomaaliga, oo ahayd sidatan: 1.In la abaabulo bulsho ku dhisan shaqo iyo mabda’a cadaalad bulshadeed, ayadoo la qadarinayo bay’adda iyo xaaladda shacbiga soomaaliyeed. 2.In la diyaariyo lana jiheeyo hormarinta dhaqaale, bulshadeed iyo wax barasho, si dalka loo gaarsiiyo hormar degdeg ah. 3.In la ciribtiro wax dhigis la’aanta iyo akhris la’aanta, lana hormariyo waxbarashada iyo dhaqanka hodanka ah ee shacbiga soomaaliyeed. 4.In la dhiso ayadoo awaliyada koowaad leh saldhigga dhigidda farta af soomaaliga. Farta hadda aan dhiganno waxaa dejiyay guddi ka kooban shan nin oo uu magacaabay Golaha Saree e Kacaanka, kana kooban aqoon yahanno aqoon iyo khibrad u lahaa dhigidda farta, waxayna kala ahaayeen: 1.Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal, oo marka hore farta in carabi lagu dhigo qabay, kaddibna u beddeshay in laatiin lagu dhigo. 2. Professor Ibraahiim Xaaji Xaashi, oo farta carabiga watay. 3. Yaasiin Cismaan Yuusuf Keenadiid, oo farta aabihiis watay. 4. Shiree Jaamac “Juge” oo laatiin watay. 5. Xuseen Sheekh Axmad Hilowle “Kadare”, oo laatiin watay. Shantoodaasba way dhinteen Allahaهللا u naxariistee, ummadda soomaaliyeedna waxay u galeen abaal wayn, wayna u daynsan tahay. Sababta loo doortay xuruufta laatiinka waxay ahayd: 1.Ardaydu farta laatiinka way yaqiineen oo skoolladaa laga dhigi jiray. 2.Makiinadaha fartaas dhiga xafiisyada ayay yiilleen. 3.Madbacadihii daabici lahaa way jireen. 4.Waxaa jira codad afka soomaaliga ku jira oo aan farta carabiga ku jirin. Farta af soomaaliga waxaa la dhigay oo ay dhigiddeedu sharci noqotay 1972. Markaasuu Golaha Saree e Kacaanku wuxuu magacaabay guddi ka kooban 19 qof oo ay shantaasu ka mid yihiin, oo dhigay kutubbada farta af soomaaliga laga baran lahaa. Xuseen Sheekh Axmad Hilowle “Kadare” Allahaهللا u naxariistee, wuxuu barnaamijka “Fool ka Fool” ugu warramay Maxmmad Aadan Xirsi “Terra” ee Universal TV markay taariikhdu ahayd laba iyo toban bisha Juunyo laba kun laba iyo toban (6/12/2012), hadalkaan kasoo qaadannay waa intaas. Soomaalidu waxay tiraahdaa: “Biyo sacabbadaada looga dhergaa”, oo sidaad afkaaga hooyo fikraddaada ugu cabbiri kartid, af kale oo la bartay laguma cabbiro karo. 6 Af shisheeye oo la barto wuxuu ku kooban yahay inta magaalooyinka waawayn joogta oo kali, bulsho waynta soomaaliyeed oo miyiga iyo tulooyinka ku noolna aqoonta way ka qatanaanayaan. Markaasay dawladda Kacaanku sanadka 1973 waxay xirtay skoollaadii dalka oo idil, oo ardadii oo dhan iyo macallimiintooda iyo shaqaale badan oo ka socda booliska, iyo xoogga dalka soomaaliyeed iyo wasaardaha o idil waxaa loo jiheeyey inay dadka miyiga iyo tuulooyinka ku nool dhigidda farta af soomaaliga baraan. Meeshaan guri skool ah lahayn waxaa skool notay geedaha hoostooda. Waxaa degmo walba iyo tuulo walba laga abuuray guddi ka kooban macallin, takhtarka dadka ama kaaliye caafimaad, takhtarka xoolaha ama kaaliyaha caafimaadka xoolaha, booliis nabadda ilaaliya, wakiil ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Caafimaadka oo kaneecada buufisa, Wasaaradda Beeraha oo dadka beeridda, bacaad celinta iyo wixii la midka ah barta. Markuu guddigaas hoose tuulada ama miyigaba tago wuxuu daawaynayaa dadka ka buka, xoolaha ka buka, fartuu barayaa iyo sida loo akhriyo, ilbaxnimada magaalada ayay miyiga geeyeen, waxay barayaan sida casriga ah oo beerta loo falo, ama xoolaha loo dhaqo. Waxaa intaas dhinac socotay ayadoo Soomaaliya oo idil tirakoob lagu sameeye, oo gudiyadaas waxaa ka mid ahaa qof ka socda Wasaaradda Qorshaha Qaranka. Waxaa sidaas loo tiriyay intay soomaalidu tahay, intay xoolo leeyihiin, intay guyo leeyihiin, intay dhul fashaan, meesha skool leh iyo middaan lahayn, meesha ceel biyood looga baahan yahay iyo meesha bar caafimaad looga baahan yahayba iyo arrimo kaloo intaas la xiriiraba. Dhigidda farta afka soomaalidu wuxuu ahaa guul wayn oo shacbiga soomaaliyeed usoo hoyatay. Hawshaas oo idilna waxaa maamulayay guddi sare oo ka dhisnaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta. Hawshaas waa lagu guulaystay oo soomaali oo idil, rag iyo dumar, mid wayn iyo mid yar, mid xoolo leh iyo mid aan lahaynba, waxay baratay sida afkooda hooyo loo dhigo.. Hormarka lixaadka leh ee Soomaaliya Markuu Kacaanka 21da Oktoobar 1969 xukunka qabtay dadka soomaalieed oo jaamacad galay ama ka baxay way tirsanaayee oo hebel iyo hebel ayay ahaayeen oo gacan fareheeda ayaa lagu tirin karay. Aniga laftaydu waxaan ahaa ninka lixaad ee soo dhammeeyey jaamacadda daawada xoolaha oo shan nin oo keli ah ayaa iga hor qalin jebisay!!! Labaatan sano gudeheeda waxay wiilasha iyo gabdhaha jaamacadaha Soomaaliya ka qalin jebiyay gaareen kumanyaal oo dalku ku degay oo lagu noolaaday. Waxaa la dhisay jaamacadaha shareecada islaanka laga barto, kulliyadaha takhtarnimada dadka iyo midda xoolaha, kulliyada daawada oo ah farmacy, injneernimada, beeraha, dhaqaalaha, 7 qaanuunka madaniga ah, afafka, macallinnimada, akaadeemiyada militariga iyo kuwo kaloo fara badan. Qaar wiilashaas iyo gabdhahaas ka mid ahna waxay u haajireen dalalka khaliijka oo ay shaqo iyo nolol fiican ka heleen, qoysaskooda ay dalka uga tageenna iyo dalkuba ku noolaaday. Markay soomaalidu cilmiga heerkaas sare ka marayso, dawladaha khaliijka\انخهيج iyo Yaman\ًٍاني waxay ku nool yihiin mugdi iyo aqoon la’aan.

Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

la soco qaybta 3aad

 

SHEEKOOYIN