Kalgacaylkii Kureynimada Q4AAD W/Q:Cabdisalaam Saciid Xaaji

Kalgacaylkii Kureynimada Q4AAD 

Waxuu waqtigu is guraba, waxay kafursan wayday inaan mar labaad taleefan raadsado, bal si aan gabadha u wada gorfayno xaajadeena ugubkaa. Saaxiibkay Daadir timo, oo baryahaan danbe arrinkayga sheeda kala socday baan gurigiisa ugu tagay si aan taleefanka udirsado, soo dhawayn kaddib qolkii wiilasha baan la galay taleefankii, nasiib wanaag waaba iyadii ood moodo inay isugaysay, si cod hoosaa bayna iiga qabatay  iyadoo ii sheegtay in hooyadeed ka ag dhawdahay sidaas owgeedna aysan kor uhadli karin. Waxaan si xiiso badan ku dheehanyahay u wada sheekaysanaba waxaan go’aaminay habeenkaas inaan maalin kasta waqtiga iskoolka saacad ka soo hor marno si aan u kala sheeko bogano.

Waxaad in badan ka warramayaa gacalisadeyda, laga yaabee inaad inantaan jeclahay magaceeda is waydiinayso, isna leedahay maxuu qonooga qarinayaa? magaca mucaashaqadda! Iga hoo haddaba, waa Xanaan Cumar  waa gabadh eebbe u dhammeystiran inta haween lagu doorto, anshax iyo asluub,  aqli  garaad, ilwaad iyo arag suuban, waa gabadh inta haween lagu raaco isu raacday, ha moodin arrinkayga nin weliba midii uu calmado waw cambaro luul, balse waa gabadh sida ubaxa indha usoo jiidaneysa, sida miskigina  u udgoon arwaaxdaada deeqaysa, sida xuuralcayntana u qurxoon.

Go’aanadii habeenkaas waxay u fuleen sidaan u qorsheenay, waxaana asteysaney darbi iskoolka u dhawaa, oo geed hoos qabaw ku hoos yaalley, inkastoo guri islaameed ahayd meeshu haddana wax caqabad ah maanan kala kulmin, maalmo markaan halkaa ku kulmaynay waxaa isheedu na qabatay gabadh nagu fasal ahayd, oo iyaduna badanaa so hormarta nasiib xumase galab walba xiligeenoo kale bay timaadaa inakayna nasoo abbaartaa, ma aysan ogayn inaan sheeko wadaag nahay, anakuna waan ka baqnay inaan usheegno, anagooo calool gubyoonayna baan galbo badan waqtigu naga dhammaaday.

Waxay xaajadu saas ahaataba waxaan haddana qorsheenay inaan taleefankeenii u laabano waxaana isla garanay inaan guriga saaxiibkay Daadir timo aan rukunto halkaana mar kasta kaso waco, jawi iyo maalmo aad u macaan badan bay noo ahayd waxbarashaduna way noo xiiso badnayd, runtii waxaan ku tilmaami karo mahayo heerka uu jacaylkeenu gaarsiisnaa, muddo markaan isku milanay waxaan qorshaynay inaan samayno kulan fool ka fool ah oo casuumaad ah, labadeenuba waan ka caga jiidaynay inaan guryaheena ku samayno balse ugu danbayn Xanaan oo hooyadeed bakaaro meherad ku lahayd baa tiri maalinta jimcaha ah hooya shaqay jirtaa ee noo kaalay qadaduna waa dhankayga, farax wayn bay igu beertay casuumaadaas iyo la kulankeeduba waana sugi la’aa jimcada balanka lagu asteeyay.

Waxaan ka hayay hal sawir oo qura, waxaana daawan jiray xili kasta, waagu markuu baryo oon dib u aqrisanayo diyaarinayo casharadaydii sawirka ayaan buugga dhex gashan jiray, waxna ma aqrin jirin sawirkeeda la’aantiis, xataa hooyaday wan usheegay inaan inantaan jeclahay gurigeena dhana waa laga ogaaday, aad baana la ii soo dhaweeyay la’iina balan qaaday in la ila shaqayn doono.

 
Lasoco qaybta danbe

 
W/Q:Cabdisalaam Saciid Xaaji

SHEEKOOYIN