Kacaanka 21ka Oktoobar 1969 Q3aad Qore:Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Maalinta_Calanka

Kacaanka 21ka Oktoobar 1969 Q3aad

Hormarinta Beeraha iyo mashruuca “Krash Program” Dawladdu waxay xoogga saartay hormarinta beeraha, si uu dalku xagga cunnada isugu fillaado, waxayna samaysay “Warshadda Bacrinta/Ferilizer Industry” oo wax soo saarka beeraha kordhinaya. Beeraalayda gaarka ah waxaa awood loo siiyay inay bangiyada lacag ka amaahdaan. Waxaana Afgooye laga sameeyey beer lagu tijaabiyo abuurka iyo miraha beeraha. Waxaa kaloo la dhisay mashruuca la magac baxay “Krash Program” oo beeraha lagu tabco, waxaana la sameeyey iskaashatooyinka beeraha oo ay dawladdu taageerto. Intaas iyo mashruucya kaleba waxay dawladdu u dhistay in xagga cunnada iskuu fillaansho laga gaaro oo aan loo baahan in dalka dibaddiisa cunno laga keeno. Dawladda Qadhar\قطش Tusaale ahaan Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre oo booqasho ku tegey arliga Qadhar\قطش ayuu boqorka Qadhar\قطش ee reer Aali Thaani\يَثا آل wuxuu weydiistay inuu ragga la socda midkood uga tago si uu umuuraha dawladdiisa kala taliyo. Markaasuu Madaxweyne Maxmmad Siyaad Barre wuxuu Dooxa\حةٔد ugu reebay nin ka mid ahaa wafdigiisa oo uu danjirennimo halkaas ugu magacaabay, halkaasna ku reebay. Ninkaasu waa Danjire Dr. Cabdu Allaahi Xaaji Cabdu Al Rraxmaan, wiilkuu awoowaha u yahay Sayyid Maxammad Cabdulle Xasan, kaddibna noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya. Isaga laftiisa ayaana iiga warramay siduu arrinkaasu ku dhacay mar aan Qadhar\قطش shaqo dawladeed ugu tegay. Wuxuuna ii sheegay inuu dayuuradda madaxweynaha kala degay shandada\طةُش uu watay oo keli ah, uu hotel degay, oo uu sidaas safiir ku noqday. Dawladda Imaaraatka Carabta Sidoo kale Sheekh Zayd\صيذ انشيخ boqorkii hore ee dawladda Imaaraatka Carabta wuxuu Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre weydiistay inuu siiyo rag isaga laftiisa la taliya iyo kuwo kala shaqeeya dawladdiisa, iyo macallimiin iyo kuwo kaleba. 8 Raggu siiyay waxaa ka mid ahaa Danjire Muxammad Sheekh Xasan oo noqday La Taliyaha boqorkaas, horena u ahaan jiray danjiraha Soomaaliya ee Bonn, arliga Jarmanka. Aniga laftaydana macallin ayuu ii ahaan jiray, Allaha\هللا dambigiisa dhaafee, wuxuuna ahaa nin muslin ah oo fiican. Isaga laftiisa ayaana ii sheegay sidaas uu Sheekh Zayd Aali Nahyaan انشيخ \ٌيآَ آل صايذ la taliyaha ugu noqday, sanadkiina mar ayuu Bonn takhtar ugu imaan jiray intaan aniguna danjiraha ka ahaa. Sidaasuu Madaxweyne Muxammad Siyaad Barre wuxuu dalalka khaliijka iyo Yaman\ًٍاني ku siiyay macallimiin, takhtarro iyo farsamoyaqaanno iyo la taliyayaal. أبٕربي\Abuu Thabi Anigu waxaan bartamaha kun sagaal boqol iyo toddobaatanka tegay Abuu Thabi\ربيٕأب, anigoo markaas ahaa maareeyaha guud ee Wakaaladda Hormarinta Xoolaha, doonayayna inaan dawladda imaaraadka ka gado xoolaha bisha ramadaan iyo xajka. Magaaldu waxay ahayd mid yar oo xoogaa Afgooye ka wayn, waxaana ku yiillay guryo gaagaaban oo dhagax iyo labin ka samaysan. Dariiqyada magaalada qaarkoodna waxay ahaayeen caddo oo laami ma saarnayn. Waxaan sidoo kale uga qayb galay shir ay dawladda imaaraadku u samaysay hormarinta dalkooda, qoraalladii nala siiyayna waxaa ka mid ahaa mid ay ku dhigan yihiin taariikhda dalkaas, waxaana ka mid ahaa: “Sheekh Zayd\صيذ انشيخ walaalkiis ka wayn ayaa xukunka hayay, wuxuuna diiday in skoollo la furo, isbitaallo la dhiso, dariiqyo laami ah la sameeyo, dalka koronto la geliyo, iyo wax cusub oo ku saabsan hormarinta dalkaba. Sababtuna waxay ahayd inuu ahaa nin reer miyi ah. Marka la bilaabay in batroolka dalkooda laga gato, waxaana ka gadan jiray ingiriiska, wuxuu aqoon waayay meesha lacagtaas batroolka laga gatay la geeyo. Waxaa loo sheegay in lacagta dawladda kasoo gasha gadidda batroolka lagu shubo xisaab ay dawladdu ku leedahay bangi arliga ingiriiska ku yaal. Wuxuu yiri: “Bangi waa maxay?” Markaasaa loo macneeyey. Wuxuu yiri: “Lacagtayda caddaan ha la ii siiyo, oo marka fuusto batrool ah la iga qaato lacagteeda gacanta ha la ii saaro.” Markaasaa lacag caddaan ah la siiyay. Markaasuu lacagtaas wuxuu dhigtay barkinta hoosteedaa, sariirta hoosteeda iyo meelo la mid ahba. Markaasaa waxaa lacagta ka cunay doolli iyo xasharaad kale. Markaasuu wuxuu yiri: “Lacagtayda ha la igu siiyo “Indian Rupias”, waana lacagta macdanta ka samaysan oo dalka India looga dhaqmo. Markaasuu wuxuu Abuu Thabi\ربيٕأب ka dhisay “Silos” macdan cad ka samaysan, lana mid ah kuwa badarka lagu kaydiyo oo dhulka kor uga taagan. Halkaasuu lacagtaas ku shubaa. Anigu 9 indhahaygaan ku arkay “Silos” kaas oo ilaa toddobaatameeyadii way jireen oo waan dul istaagay. Isaga degmadiisu waxay ahayd magaalada “Al Cayn\ٍانعي” oo Abuu Thabi\ربيٕأب aan ka fogayn, oo qabiilkoodu halkaas ayuu degi jiray. Markaasaa waxaa laga qanciyay in la dhiso dariiq laami ah oo Al Caynٍانعي iyo Abuu Thabi\ربيٕأب isku xira, wuuna yeelay. Markaasuu maalin wuxuu kormeeray hawsha dhisidda dariiqa oo socota. Markuu u fiirsaday ayuu wuxuu yiri: “Dhagaxda dariiqa lagu dhisayo yaa iska leh?” Waxaa la yiri: “Annagaa leh.” Wuxuu yiri: “Ciidana yaa iska leh?” Waxaa la yiri: “Annagaa iska leh.” Wuxuu yiri: “Biyahana yaa iska leh?” Waxaa la yiri: “Annagaa iska leh.” Wuxuu yiri: “Laamigana yaa iska leh?” Waxaa la yiri: Annagaa iska leh oo batroolkeennu ka yimid.” Wuxuu yiri: Shaqaalahana yaa iska leh: Waxaa la yiri: “Annagaa iska leh.” Wuxu yiri: “Haddaan intaas annagu wada leenahay, maxaan hadaba shirkaddaan ingiriiska ah oo dariiqa dhisaysa lacag u siinaynnaa?” Mar ayuu bukooday, oo la damcay in London loo qaado, waxaase lo baahday inuu jeegagga bangiga qaato si uu kharajka isaga bixiyo. Markaasaa laga dhaadhiciyay inuu jeegag qaato oo uu saxiixo markuu lacag bixinayo. Isaguna wuxuu ahaa ummi aan wax dhigin waxna akhrin. Markaasaa waxaa la baray siduu magaciisa u saxiixi lahaa. Markaasuu saxiixiisu wuxuu ka waynaaday jeegga. Markaasaa jeeg isaga u gaar ah oo wayn loo sameeyey. Inqilaabka Sheekh Zayd\صيذ انشيخ Markuu London tegay, ayaa walaalkiis Sheekh Zayd\صيذ انشيخ inqilaabay oo xukunka kala wareegay, kaddibna wuxuu u oggolaaday inuu dalka kusoo noqdo, wuxuuna ku xabbisnaa gurigiisa ku yiillay Al Caynٍانعي. Waxaan ku wadaa inuu halkaas ku dhintay, Allaha\هللا u naxariistee. 10 Abuu Thabi\ربيٕأب waxay lahaan jirtay hal ceel oo laga cabbo, aniguna ceelkaas waan dul istaagay. دبي\Dubai Dubai\دبي, markaas aan tegay, kama waynayn Afgooye, dariiqyadeeduna waxay wada ahaayeen ciid caddo, waxaase ku yiillay hal dariiq oo laami ah. Shaqada dalalka Khaliijka\انخهيج shaqadoodu waxay عًاٌ\Cumaan ,قطش\Qadhar ,دٔنة اإلياسات انعشبية\Imaaraadka ,انكٕيث\Kuwayt ahayd, waxayna doonyo shiraac leh Soomaaliya ku keeni jireen badeecado ay ka mid yihiin timir iyo dhar. Anigu waa arkay doonyahaas oo badecadaha laga soo rogayo, bilowga 1950 anigoo joogo xeebta Muqdisho iyo midda Marka. Dawladaha Khaliijka Dawladaha khaliijku waa dad yar yihiin, oo mid walba dadkeedu, marka sucuudiga laga reebo, waa dhawr boqol oo kun (Wikipedia: 2014 UAEانعشبية اإلياسات نةٔد: 1.4 million in 2014) (Wikipedia: 2014 Qadharقطش: 278.000 qadhari). Dawladaha khaliijku waxay magaca ku leeyihiin waa batroolka, dhammaantoodna waxay ku jiraan gumaysiga ameerika iyo ingiriiska, marka ayagu ujeedo kama lahaan karaan Soomaaliya ee waxay maal geliyaan ujeedada ay Ingiriiska iyo Maraykanku Soomaaliya ka leeyihin, sida dagaallada ay Maraykanku Soomaaliya kusoo qaadeen 1991, iyo midkay NATO ayadoo huwan magaca Qarammada Midoobay kusoo qaadeen 1992. Waxaana duullaannadaas laga maalgeliyay lacagta loo yaqaanno “Desert Storm Fund” oo marka hore dalka Ciiraaq\انعشاق looga duulay, siday UNO u caddaysay, oo ayadoo dhigan aan aniga laftaydu xarunta Qarammada Midoobay ee New York USA kasoo qaatay. انيًٍ انسعيذ\Yaman Dawladda Yamanًٍاني ee caasimaddeedu ahayd Cadan\ٌعذ ayaa waxay Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre soo weydiisatay kun sagaal boqol saddex iyo toddobaatanka inuu usoo raro cunno iyo waxyaalo kale ayadoo dalka laga waayay waxyaalo badan. Markaasaa waxaa Cadan\ٌعذ loo saaray dayuurad waxay soo weydiisteen, oo ay saabuunta lagu qubaysto ka mid tahay. Aniguna dayuuraddaas ayaan wax ka saarnaa, ahaydna dayuurad gaar ah oo ay lahayd dawladda Kuuba, sidayna wafdi dawladda soomaaliyeed oo aan ka mid ahaa una socday dalka Kuuba. Waxay ahayd bisha disembar kun sagaal boqol saddex iyo toddobaatan (1973).

la soco qaybta 4aad

Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.