Ku Dul Socoshada Garangarta by Alan Watts

Ku Dul Socoshada Garangarta

(Walking On The Wheel)

By Alan Watts

Tarjume Cali M. Diini

Xuquuqda sawirka: public domain

Mabda’ walba oo nolosha asaasi u ah waxaa lagu muujin karaa labo siyood oo lid isku ah. Waxaa jirta qolo tiraahda si aan u gaarno figta sare ee xikmadda waa in aan noqonno kuwa xasillan oo deggan oo aan la nuuxin karin kolka aynnu dhexjibaaxaynno darbooyinka jaahwareerka. Halka docda kale ay jiraan qolo dhahaysa waa in aan horay u soconno tabta noloshu horay ugu socoto weligeenna aynnaan hakan ilbiriqsi qur ah annaga oo ka baqaynna waxa soo socda ama il shallayto ku galacsanaynna waxii tagey.

Qoloda hore waa kuwa marka ay muusigga dhegaysanayaan maankooda u oggolaada in qulqulka luuqdu gaalaabixiso ayaga oo aan marnaba isku dayayn in ay hakiyaan ama gudbiyaan cajalada. Tabtii ninkii dhammaystirnaa ee Chuang-tzu (Chuang-tzu’s Perfect Man), maankooda ayay sida muraayadda u hawlgeliyaan taa oo aan waxba ku dhegin, waxba deedafayn, wax qaadata, laakiin waxba aan kaydsan. Kuwa dambe waa qolada muusigga ku jaasta ayaga oo la soconaya xaawarihiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa addimadoona fasaxaya si joogsi la’i ah haddana aan deg deg ahayn si la mid ah sida daruurtu uga jawaabto neecawda dabaysha.

Midkood waxa uu u muuqdaa ku ka falcelinaya dhacdooyinku marka ay gudbaan, halka kan kale dhacdooyinka horay u raaco. Labadan si-u-arag, si kastaba ha ahaatee, waa xaqiiqo, maxaayeelay si aan u hananno figta sare ee xikmadda waxaa qasab ah in aan soconno, haddana waa in aan degganaanta ku negaanno. Ka soo qaad in noloshu tahay garangar wareegaysa oo qof ku dul soconayo. Qofkaasi marka uu dhaqaaqaba garangartu dhankiisa ayay u soo soconaysaa (yacni garangartu waxa ay u wareegaysaa dhanka qofku u socdo maahane dhanka kale); haddii qofkaas aysan garangartu u xambaarin dib dib uusanna qofkaasi ku socon xawaare la mid ah kan wareegga gargarta dhulka ayuu ku kala go’ayaa, haddii uu ku socdo xawaare ka sarreeya kan garangartana afka ayuu ciidda darayaa.

Sidaa waxaa la mid ah ilbiriqsi kasta (every moment) oo aan joogo, tabtii dhakada garangarta, si deg deg ah waxa aan isku dayaynaa in aan ku dhakabsanno ilbiriqsigaas, isla bartaa sare ee dhakada garangarta. Isla ilbiriqsiga aan gefno dhakada sare ee garangarta waxa aan luminaynnaa dheellitirka. Sidaa daraaddeed, haddii aan isku dayiwaynno in aan xagsanno ilbiriqsigaas isla markaana aan socodka joojinno waxa aan luminaynnaa xasilloonida. Misana halkan waxaa ku jirta run qoddodheer, waayo kolka laga duulayo aragtida abadiga ah sinnaba uga ma degi karno dusha sare ee garangarta maxaayeelay garangartu waxa ay dhex sabbaynaysaa goob aan dhammaad lahayn (infinite space) ma na laha kor iyo hoos toona; doc walba oo aad uga taagan tahay ayaa kor ah, waana ay wareegaysaa waayo adiga ayaa cagahaaga ku riixaya.

SHEEKOOYIN