KADINBAX Q9AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

KADINBAX Q9AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Joon xaafaddiisi ayuu u laabtay, asigoo niyad jabsan. Ma sahlana inaad jirkaaga qayb ka mid ah Sakiin ku jar-jarto, ama lagu gooyo. Balse, haddii Eebbehey hanuunkiisa kula doono wax walba waa kuu fudud-yihiin.

Joon wuxuu gurigii ugu tagay hooyadii iyo aabbihii oo wada jooga, wuxuu u sheegay dhacdadii qabsatay iyo sidii kaligii meel cidlo ah looga dhaqaajiyey. Aabbihii oo ahaa nin aan jixin-jixin ayaa ku qoslay una daba dhigay; in sidaa laguu galo waan rabay, waano iyo wax sheegba waan kaala daalay, dadkaan mad-madow ee cawaanta ah, ka harna waan kaa waayay, balse, haddii ay ku takooreen adigoo Yurubiyaan ah aadbaan uga xumahay ee hadda ma u laabanee oo ma jeceshay? Mase Diinta ay kugu dirqinayaan waa iska dhaafeysaa oo tan aan haysanno aniga iyo hooyadaa ayaad soo raaceysaa?”

Joon intuu madaxa xogtay oo cabbaar aamusay ayuu yiri: maya! Aabbe, wuxuu na u daba dhigay Diintu dhibka ma waddo ee qaabka loogu dhaqmayo ayaanan weli baran. Aabbihii waa uu carooday, balse, hooyadii oo dareentay in wiilkeedu go’aan qaatay ayaa usoo dhawaatay, madaxana u salaaxday, una ballan qaadday in loo sammeynayo wixii uu doono, siduu raba na loo yeeli doono. Waa baar wax dhalay iyo naxariista Hooyo e, lama jecla dhallaankaagi oo ku leh waxaan qaatay Diintaad aaminsan tahay mid liddi ku ah.

Joon hooyadii iyo Aabbihiis ba ma dhalin carruur kale, waa na taas sababta Joon u sahleysa in loo suubbiyo wax kasta ee uu doono. Isla markiina wuxuu yiri: hooyo waxaan rabaa in lay gudo lay biliseeyo. Hooyadii oo ahayd qof garaad badan ayaa tiri: wiilkeygiyow waa lagu gudayaa, weliba anigaa jecel in lagu gudo, maxaa yeelay Wiilasha caafimaadkoodu waxa uu ku jiraa in la gudo.

Hooyadii hal isbuuc ka dib ayay u ballamisay dhaqtar biliseeya, waxay ka baqday inuu isagu is gudo, haddii ay ka dhega adeyg-to, halkaas na waxay is tiri; “intii wiilkaagu dhiig bax u dhiman lahaa adigu goobjoog ka noqo rabta lagu gudayo. Joon dhaqtarki ayaa loo geeyay, waa na la guday.

Markii uu ka bogsaday dhaawicii gudniinka ka soo gaaray, dareemana inuu u socdaali karo goobti uu doono, ayuu go’aansaday inuu dhallinyaradii ay saaxibbada ahaayeen baadi-goobo. Ammin dheer iskama lumin e, waxa uu toos u abbaaray meelihii ay kubbadda ku ciyaari jireen waqtiyada fasaxa ah iyo galbihi. Isla markiina waxa uu soo agroogsaday dhallinyaradii oo kubbad ciyaaraya. Muddo bil ah lays-ma arkin e, isla jeerkii ay sii arkaayeen ayay salaan kula duufeen. Joon waa reys-tay oo dhaawac ka dhinmaya kuma yeele, dhankiisa ayuu kubbaddii ka galay. Markii ay ammin dheer ciyaareen lana daalay, ayay waraysi ugu dhaqaaqeen, maadaama ay maalmahaan kala maqnaayeen oo aan lays arag.

Joon wixii dhacay ayuu u sheegay, waxa uu yiri: “saaxibbayaal ballantiinni waan fuliyey, shaqadi aad i farteenna waan qabtay oo waa lay soo guday, markaanna waxaan rejaynayaa inaan maray imtixaankii ugu dambeeyay ee aan idiin kaga mid noqon lahaa?”

Shidane oo carruurta ugu garaad badnaa, da’ ahaanna ugu weynaa ayaa yiri: “haah! Waad naga mid tahay, markii hore na waad naga mid ahayd balse, waxa jiray wax yar oo turxaan bixin u baahan, iyagiina waan kuu soo bandhignay, adna waad yeeshay ee taas waxaan ku leennahay GARAASIYO annaga oo isku duuban. Wuxuu u daba dhigay ma jiraan wax kuu dhimaan oo Islaam dhab ah ayaad tahay, habka loo cibaadeys-to iyo Diinta na annagaa ku baraynaa. Hadda na waad na raaceysaa waxan aadaynaa Masaajidka, salaadda maqrib ayaad na nala dukanaysaa ee sidii aan sameyno sameey, inta dhimanna annagaa ku bari doonna.

Joon asigoo faraxsan oo dareemaya inuu si dhab ah uga tirsan yahay dhallinyarada ayuu raacay, masaajidkina dhankiisa ayuu ka galay. Salaaddi maqrib ayay soo dukadeen iyagoo wada faraxsan, dhanna isu la jeeda. Joon si gaar ah ayuu u dareemayaa soo dhaweyn iyo qiimeyn, mar haddii ay wax walba u dhacayaan sidii uu rabay.

la soco qaybaha xiga haddii Eebbe idmo.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN