Kedis Jacayl Q1AAD W/Q Sakariye Cabdi Xaliim

quotescover-JPG-13

 

 

Kedis Jacayl.

Waxay ahayd maalinimo isniin ah,jawiguna wuxuu ahaa jawi degan oo aad u macaan oo waa xili roobaad, cabbaar ka hor ayuu da’ay markaa ayuuna qayoodsadey oo neecaaw  qabow ee yalaxle naftu ku raaxaysanayso dareenkeeda ayaa dhacaysa.

Waxaan joogay isbitaalka Lafaha ee ku yaala bartamaha magaalada, Waxaan isbitaalka ku hayay saaxiibkayga Cumar oo aan Jaamacadda isla dhigano oo aan waliba isku fasalka nahay hal kursina wada fariisano.

Saaxiibkay Cumar ayaa ka jabay lugta midig, ka dib shil ka soo gaadhay isagoo kubbad ciyaaraya, inta badana waa dhacdaa in arrintani timaado marka lagu guda jiro, kulamada ciyaaraha kubbada cagta ah, Kulanka uu cumar ku jabay ayaa ahaa mid ay dhammaan ardayda Jaamacadda iyo kooxahoodu ciyaarayeen, ahna, Koob sanadkiiba mar la qabto oo Fasallada iyo Kuliyadaha lagu tartarnsiiyo.

Anigu waxaan ku qasbanaa inaan saaxiibkay garabkiisa joogo, Cumar waa yaraan(Guri dambays) walaalihiisna kuwa waa kuwo dalka dibadiisa ku maqan, kuwana waa kuwo ka waaweyn dhammaantood oo reero leh, Haddaba si aanu cidla u dareemin ayaan xil iska saaray, si aan u maaweeliyo, ulana qaybsado waqtiga xanuunka leh ee uu jiro.

Maalinkan waxay ahayd maalinkii labaad ee aan isbitaalka la joogo saaxiibkay, Qolka aan saaxiibkayga ku haayay qol kasoo horjeeda ayaa waxaa ku jirtay gabar meel ka soo dhacdey oo dhawaac soo gaaray dhabarka iyo meelo kale,waxaana la joogtay gabar saaxiibteed ah, waxaad aad ii soo jiitay sida naxariista leh ee ay saaxiibteed ugu caawinayso, anigu waxaan u haystey oo ku qiyaasey inay tahay markii horre walaasheed, waayo waxaan arkayey mararka qaarkood, iyadoo cuntada gacanteeda ku siinaysay, musqushana waxay gaynaysay ayadoo garabka ka haysa si naxariis leh, Way u sheekaynaysay oo way Madadaalinaysay way ka qoslisaa marba ayadoo sheeko cusub uga sheekaynaysay.

Intaas anigu jawi farxadeed oo naxariis leh ayay kula joogtay saaxiibteed, gabarta isbitaal inay ku jirto iyo inay Hotel joogtay ma aysan dareemayn maxaa yeelay saaxiibteed ayaa jawi farxadeed oo madadaalo LEh galisay,

Waxaan aniguna ku mashquuley, daawashada iyo u kuurgalka labada gabdhood oo aanan maqleyn waxay isu sheegayaan, balse muraayada iiga muuqda qolka ku beegan, qolka saaxiibkay ku jiro, waxaase iigu xiisa badnaa markay intey dhinaceeda kursi dhigatey ay billowday inay u aqrido gabadhii jiraneydna dhegaysato.

 

Gabartani waa gabar foolkeedu iyada oo aan hadlin ku soo jiidanayo oo jinniyo iso soo jiidasho leh, waa da’deedu sidaan ku qiyaasay u dhaxayso, 17-18, furfuran, waa gabadh dheer, oo heemaal qurxoon, hubqaadna leh, maaha gabadh hilboon mana aha caato weyd ah, ee waa gabadh mugeedu u buuxo, eebbana bili iyo bilic isugu darey, waa maariin midabkeedu masciideed ah, ilko cadcad, dibnuguna yihiin dugul madoow, ciridkeeduna yahay madoow yahay, waxay leedahay “CAN GOD” Dadka markay qoslayaan daankoodu yeesho godka yare e quruxda badan, muusoodka iyo dhoola caddeynteeda waa mid dareen ku abuureysa naftaada.
Aniga iyo gabadhii ayaan waxaa si lama filaan ah ugu kulannay banaanka qolkii aan saaxiibkayga ku hayay, waan is dhiirigeliyey oo waxaan go’aan ku qaatey intey soo socotey inaan salaamo iskuna dayo inaan barto waxaan ku idhi:

“Waa lagu salaamay walaal? ayadana cod naxariis laga dareemayo ayay waxay iigu warcelisay :

“ Waa lagaa qaaday”

 

La soco qaybta labaad.

Sakariye Cabdixaliim

 

 

 

 

SHEEKOOYIN