KADINBAX Q8AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Joon asigoo ihdaas qaba, niyadda na ka dilan ayuu xaafaddiisi aaday. Inta uusan guriga aabbihii toos u abbaarin, ayuu ku fikiray inuu sii maro Sacdiyo qalanjo. Albaabkii heer Fardax Guure ee Sacdiyo joogtay ayuu kub kub siiyay!! Wax yar ka dibba waxa iridda soo istaagay Nimco yareey oo leh; “yaa waaye, qofka iridda sidaan u garaacaya?” is la markiiba Joon oo naxsan ayaa cod hoose ku yiri; waa aniga ee Sacdiyo ma joogtaa? Nimco yareey inteey sinaha qabsatay ayay tiri; kummaad ahayd adigu? Intuu yara xishooday ayuu ku jawaabay waa: Axmed Joon ee Sacdiyo ii wac bilfagoora/fadlan, haddii ay xaafadda joogto. Nimco yareey KADIN-KA laga baxo, ganjeelka guriga duleel yar oo ka baqsanaa intay isha saartay, ayay aragtay wiil cad oo bannaanka taagan. Guriga ayay dib ugu laabatay, Sacdiyo Qalanjo oo buug ku aqrinaysa, baran-dada guriga intay ag roogsatay ayay tiri: “Igaar cad ayaa bannaanka kuu taagan ee sideen yeelaa, ma ka furaa iridda mase iska bax ayaan dhahaa?”

Sacdiyo Qalanjo inteey dug tiri; soona xasuusatay inay Joon la ballansaneyd maqribka ka dib ayay kadinkii si tartiib ah uga furtay. Joon oo berkaagsan/naxsan ayaa ku tiraabay: See tahay abbaayo Sacdiyo? S. Qalanjo na si deggan ayay salaantii uga qaadday, kuna tiri; “hore u soo dhaaf abboowe, ha is martiyeyn, minanku minankaagi waaye e.” Joon asigoo qoslaya, ayuu Kadinkii hore usoo dhaafay. Sacdiyo Qalanjo barandadii ay fadhiday ayay kursi u dhigtay Joon. Nimco yareey na waxay ku amartay inay shaah u keento Joon, biya na usoo qasto.

Sacdiyo buuggii ay aqrinaysay inteey isku laabtay ayay rabtii Joon fadhiyay kursi soo ag dhigatay, si ay ugu sheekeyso, una xog waraysato waxa uu kala soo kulmay wiilashii saaxibbadiisa ahaa ee ay xurgufto kala dhex-martay. Sacdiyo Qalanjo oo yoolbaareysa ayaa tiri; “Joon aad-baad u faraxsan tahay caawa ee waxan filayaa in lagaa gar baxay? Joon oo dhoollacaddeynaya ayaa ku hal celiayay: “may haa na” S. Qalanjo qosol dhab ah inteey ilkaha la caddeysay ayay ku tiraabtay; “maxaad ka waddaa, MAY HAA NA. Ma lagaa gar baxay ayaan ku dhahay ee haah! I dheh ama maya.” Joon oo muggaan hadalka u bidhaaminaya Sacdiyo ayaa yiri: “may haa na, waxaan ka wadaa, mar waa layga gar baxay, waxaa na lay sheegay wax iga daahnaa iyo arrin loo qaateen ah, haddii dhanka Diinta iyo dhaqankiinna laga eego. Mar na waa maya! Maxaa yeelay, waxa ii kordhay welwel iyo walaahow cusub. Waxa ii furmay albaab kale oo ka gudbiddiisu dhib badan tahay. Sidaa darteed waxaan raadinayaa adiga na kaa doonayaa inaad iga kaalmeyso, hakbii aan uga tallaabi lahaa buurtaas dhererka iyo dhibka badan.”

Sacdiyo oo gareysatay arrinta biya dhaceeda, hore na u oddoroseysay, waxa ay wiilashu Joon ku dhihi doonaan, balse, iska dhigaysa qof mooge ah ayaa tiri: Joonow wixii aan awoodo iga waayi maysid, garabkaaga ayaanna ahay ee maxaad la soo kulantay, warka ii dil-dillaaci?” Joon waa uu xishooday, asigoo dareemaya inaan waxyaabaha qaar Dumarka looga sheekeyn karin, halkaas na waxa ku banjaray hammigii uu ka lahaa Sacdiyo. Waxa uu garan waayay wadda uu u maro fasiraadda iyo dulucda hadalkiisa. Balse, waxa uu ku gaabsaday; “Sacdiyo waxa ila soo gudboonaaday ma ahan walax aan kuu sheegi karo sababa badan darteed, waan se jeclaan lahaa inaad ogaato, hadda na waa dhaqan ku ceeb ah ninka ragga ah inuu Dumarka uga warramo arrimahaas.

Sacdiyo waa ay ogayd halka ay iska gefeen Joon iyo saaxibbadiis. Dhanka kale waa gabar aan xaqa iyo runta ka gamban, ogna in jawaabta iyo ogaanshuhuba ku jiraan, su’aasha iyo wayddiinta gadaasheeda. Sidaa darteed dareen daaran oo xishood leh uma arag, waxa Joon sarbeebayo ee si toos ah ayay u tiri: “Saaxibkey Joonow wiilashu ma waxay ku yiraahdeen: Baajada iska jar, is gud?” Joon intuu wajiga kaduuday xishood dartiis ayuu si hoose u yiri; malaha hore ayaad u ogayd ee bilaash cad-baan kaaga gambanayay.

Sacdiyo oo jaanduugeysa, waxa Joon ka malays-tay ayaa ku tiraabtey; “Abboowe sidaa maahan, hore na wax uma ogeyn, laakin waxan ogahay inaan sabab kale kaa reebi karin inaad gasho Masaajid, adigoo qiranaya “ Kelimatu-towxiid, leh na Laa’ilaaha Illallaahu, Muxammed Rasuulu-Allaah” (SCW). Marka way iska caddahay taas ee maxaa xiga oo aad fali doontaa, go’aan nuucee ah ayaad se ka qaadan doontaa inaad Islaam toos ah noqoto? Joon waxa uu sheegayo waa ka dhab, waa na nin go’aankiisu cadyahay, ka na run sheegaya Diinta uu aaminay e, waxa uu ku afjigay, waa is gudi doonaa, hab walba oo ii sahlayana waan qaadi doonaa si aan u helo saaxibbo dhab ah. Sacdiyo waxa ay hadalkeedi kusoo xirtay, Abboowe way adag tahay sida saaxibbo lagu kasbado, balse, waxa sahlan sida lagu gooyo ee waxan kugu waaninayaa inaad saaxibbadaada ilaashato. Waxay na kula kaftantay inay guursan doonto haddii uu islaam dhab ah noqdo, sidii nimanka Soomaaliyeed na u dhaqmo.

SHEEKOOYIN