Kii dhab ah Jacaylka W/Q: Saynab Xaaji “Ugbaad”

Kii dhab ah Jacaylka

Waa dulkaxaadis iyo dulmar kooban heestii: “Kii dhaba jacaylka”. Mirihii Xuseen Aw Faarax Dubbad. Heestu min ukamiddeeda ilaa gebagebadeeda waa sida dun si xardhan leysugu falkiyay. Waa erayo, falsan, quruxsan oo farshaxan. Waa erayo dhumuc iyo dhadhanba leh. Waa erayo isku wada sidkan oo dareen dhab ah daaddihinaya. Xuseen oo ka mid ah abwaannada ugu cabbiri og dareemada qarsoon ee bani-aadamka, wuxuu heestan u adeegsanayaa shabbah iyo isku miisaalid habboon. Hummaagayn iyo ekayn toolmoon buu erayba eray uga tallaabayaa. Heesta oo ku ibafurmayso “Dhirta xididka hoosaa, dhulka loogu beeree.” Codkii boqoradda codka waddankeenna ayaa giraaradda wadnahaaga ugu beerayso dareen jacayl, si dahsoon oo diirran. Way ku celinaysaa sidii inay hubinayso, inuu dareenku gaaray seedadkii iyo muruqyadii wadnahaaga. Dhirta xididka hoosaa, dhulka loogu beeree.

  • Dhirta xididka hoosaa
  • Dhulka loogu beeree
  • Waa dhici lahaayeene
  • Dhismahooda weeyee .

***

Dhirta dhismaheeda iyo adkaanteedu dhulka fog buu si qotadheer ugu duugan yahay, laba sababoodba. Tan koobaad: Waa inaysan liicin, sahalna ku siiban oo teedkeedu adkaado. Arrinta labaadna: waa inay dhulka ka nuugto uraad ay ku sii korto. Waa tusaale micno aad u fog tebinaya. Waa misaal habboon. Markaad qaadato erayadan, xusuusato in ay dhirta xididdadeedu hoos u aasan yihiin ayaad sugaysaa, tolow maxaa u dhigma oo laguu sheegi doonaa. Adigoo garaysan tusaalahii una sii dheg-raaricinaya ayaad riyaaq dhab ah ku tiraahdaa: –Allaylehe Xuseenow, ka bogannay tilmaantee, maxaa xiga? Sababtii iyo ujeeddadii tusaalahaas loogu arartay ayaa kuu raacaysa.

  • Kii dhaba jacaylkuna
  • Halki “qalbi” kama dhaqaaqoo
  • Dhidib baa u aasan.

Jacaylkii dhab ah, kii run ah, waa sida dhirtaasoo, dhidib iyo tigin baa dhulka ugu jiro. Baroosin uu ku xirto ayaa u aasan. Halkii toosneed, qalbigii tigaadsanaa ayuu tiirar iyo tiirsimo kula dhex guntan yahay seedadkii laabta. Meel adagoo, aammin ah ayuu ku tolan yahay. Dhaqdhaqaaq iyo dheelli buu ka nabad qabaa.

***

  • Sida dhumucda weeyaan
  • Jiridda iyo dhuuxa
  • Dhararka iyo laxaadkana
  • Waa laysku dhaabee.

Labadii qalbiyood ee jacaylka dhabta ah wadaagay, sida dhumucda ayey isu haystaan. Jirid ilaa xidid ayey isku dhaadan yihiin, isku loohan yihiin, isku xiran yihiin, waana laysku dhaabay. Hal iniin buu ka beermay jacaylkooda. Hal ilna wuu ka waraabsamaa.

  • Kii dhaba jacaylkuna
  • Lama kala dhantaaloo
  • Lafuhuu dhammeeyaa.

Kii dhab ah jacaykuna, lama kala dhex galo. Lama kala dhantaalo. Xuseen wuxuu halkan noogu tusaalaynayaa; macno qotadheer, kana sii dhumuc leh tusaalayaashii ekeeyuhu aaddanaa. Jacaylka dhabta ah, astaamihiisa dhabnimo ayey ka mid tahay, inuu cuno, kuna naaxo shaqsigiisa. Waa cilminafsiyoo, Xuseen wuu ka sii xeeldheeraaday tilmaantii iyo tiigsigii shabbahaadda, Jacaylka dhabta ah, daacadda ah, lafaha shaqsigiisa ayuu dhuuxaa, dhammeeyaa oo ku dheefsadaa. Ma is tiri: jacayl daahira haddaad aragto, waa mid loo huray naf iyo nololba. Jacaylladii waaray oo dhan, dadkoodii baa u maqan ama maquunsan.

***

  • Sida dhudaha weeyaan
  • Isu dheellitiranoo
  • Midba dhan u baxaysoo
  • Dhinaca isa-saaree.

Labada dhudood markii sidaas laysugu gunto, midba dhan bay u loodsamaysaa. Iyadoo tii kale dhinaca ku ciriirinaysa, kana taakaynaysa. Way isu dheellitiran yihiin labada dhudood, way isla egyihiin. Isku jin, isu dhigan weeyaan. Waa sidaas labadii qalbiyood ee dhinacyada isu saaran. Labada ruux ee isku niiban. Labada nafood ee isku soohan. Labada qofee isku samaysan. Labadaas jacaylku dhabta isku tolay noloshooda.

  • Kii dhaba Jacaylkuna
  • Waa dhaqan-wadaag iyo
  • Isu dhalaasho daacada.

Jacaylka dhabta ah, waa dhaqan iyo dhalan wanaag. Xumo iyo xaasidnimo, ka xarriman. Aflagaaddo iyo eray daran ka reebban. Waa laba qofood oo dhalasho jacayl ku walaaloobay. Waxaa la yiraahdaa: qofku laba mar ayuu dhashaa. Mar uu jir ahaan u dhashay oo laysla wada yaqaanno iyo mar uu ruux ahaan u dhasho. Waa markuu qalbigiisu jacayl dhab ah ku beermo. Isu dhalasho daacadnimo ayey labadii nafood isu qaybiyaan.

***

  • Sida dhalanka weeyaan
  • Dheehaa caleentee
  • Ubax wada dhalaaliyo
  • Dhimbishaa haraysee.

Mar kale ayuu Xuseen soo qaadanayaa ekeeye cuddoon. Jacaykii runta ahaa ayuu ku shabbahayaa, sida caws doog ah oo kale. Ubaxiisa iyo mirihiisuba ruuxda ay jalbeebiyaan. Labada indhood iyo uurkoodauba la riyoodaan. Had iyo jeerna uu dhalaalo. Waagii baryaba iftiimo. Maalintii dhalatana uu sii tarmo.

  • Kii dhaba jacaykuna
  • Waa dhool hillaacoo
  • Dhibicdoo ku haysee.

Jacaylka runta ahna, wuxuu la mid yahay; sida ubaxaas iyo dooggaas cagaaran oo dhool iyo dhibic isku darsaday. Waaba isagoo leh; jacaylka dhabta ah nafta iyo nolosha ayuu doogeeyaa. Kugu raacnay Xuseenow.

***

  • Waa sida dhillowyahan
  • Intuu laan isaga dhagay
  • Dhexda loogu marayoo
  • Dhaqso uga baxayee.

Waa ekeeyihii ugu dambeeyay ee soo gunaanaday safarkii jacayl ee ay heestu tabinaysay. Waxaa ka hormaray qurubka –waa- oo sideedaba ekeeyaha tolmoon la walaal ah. Waa sida dhillowyahan. Dhillowyahan ama qadow, hadba kii kugu soo meera qaado. Waa geed dhirta isku mara oo ka dul baxa. Dhillowyanku, wuxuu ku dul faalalaa geedaha kale. Isagoo ku maleegan ayuu ku dul magoolaa. Caleemihiisa jiljilicsan waxay raacraacaan laamaha geedka ay derisnimada iyo degsiimada wadaagaan. Suugaanteenna in badan ayuu soo galay dhillowyahanku. Hadraawi waa kii lahaa:

  • Middan dhaxanta jiilaal
  • Dabka iga dhex shidatee
  • Wadnahayga dhilatee
  • Dhillow-yahan sidiisii
  • Dhan kastaba u raacdee.

*Maansadii Jeegaan:

Tusaale kale haddaan ku soo qaadanno; geedkaas dhillowyahanka ah. Heestii: “Lay-lay”,

  • Dhillowyahankaa
  • Dhirta uun ka baxee
  • Maxaa dhexda uun
  • Iigu kaa marayee?”

Cabdi Deeqsi Warfaa “Sinimo”

***

Wuxuu yiri Xuseen:

  • Waa sida dhillowyahan
  • Intuu laan isaga dhagay
  • Dhexda loogu marayoo.

Labadii qalbiyood ee is dhex qaaday, waa sidaas dhillowyahanka dhexda isaga maran. Isu taakuleeyo, isna taageera. Is-weheshada isna wanaajiya.

  • Kol hadduu dhab naga yahay
  • Kala dhuuman maynee
  • Waagaa dharaar noqon.

Tusaalahan, wuxuu Xuseen adeegsanayaa, mid ka mid ah astaamaha ugu mudan ee jacaylka dhabta ah. Jacaylka dhabta ah wuxuu muqaddas ka dhigayaa, isdhawridda iyo isu dhimrinta. Waa in aan laysu abaal-sheegan. Laysu faanin. Laysna eedeyn. Aniga, ayuu jacaylku dhab iga yahay ma dhihin. Jacaylkayga ayaa la hubaa ma oran. Wuu maldahay dhabnimada jacaylka dhankiisa. Wuu dihay jacaylkiisa runta ah. Kol hadduu dhab naga yahay, labadeenna. Is-hubno. Lammaane iyo mataane isu nahay. Isku kalsoonnahay, khaanadda jacaylkana ku wada jirno. “Kala dhuuman maynee, Waagaa dharaar noqon”.

Gunaanadkii qormadan, waxaan bogaadinayaa, kana mahadnaqayaa, in aan leennahay, abwaanno sida Xuseen, sameeyay, erayadaas isku darsaday falsafaddaas iyo farshaxankaas toolmoon.

W/Q: Saynab Xaaji “Ugbaad”

Naga la soo xariir: laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.