KEDISKII I KADEEDAY Q-3AAD W/Q:- Cabdikariin Cabdulle (Ugaas Jallaato)

KEDISKII I KADEEDAY Q-3AAD

Arooskii ayaan tagay wax la boodboodo oo la baashaalo kursi ayaan salka la helay, markii aan saa u fadhiistay wallaalkey ayaa i soo kor istaagay asaga oo leh soo bax hadda. Waa isku naxay waxaan iri cuudubilleyso maxaa dhib ah oo jira kooxdii luumbiga hadda soo galeyso? markaas ayuu yiri nin baa sakaraad ah oo magacaaga ku qafiifay wadaadaddiina waxa ay dhaheen gabartaan ha la keeno si loo badbaadsho, waana ina adeerkaa Axmed dheere ee soo bax. Axmed dheere waa walaalkeey iga weyn  oo aan isla soo kornay ee see wax ka yihiin. Markii aan guriga adeer tagnay maya horta guriga intaan adeer u sii soconnay culeys ayaa lugaha la iga soo saaray caga-jiid ayaan billaabay, nafta ayaa dhuunta ii soo gashay neef tuur ayaan billaabay aanan garaneyn meel uu iiga yimid sidii qof maanta oo dhan balaayo soo eryaneysay ilaa ugu danbeyn aan albaabka guriga adeerkey ku hor suuxo.

Isbitaal ayaa la iila ordday wax la ila tacaalo oo marba mashiin la i saaro oo faleebooyin la igu quudiyo ugu danmreyn indhaha ayaan kala qaaday. Qofkii ugu horreeyay ee aan arko waaba wiilkii adeerkey dhallay ee Axmed dheere, aniga naxdin cirka iyo dhulkaa ila wareegay sow tii la i yiri waa sakaraad  haddii uusan ku arkin waa loo yaabaa oo adiguu kuu bukaa. Waa uu i bariidiyay  kaddibna waxa uu ii sheegay in aan isbitaalka ku jiray muddo bil ah maantana ay tahay maalintii ugu horreysay ee aan soo miir yeeshay. Aniga yaab iyo amakaag baa igu dhacay sow anigii arooska ka imid daqiiqado ka hor waxaan weyddiiyay sida ay wax u dhaceen iyo sababta aan hal bil isbitaalka u jiifay.

Tooxoow yaab iyo amankaag baa kasoo haray dadkii baska saarnaa iyo ninkii gaariga waday sheekada shankaroon ayaa dhagta loo wada taagay baskuna waa taagan yahay waa Soomaali iyo war jaceylkeede dantoodii waa  hilmaameen durba dhammaadka la wada sugayaa. Tooxoow ayaa yiri: “Haye bal ii wad sheekada anaggaa yaab aragnaye, Shaankaroon oo hadalkeedii sii wadata ayaa tiri: “Waa saas oo yaab kii u darnaa uu kuu dhiman yahay, een een, markaas ayuu Axmed dheere yiri: “Muddo hadda laba bil laga joogo ayey aheyd markii la igu soo booday  xanuun aan la dhul dhacay dhaqtar iyo wadaad waa la igala quustay cudurka i haayayna aniga kaliyaa ogaa afkeygana waan soo marsii waayay ma aqaan sababta waxaad ii aheyd walaashey uu adeerkey macaan dhalay dadka ila dhashayna saan kuu jeclaa jaceylkaas oo ahaa mid walaalnimo ku kooban.

Balse, habeen habeennada ka mid ah oo aan shineemo kuu waday sidaan u soo sheekeysaneynay oo u fara ka cayaareynay markii aan guriga ku keenay ayaad laba daan iyo foolka iga shumisay, dareenkii i galay waxaan is tusiyay inaan ku geeyo maaddaama aan ilmo adeer nahay, balse, buur baa horteyda is gudubtay sidaan kuugu sheegan lahaa, ayaa cudur igu noqotay. Tooxoow markii uu halkaas marinayo sheekada, ayuu soo xasuustay heestii ay qaadi-jirtay, Khatra Daahir Cige ee ahayd:-

  • Mar waxaan idhaahdaa
  • Bal ayaamo sii dhawr
  • Marna waxaan idhaahdaa
  • Abidkaaba ha u bixin
  • Misne kama adkeystee
  • Ugubnimo xidhood lehe
  • Indhuhu wey la waabteen
  • Afka kama caddeyn karo
  • Ergena uma diran karee
  • caashaqu ogeysiis ma leeyahay.

La soco qeybaha xiga, haddii Eebbe idmo.

W/Q:- Cabdikariin Cabdulle (Ugaas Jallaato)

SHEEKOOYIN