Kalgacaylkii Kureynimada Q3AAD W/Q:Cabdisalaam Saciid Xaaji

Kalgacaylkii Kureynimada Q3AAD 

Gurigii ayaan imid anoo isku haysta nin guulaystay, caqabada ugu horreyso waxay iga haysatay nuuca taleefanka gabadha, oo shirkada guriga nuugu jirta midaan ahayn baa iyada ugu jira, haddana dhibka kale waxuu ahaa dariskeena dhan xaafadeenay isku nuuc yahiin, waxaa la ii tilmaamay xaafad naga yara fogayd oo taleefan iyada isku shirkad yahiin ugu jiro. Xaafaddii baan tagay, la iina ogolaa inaan dirsan karo, balse kaddib maxaa dhacay!  Iyadoo gacmuhu I dhididayaan wadnuhuna aad ii garaacmayo oo aad moodo in dil laygu xukumey ayaan gacanta la tiigsaday telefoonkii.

Markii taleefanka la ii fasaxay, baan barandada dhinaceeda u jiitay, anoo gacmaha ka dhididaya baan garaacay numbarkeedii waana layga qabtay, balse walaal m ajoogto ayaa laygu yiri. Cabbaar markaan dul fadhiyay taleefankii mar kale maku celisaana is leeyahay baa qof kale yimid xaafadda una baahday inuu dirsado taleefanka waana siiyay, anigu anoo caga jiidaya baan xaafadii ka soo tagay, habeenkii xigay baan haddana isla xaafadii ku laabtay, telefankiina Mar kale garaacay, nasiib wanaagse iyadaa iga qabatay, salaan iyo is waraysi kaddib waan isku sheegay, wayna I fahantay. Aad xariif uguma ihi haasaawaha, balse waxaa aad iigu waynaa inaan ogaado warqadaydii inay soo gaartay, hadday soo gaartayse waxa looga jawaabi waayay, su’aalahaygiina taas baan ku bilaabay.

Aamusnaan xishood huwan kaddib waxay tiri warqadaas waan helay, waxaan kuugu jawaabana waan garan waayay. Waxaan ku celiyay maxaad taleefan numbarka ku qoran iiga soo waci wayday maalmo badanaa jawaabtaada sugayee? Haddana waxay si dabacsan mar kale iigu jawabtay, sax laakin taleefanka aad soo qortay xaafadeena dhan kuma jiro.  

Halkaas markay marayso, hadalkuna iga dhammaan rabo, baan ku iri anoo neef tuuraya, hadda maxaad kujawaabi lahayd? Codsogaygii ma aqbashay, mase?. 

Markaan iyadoo aad moodo inay sidii hore ka yara dhiirantahay bay igu tiri, haa! Balse su’aale horta cidee tahay?. Waa naxay waxayna ahayd su’aal nuuceedu markaas iigu horraysay oo qof dumar ah ka maqlo, waxaana hoos iska dhahay, armaa xurguf qabiil oo hoose jirtaayoo saas lagugu diidaa,  fakar gaaban kaddibna waan u sheegay cidda aan ahay, waxayna igu tiri, ok: waxaan ku celiyay maxad su’aashaas ii waydiisay, qabiiladu waa isku mide. Haa waa isku mid laakin dad aan hadda la kala guursan baa jira, bay iigu celisay. 

Dhawr daqiiqo oo xasuus igu reebtay kaddib, waxay igu tiri waa inoo mar kale, anigana iyadoo warkuba igu xiranyahay, baan waayahay ugu warceliyay, sidaas baana isku maca salaamaynay, anga oo  aan balan kale dhigan. 

Habeenkaas waxay ii ahayd habeen guuleed, farxad baana inta badan la seexan waayay, waxaana ka fakarayaa waxa tilaabadaan xigi doonta, iyo qaabka aan u wajihi doono xiriirkaan ugubka ah.

 Galabkii iskoolka waan ku arkay, balse waan ka xishooday inaan uga mahad celiyo codsigay iga aqbashay, balana kalana wada gorfayno, anagoo kor iska eegayna baana kala hoyanay galabkaas.

W/Q: Cabdisalaam Saciid Xaaji

SHEEKOOYIN