KADINBAX Q10 W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

JOON OO DUGSI QUR’AAN LA GEEYAY

Dhallinyaradii waxay go’aansadeen inay Joon geeyaan goobaha laga barto Diinta sida duqsi Qur’aan iyo masaajid laga dhagays-to axaaddiista iyo fasiraadda Qur’aanka. Wixii uu waayahaas ku cusub iyo barashada Diinta la daalaadhocoba Joon waxa uu noqday, qaari dusha ka qabtey Qur’aanka iyo Sunnada.

Haddii Eebbe waddada toosan kula doono waad liibaaneysaa e, Joon waxa uu kasoo dhex baxay dhallintii la filka ahayd, wuxuu na noqday, ruux lagu xushmeeyo Diinta. Af-Soomaaliga hore ayuu u bartay oo dhib kuma qabo ku hadalkiisa, hadda se waxa u wehliya Carabiga oo uu si fiican u bartey. Afkiisi hooyo ee u gaarka ahaana waa yaqaan “Talyaani” halka uu Iskoolkana ka bartay “Af-INGIRIISKA”

Joon waxa uu noqday ruux afaf badan xambaartay oo dhankow doono wax ka curin kara. Isla jeerkaasna masaajid xaafaddooda ku yaal ayuu ka noqdey “khaddiib” Imaam ka dushiya, khudbada Jimcaadna ka aqriya.

Goortii uu hubsadey inuu fatwoon karo, bulshada uu la noolyahana DIINTA gaarsiin karo, ayuu u tegay Hooyadii “Stella Alessandro” iyo Aabbihii “Roberto Alberta” Dacwadu waxay qiime iyo qaayo ku yeelataa inaad ka billaawdo gurigaaga e, Joon waxa uu waalidkiis u soo jeediyay inay Islaamaan waddada qardda jeexa ah oo ay kusii socdaanna ka soo weecdaan.
Waxa uu yiri: “Diinta saxda ah ee Eebbe loogu dhawaado waa tan Islaamka, wixii kasoo harana waa iska quraafaad iyo fal shayddaan nuuriyey ee isaga hara oo waddada saxan soo raaca, aanna Towxiidka aan idiin qabto si aad adduun iyo Aakhiro ba u badbaaddaan?”

Hooyadii Stella Alessandro iyo Aabbihii Roberto Alberta waa ay ka diideen waanadaas, si kastaoo uu wax ugu sheegana waa ay ku dhega adeygeen. Aayad walba ee uu dushooda ku aqriyo, xaddiis kasta ee uu u fasiro macnahiisa waxay kala horyimaadeen diidmo qayaxan oo aan leex-leexad lahayn.

Aabbihii Roberto Alberta ayaa si jees-jees ah ugu halceliyay; maandhe, haddii aad waddadii waalidkaa ka weecatay, annaga na baadiyey maysid ee aan sideenna ku kala joogno. Annagu ku colaadin mayno ee adigu ha na colaadin. Joon waxa uu waalidkiis ku yiri; Adduunku waa maalmo dhammanaya ama inta aysan dhammaan is beddelaya, waa “harka labadiisa gellin e” waxaan ku reja weynahay inaad maalin uun xaqa rumeysan doontaan, haddii ay xagga Eebbe idiin kaga qoran tahay.

Aniguna ma ihi mid idin colaadi doona, mana awoodo oo waalidkey ayaad tihiin haddii aad Islaamtaan iyo haddii kale ba. Waxa uu u daba dhigay Hooyo iyo Aabbe Diinta aan hays-to ma oggola in waalidka la dhibaateeyo, qof kasta oo nabad kugu la noolna waxay siinaysaa xuquuq dhowritaan, lana mid ah midda ay siineyso kan Muslimka ah ee dhankeyga ha ka filannina wax dhibaato iyo tacaddi idinku hoggaamiya Eebbe idankiis.

Joon aabbihii Roberto Alberta iyo Hooyadii Stella Alessandro, talaa ku caddaatey, mar haddii ay rummeys-teen in wiilkoodu si kama dambeys ah u muslimay. Ammin dheer waxay naawilayeen in wiilkoodu maalin uun usoo noqon doono. Taasina dhici weyday oo iyaga beddelkii rejadaas galay lana sugayaa inay maalin soo Muslimi doonaan. Wixii ay taladii ged-geddiyaan ba waxa usoo baxday inay isaga guuraan waddanka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo deegaan u ahayd.

Roberto Alberta ayaa soo jeediyay inay u guuraan dhulkoodii hooyo iyo magaaladii Millaano ee ay ku dhasheen, Joon hooyadiina waa ku raacdey taladii uu ninkeedu soo jeediyay. Dhanka kale daltabyo ayaa heysay oo waddankooda oo aysan arkin ammin dheer ayaa xiiso daran ku haayay e, hadalkaan waa u wada riyaaqeen, xaaskiinina dhankeeda ayay ka oggolaatay in loo guuro Talyaaniga.

Roberto oo taladiisa adkeynaya ayaa yiri; haddii aan tagno dhulkeenni, waqti badan oo aynnan hadda haysan ayaan heli doonnaa, wiilkeennuna waxa laga yaabaa inuu tabtiisi hore kusoo laabto, haddii uu waayo Muslimiin badan oo uu weheshado. Xaaskiisi ayuu faray inay ku sasabto wiilkeeda Joon inuu u raaco safarka ay ku aadayaan waddankooda. Wuxuu u daba dhigay waa inuu soo bartaa dhulka uu asalkiisu kasoo jeedo iyo halka ay dunida uga beeranyihiin qabiilka uu kasoo tarriifmey.

Arrintaas waa u riyaaqdey Joon hooyadii waxayna u qalab qaadatay sidii joon ku raaci lahaa safarkooda iyadoo hilaadisay in joon is beddeli doono haddii uu tago dhul Kirishtaanku ku badan yahay.

Waxa kalooy qiratay inaan Diinta islaamka qofka qaata ee haddana bartay aan sahal lagu beddeli karin. Weligeedba guul waxa la yiraahdaa; “marka uu cadawgaagu kuu qiro inaad ka guuleysatay” Joon hooyadiina waa taas quus hadashay.

Waxay u seex-seexato, waxay kolba ku beerlaxaawsato, ma waanan ku dhalin! ma waanan hooyadaa ahayn! ma waanan kugu leheyn xuquuq iyo dhowritaan! Haddii aad igu tixgelinayso intaas, waa inaad noo raacdaa Talyaaniga!! Joon laftiisu ma diiddana inuu soo barto dhulkiisa balse, ma jirto meel uu ku doorsanayo magaalada Muqdisho uu noloshiisa inteeda badan ku qaatay e, soo jeedintii hooyadii waa uu aqbalay, asigoo ku hamminaya inuu Talyaaniga soo arko, ka dibna soona laabto.

La soco qaybaha xiga Idam Alle

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Guriga xariirka:

Cuute23@hotmail.com

Shiribmaal@gmail.com

SHEEKOOYIN