Kalgacaylkii Kureynimada Q2AAD W/Q:Cabdisalaam Saciid Xaaji

Kalgacaylkii Kureynimada Q2AAD 

 

Markaan arkay in xaalkaygu culus yahay ee aan la wadaagey Jaalkayga ayaan isku afgaraney inaan dhambaal u diro isaga ayaanan ugu dhiibey, kaddibna wuu u geeyey wuxuuna  u dhiibey iyada oo taagan kaabbada gurigeeda, oo iyaduna way ka gudoontay. Aniga xaalkeygu waa gacan uur ku jirta, waxaan u dhaxeeya HAA iyo MAYA, werwer iyo walaahoowna waa qabaa, Filasho iyo farxadna waa sugayaa.

Waa bil ramadaan waana gebogebo, qof weliba wuxuu qorsheynayaa oo qaabeynayaa  halkii iyo habkuu u iidi lahaa, cidda uu la iidi lahaa iyo farxadaa meesha uu ku qaadan lahaa, balse aniga waxay maskaxdaydu ku xidhnayd taleefanka guriga yaalay, oo warqadii gabadha aan u qoray waxaan ugu qorey  Lambarka taleefanka gurigeena, isha ayaan ku hayay waxaana iga dhaadhacsaned inay mar un isoo waci doonto,Xaafada waxaa igula nool gabdho iyo wiilalba, waxaana ka ilaalin jiray taleefanka, maammada ayaan ag dhigay, anoo ku dhahayo in dibadda la iga soo wacaa laga yaabaa, hadalkaas oo aad maammadu ugu riyaaqday, aniguse dan kalaan ka leeyahay oo mashquulka baan u diidaya taleefanka, si aaysan gabadhu ii waayin. Ramadaankii wuu dhammaaday,dadkiina way ciideen iyadoon wax taleefan ah iisoo dhicin! Ciil-badanaa. 

Hadda waxaa la joogaa xiligii iskoolka lagu laaban lahaa,maalmahii fasaxana way dhammaadeen, buugaagtayda baan horay u qaatay anoo caga jiidaya, waxaana aad ii gubaysa sidaan u eegi lahaa qofka saas ii galay. Aniga waxaa iga dhaadhacsan inay kas ii soo waci wayday, balse laga yaabee inay daruufo kale jireen, gadaalse baad ka ogaan doontaa. Sidii caaddada ahayd casharadeeni baan iska qaadanay korna layska arag, daymo xishood lehna lays eeg, qof walba waxa qalbigiisa ku jirana alla unbaa og, anigase waa ii xuuraan hoose waxaan nafteyda kula faqayaa  tolow maxaa sameysa? Ma waydiisaa in warqadi soo gaartay, iyo in kale? kase baqay, galabkaas iyo galbo badan oo xigayba saas baan ku kala maqneyn. 

Waxuu waqtigu is guro, hammiga caashaquna dhinac walba iga soo weeraro, hal maalin baan dareemay fursad ii ogolaan karta inaan gabadha mar un waydiiyo jawabta warqadii, fursaduna waxay ahayd. Waxaa jabtay gabadh ardayda ka mid ah, xeerkeenuna waxuu ahaa, in qofkii xanuunsada ama wax kale gaaraan loo tago, hadyadna loo geeyo. Waan tashanay arday ahaan lacago baana isku qornay, hadyadii baan gadnay, gabadhiina soo booqanay, hadyadina gaynay, soo laabashadii baan is iri fursadu tan kama danbeyso, ee dhinaceeda u bado waxna usheeg, balse waxaa igu jirta cabsi ah,  wali waxaa igu jira cabsi iyo kalsooni daro aan ka baqayo inaan jab la kulmo, nasiib darase intaan laba labaynayay baa xaafadeedii la gaaray wayna naga hartay: caku!

Isku daygaa dhicisoobey galabtaas wax niyad jab wayn ah kama qaadin, waxaan awoodda saaray inaan helo xal ah saan gabadhaas mar un isku maqli lahayn, amaba isku arki lahayn, waxaa qalbigayga ku waynayd in gabadhaas aan hanan doono, waxaanse talada ku darsaday in dhib badani ka sokeeyo. 

Fakar badan kaddib oo bil ku dhawaad baa ka soo wareegtay kulankii,  waxaan gaatamoba waxaan helay fekrad cusub oo ah inaan raadsho meel aan kala xiriiri karo waxaa igu soo dhacday ardaydii fasalka kale nooga soo biirtay oo ay iyaduna ka mid ahayd iney dhici karto iney jiraan qaar ay wada xiriiraan, sidaa awgeed waxaan si dahsoon u baarey sidaan ku heli lahaa Lamberkeeda  maadaama aysan suurtagelin inaan foolka fool u wada hadalno, waxaa sidaa u lahaa waa halka iyo qaabka ugu fudud ee aan kula xiriiri karey,  inaan ardayda kale weydiiyaana  waxay ii ahayd lagama  maarmaan.

Maalin ayaan waxaa si dadban u weydiiyey wiil oo aan iri, niyaw gabartaas waad is taqaanan baan filayaa wuxuu igu yiri haa,  waxaan iri war niyaw ninbaa igu wareershay fasal kale dhigta, aniguna isma naqaan oo waan ka xishoodey ee telkeeda aan iskaga qanciyee may heli kartaa.

Wiilkii oo aan dhib u arag baa yir: Haa  waan heli karaa adigana sidaasaaba kuu fudud intaad qof aadan aqoon qof kale bari lahayd, isagu hays baro keligiis,saaxiibkay  waa  I siiyey lambarkii  si weyna waan ugu farxay  sidaas ayaana anigoo haysta halkii aan kala xiriiri lahaa aadna u riyaaqsan ku kala tagnay.

Gurigii ayaan imid anoo isku haysta nin guulaystay, caqabada ugu horreyso waxay iga haysatay nuuca taleefanka gabadha, oo shirkada guriga nuugu jirta midaan ahayn baa iyada ugu jira, haddana dhibka kale waxuu ahaa dariskeena dhan xaafadeenay isku nuuc yahiin, waxaa la ii tilmaamay xaafad naga yara fogayd oo taleefan iyada isku shirkad yahiin ugu jiro. Xaafadii baan tagay, la iina ogolaa inaan dirsan karo, balse kaddib maxaa dhacay!  Iyadoo gacmuhu I dhididayaan wadnuhuna aad ii garaacmayo oo aad moodo in dil laygu xukumey ayaan gacanta la tiigsaday telefoonkii.

 

La soco qaybaha dambe

 

Q/ Cabdisalaam Saciid Xaaji

 

SHEEKOOYIN