Kacaanka 21ka Oktoobar 1969 Q1aad Qore:Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Maalinta_Calanka

 

Kacaanka 21ka Oktoobar 1969 Q1aad

 

Kacaanka 21ka Oktoobar 1969 Madaxweynaha Soomaaliya Maxammad Siyaad Barre (Oktoobar 1969/Jannaayo 1991) Waxaa soomaalida soo maray sanooyinkaan dambe, laga bilaabo kun sagaal boqol kow iyo sagaashanka miilaadiga waa looga horreeyey oo waxay wax taas la mid ah ku dheceen waayahaan dhow oo aan annaguba noolayn shacbiga Falasdhiin\ٍفهسطي, midka Lubnaan\ٌاُنب, midka Afghanistaan, Bosniya, Albania, Ciraaq\انعشاق (Duullaanka Maraykanka iyo Ingiriiska ee “Desert Storm” ee 1990), loogana dambeeyey sida dalalka Ciraaq\انعشاق, Suudaan\ٌدإانس, Liibiya\نيبيا, Masar\يصش, Suuriya\سيةٕس , Yaman iyo kuwo kale oo badan. Horena ummado kale oo tegey ayay ugu daceen. Dagaalladaas oo idil oo ay qaadeen dawladaha NATO waxay ahaayeen xarbi dhaqaale, intaan ka ahayn dagaalka Falasdhiin\ٍفهسطي iyo ilaa heer midka Suuriyah\سيةٕس oo dagaal diini krishtaan ah. Dagaalloo ayaa hadda muddo shan sano ah ka socda labada dal oo carbeed ee Suuriya iyo Ciraaq, ayna kooxo argagixiso ahi qaybo wayn oo arligooda ka qabsadeen, dadkiina ka dhigeen waxay laayeen iyo wax barakacay oo kaxooti dalal kale ku noqday. Kooxahaas argagixisada ah oo mgacda badan leh waxaa dhisay USA iyo xulafadooda reer galbeed, siduu u sheegay madaxweyne Vladimir Putin, madaxweynaha dalka Russia, waxayna u dhiseen inay dalalka Bariga Dhexe dabadiis ay argagixisadaasu galaan dalka Russia iyo kuwa muslinka ah oo ay xulafada yihiin, ayna ugu wayn tahay Kazakhistan, oo dhammaantood batrool leh. Dawladda maraykanka iyo xulafadeeda NATO waxay doonayaa inay argagixisadaasu markay Suuria kazoo jeestaan ay dawladda Ruushka koofur ka galaan, oo ay markaas dalwadda Russia argagixisadaas ku burburiyaan oo ay qabsadaan, kaddibna ay macaadinteeda la wareegaan, siduu madaxwaynaha Russia marar badan ku hadlay, marka ugu damabysana ay manta ahayd (https://arabic.rt.com/news/797487-%D8%A8%D9%88%D8%AA%D9%8A%D9%86- %D8%B3%D9%88%D8%B1%D9%8A%D8%A7- %D8%A7%D9%84%D8%B9%D9%85%D9%84%D9%8A%D8%A9/ ), iyo https://arabic.rt.com/features/797513-%D8%A8%D9%88%D8%AA%D9%8A%D9%86- %D8%A7%D9%84%D8%A5%D8%B1%D9%87%D8%A7%D8%A8- %D9%8A%D8%B3%D8%B9%D9%89- %D9%84%D9%84%D8%AA%D9%88%D8%B3%D8%B9-%D8%A8%D8%B9%D8%AF- %D8%AA%D8%A3%D8%B3%D9%8A%D8%B3%D9%87- %D9%82%D8%A7%D8%B9%D8%AF%D8%A9- %D8%A8%D8%B3%D9%88%D8%B1%D9%8A%D8%A7/ talaado labaatanka bisha Oktoobar 2015. 2 Waxaa dhowr iyo labaatan sano ka hor Soomaaliya kusoo duulay ciidammada NATO iyo EU iyo amxaaro ay soo ijaarteen oo calooshood u shaqaystayaal ah, oo ciidda daahirka ah ee muslimiinta kusoo xad gudbay, soomaali badanna xasuuqay. Markaasaan waxaan is tusay inaan inta moogan ku baraarujiyo sababaha taariikhiga ah oo duullaankaas dhaliyay, ahna asbaab diini ah, kuwa dhaqaale iyo kuwa siyaasadeedba. Qoraalkaan waxaan kasoo qaatay kitaabkayga “Amxaaro” oo aan 2006 dhigay. Soomaaliya oo Ethiopia dagaal hubaysan uga adkaatay 1977-78 Amxaaro weligeed arliga jamhuuriyadda Soomaaliya hore uma soo gelin, hadana awooddeeda kuma soo gelin, in kastoo ay laba jeer tuulooyin xadka ku yaalla soo galeen, oo marka hore waxay soo galeen Kala Bayrka oo Waqooyin Galbeed ku taalla bilowga 1960, waxaanna u malaynayaa inay ahayd 1964. Kaddibna waxay soo galeen Balanballe iyo Galdogob ee gobolka Galguduud, dagaalka 1977-78 dabadiis, ayagoo ay daadihinayaan dawladaha krishtaanka ah oo ay ugu horreeyaan USA iyo Russia. Dagalkii kun sagaal boqol toddoba iyo toddobaatanka soomalida iyo amxaarada dhex maray, amxaarada si xun ayaa loo jebiyay oo laga adkaaday, arliga soomaali galbeedna laga wada qabsaday oo laga xoreeyey, ayagoo xaqdarro ku haystay oo uu ingiriisku gacanta u geliyay. Wiilasha soomaaliyeedna waxayba gaareen Addis Ababa dusheeda, oo hadday doonaan ay qabsan kareen, inay galaanna Jaamacadda Carabta iyo dawlado kale ayaa ka celiyay iyo ayadoo ayan soomaalidu danba ka lahayn geliddeeda maadaama ayan arli soomaaliyeed oo laga xoreynayo ahayn. Amxaaradu waa fulayo, oo inta goobta dagaalka lagu dilay mooyee inta kale way carareen oo ay wiilasha soomaaliyeed dhabarka u jeediyeen. Jaamacadda Carabta iyo Ururka Midayntya Afrika: Addis Ababa ha qabsannina Waxaan ka mid ahaa ragga ka qayb galay qado uu Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliya Sarreeye Gaas Xuseen Kulmiye Afrax, Allahaهللا u naxariistee, oo ahaa nin wadani ah oo caqli badan oo macaan, beerta dawladda ee ku tiillay Afgooye qado ku siiyay ergay ay soo dirtay Jaamacadda Carabta. Ergaygaasu, oo uu soo diray Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, arrimuhuu munaasabadaas kusoo qaaday, uuna noo sheegay inuu kala hadlay Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, waxaa ka mid ahaa inay Jaamacadda Carabtu dawladda soomaaliyeed ka codsanayso inayan ciidammadeedu magaalada Addis Ababa gelin oo qabsan. 3 Madaxweyne ku xigeen Mudane Xuseen Kulmiye Afraxna wuxuu ergaygaas u sheegay inayan taasu qorshaha dawladda soomaaliyeedba ku jirin, maadaama ayan Addis Ababa arliga soomaaliyeed oo ay amxaaradu gumaysato ka mid ahayn. Ergaygaasu wuxuu watay khariidho Geeska Afrika, markaasuu miiska ku kor fidiyay, uuna yiri: “Ilaa inteebaad doonaysaan inaad qabsataan oo ciidammadiinnu gaaraan?” Madaxweyne ku xigeenku fartuu u saaray intuu yahay arliga soomaalidu deggan tahay. Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre Dagaalkaas waxaa hoggaaminayay Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre, Allahaهللا u naxariistee, oo taariikhda soomaaliyeed baal dahab ah ka gelaya, siduu Axmad Guray uga galay oo kale, isagoo ahaa nin muslin ah oo waddani ah, amxaaradana jihaad ku qaaday oo ka adkaaday oo sanka ciidda u geliyay, siduu Axmad Gurey shan boqol oo sano ka hor yeelay oo kale. Amxaaradana waxaa markaanna usoo hiilliyay, siday waaga Axmad Gurayba ugu hiilliyeen, dawlado krishtaan ah oo Yurub iyo Maraykanka ah. Kacaanka 21ka Oktoobar 1969 Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre iyo saraakiil ciidammada qalabka sida ka tirsan ayaa waxay xukunka qaranka la wareegeen kow iyo labaatanka bisha Oktoobar kun sagaal boqol sagaal iyo lixdanka miilaadiga, kaddib markii madaxweyne Cabdu Al Rrashiid Cali Sharmaarke, Allahaهللا u naxariiste, askari isaga ilaaladiisa ka mid ahi uu xabbad ku dhuftay oo uu dilay. Waxaan in yar ka taabanayaa qaar ka mid ah guulaha uu Kacanka Oktoobar 1969 soomaalida u curiyay. Dhigidda farta afka Soomaaliga Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre wuxuu dhigay markii ugu horreysey afka soomaaliga, taasoo u suurtagelisay soomaalidoo idil inay waxay doonaan dhigaan. Hal sano ayaa dugsiyada dalkoo idil la wada xiray oo ay markaas ardada iyo macallimiinta iyo ciidammada qalabka sida iyo hay’adaha dawladda oo idili u jeesteen oo qaadeen ololaha wax barashada ee Qaranka oo idil. Bar walba iyo geed walba wuxuu noqday dugsi wax lagu barto. Reer miyi iyo reer magaalaba waxay barteen sida afkooda loo dhigo. Fikradda ay dawladaha krishtaanka galbeed yiraahdaan inay dadka dalalka qaarkood yihiin ummiyyiin aan wax dhigin waxna akhrin waa been aan sal lahayn, waxayna ku fadhidaa inayan dalalka qaarkood aqoon sida ingiriiska ama fransiiska iyo laatiinka loo dhigo. Laakiin waxay yaqaannaan sida Quraanka loo dhigo oo ay dhigaan oo akhriyaan farta Carabiga. Marka dadka soomaaliyeed sidoodaba waxna waa dhigaan waxna waa akhriyaan ayadoo cunug 4 kasta oo soomaali ah markuu afar ama shan gaaro dugsi Quraan la geeyo oo uu barto sida Quraanka loo dhigo oo loo akhriyo, laakiin ay dhici karto inuusan markaas afafka roomaanka dhigi aqoon. Waana sidaas dalalka islaamka oo idili. Labaatanka sano oo Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre xukunka soomaalida hayay, aniguna aan labaatankaas sanaba goob joog ka ahaa, awoodda Ilaahay Tacaalaa\جعانى هللا iyo nicmadiisa.

la soco qaybta labaad

Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

SHEEKOOYIN