KADINBAX Q7AAD. W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Ma sugin inta xaaddo ka qabowdo e, Joon goobtii lagu ballamay ayuu soo roogsaday, milicda qorraxda oo weli gubaysa. Goorsheegtada ayuu indha ku xaday, mase waa ba xilli hore oo lama gaarin galab carraawgii dhallintu uga soo bixi lahayd guryaha. Intuu indhaha mermeray ayuu jirddiino dhiniciisa ku taal iska fadhiistay.

Wax yar ka dibba Axmed Cabdi oo xiimaaya ayaa ugu yimid rabtii uu fadhiyay. Si kedis ah na ku yiri; “Joon waad soo degdegtay e, ma ba is laheyn qof ayaa goobti kaaga horraysa?” intuu isku naxay ayuu yiri haah! Maxaa yeelay, waad i xumayseen anigoo idin aaminay, isku diinna aan nahay.

Axmed Cabdi waa wiil degganaanta u dhashay e, wuxuu si debacsan u yiri: “Saaxib Joonow arrinku sidaa maahan ee is deji oo aan wada sugno dhallintii kale ee aan wada ballannay iyo Shidane oo gar qaybiye noo ah. Haddii uu gardarrada na saaro waan qaadanaynaa. Haddii uu na saari waaya na wixii jira ayuu kuu sheegi doonaa, adigu se marna ma gaysan gef iyo maag ee annagaa dhibka keennay.

Joon intuu dhoolacaddeeyay ayuu si kaftan ah u yiri: “Haddii aanan dhib keenin anigu, sow idinka maahan cidda gardarrada qaadanaysa, maxaad isu moogaysiineysaa, mase dan kama lihid inaan isku Diin ahaanno?” Axmed Cabdi oo hadal kasoo bixi la’yahay, shaxdi iyo sasabiddii uu wedana diidmo iyo su’aalo is wata laga la horyimid, kana shallaynaya waxa kaligiis soo hor mariyay, ayaa waxa yimid: Cumar, Caddaan, Jaamac iyo Shidane oo la socda.

Salaan iyo kaftan tuuryays ah ayaa lays dhaafsaday, “Nin meeli ka caddahay meeli ka modow e” Joon oo sugi la’ inta kaftanka laga dhameynayo ayaa la soo booday; Saaxib Shidane gartayda meel ha la saaro, haddii la doonayo inaan wada jirno. Waa lays wada eegay, balse, Shidane oo arrintu u rahmaneyd ayaa yiri; “bal inna fadhiisiya” jirdiinadi ama gidaarkii uu Joon fadhiyay ayaa nin walba dhinac uga fadhiistay.

Shidane oo garan la’ halkii uu Joon warka uga billaabi lahaa ayaa si yoolbaar ah u yiri; “Horta Joonow dhaqanka Soomaalida iyo dabeecadohooda wax ma ka baratay? Diinta se ma aqrisay oo si fiican ma laguu gu fasiray, waxa ay oggoshay iyo waxa ay diiddan tahay?”

Joon intuu dhooljikaacay ayuu ku tiraabay: maxaad ku keentay, arrintii aan halkaan u joognay se kuma jirin is waysi cusub e sidee wax u waddaa Sinyoore/Mudane? Shidane intuu xishooday oo isku yax-yaxay ayuu si tartiib ah u yiri; inaan taas ogaado muhiimbey ii tahay ee adigu iiga jawaab, si aan warki noo yiil hore u dhabaqaadno. Joon oo weli garan la’ waxa uu su’aashaas uga jeedo Shidane ayaa ku tiraabay; “Diinta iyo Dhaqanka Soomaalida ba intii ay iga bareen saaxibbadey ayuun baan ka aqaan ee maad iyaga wayddiisid su’aashaas?”

Shidane oo aan ku qancin jawaabtaas ayaa ku jeestay Joon saaxibkiisa gaarka ah, waa Axmed Cabdi e, kuna yiri: Axmadow saaxibkaa Joon Diinta iyo Dhaqankeenna intee buu ka fahamsan yahay? Axmed Cabdi oo xaaladda iyo doodda meesha ka socota si qumman u dhuuxaya, fahamsanna waxa lays-ku haayo ayaa ku tiraabay: qayb waan barnay qayb na waa u dhimman tahay e, adigu ba hadda u bidhaami wixii aad fari lahayd ama u faa’iideyn lahayd.

Shidane intuu dhankii Joon u jeestay ayuu si debacsan u yiri: Joon si fiican ii dhagayso. Adiga iyo wiilashaan saaxibbadaada ah, beriga colaad baa idin dhex-martay, aniga na gartiinna ayaad ii dhigateen, balse, markaan si hoose u warays-tay waxay ii sheegin hadal gar ah oo aan la dhaafi karin. Hore laguu ma barin oo taas iyagaan qaladka ku saarayaa, adiga na hadda ayaan kuu tilmaamaya.

“Maasaajidda iyo goobaha Islaamka ee Eebbe lagu caabudo waxa ka reebban inay galaan Ragga aan la bilisayn ee buurya qabka ah. Adigu na sidaan ognahay wali lagu ma gudin, inkastoo aad Towxiid leedahay, waxaanna kaa codsanaynaa annagoo wada jirna inaad arrinkaa fasho, Baajada na iska jarto. Markaas ayay noo dhaboobaysaa inaad ka run sheegayso Diinta aad qaadatay. Wixii gef ahaa ee kaligaa lagaa ga tegay derbiga cidlada ah na intaas bey ahaayeen ee ka raalli noqo adigoo sidaas ku garaabaya.

Joon intuu fajacay! Oo cirka fiiriyay oo dhulka damooday ayuu ku tiraabay: “Raalli waan ahay, balse, bil waliba waxa ii ballaqmaya irid cusub oo dhibkeeda leh, waxanna isku dayi doonaa bal inaan is gudo. Halkaas ayaa lagu faatixays-tay, iyadoo Joon oo murugo iyo ciil hor leh la cukan yahay, aad na ula yaabban! Dhaqamada lagu dirqinayo.

La soco qaybaha xiga

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN