Ku ilaali afka hooyo qoyska dhexdiisa W/Q Nimco Noor

Nimco

Ku ilaali afka hooyo qoyska dhexdiisa

 

Waalid walbaa waxuu  doonayaa in ilmihiisa ay noqdaan kuwo  iskuulada ku wanaagsanaada. Maahan dhaxal in ilmuhu uu ku wanaagsanaado waxbarashada ee waa hadba sida uu u de’daalo, sida loo soo barbaariyo iyo sida uu u jeclaado iskuulka. Taasi waa mid u baahan in lagu barraarujiyo ubadka, oo aad u horseedid isku daykastaa oo dhanka xawbarashada ah horumarna uu ku gaari karo.

Ka hor inta aanu ilmaha yari tagin iskuulka waalidka waxaa waajib ka saaran yahay, inay soo saaraan ilmo la qabsan kara bulshada uu dhextagi doonno ee ah carruuraha uu kula kulmi doonno xannaanooyinka, iskuullad. Qaabka uu waalidku ku diyaarin karro ilmaha ayaa u baahan waqti badan iyo waliba ku de’daalid, dulqaad iyo in ilmuhu ay ku xasili karaan fadhiga waqtiyada loo sheegayo sheeko xariirada amma sheeko waxbarsho ku jirto taasoo ah halka ay ilmuhu ka helaan koboc maskaxeedka, dhagaysan karaan oo ay leeyihiin niyad usoo jeeda waxa loo sheegayo iyo inuu ilmuhu waxa qabana karro sida.  Hawlaha loo dhiibo inuu habaynkaro, cayaarta lagu cayaaro sawirka ee ( sawir-cayaareedka ) kaasoo ah in la isku aadiyo sida uu sawirka isku qabanayo oo uu ku dhammays tirmi karro muuqaalkii saxda ahaa ee looga baahnaa sawirkaas.

waa in ilmuha yar uu helikaro kalsooni ah in  kaligiis uu wax qaban karro, sawiri karro, wax ku jarjari karro manqaska, taasi waxay kaabaysaa kalsoonida uu ku qabo naftiisa iyo awoodiisa qof ahaaneed.Waalidka waxa habboon in arrintaas uu garto kuna caawiyo ilmaha inay helaan in lagu sii diyaariyo gurigga.

Kahor inta aysan gaarin wax barashada aasaasigaa iyo xannaanada waxaa  waalidka saaran masuuliyad ah barida luuqadiisa hooyo, taasoo in badan inaga maqan. Aqoon yahanada ku xeeldheer koriimada iyo lasocoshada isbadalka ilmaha, waxay in badan caddeyeen in ilmaha ku wanaagsan luuqadiisa hooyo ay kaga wanaagsan yihiin waxbarashada iyo luuqadaha kalaba, ilmaha kale ee aan luuqadooda hooyo kuwanaagsanayn,  kuwa ku wanaagsan afka hooyo, waxaa u sahlanaata inuu hello erayo badan oo uu isku badbadali karo taasoo keenta inay maskaxdiisu noqoto mid qaad wayn.

Waxaa wanaagsan ilmaha seddexda sanno ka yar in waalidku uu gurigga ku hayo si uu ilmahaasi u barto afkiisa hooyo iyo waalidkiis, markuu ilmuhu barto luuqadiisa hooyo oo ay dhisanto waxuu helayaa kalsooni waxaan fududaata inay la qabsadaan bulshada kale ee ka duwan tay ka dhasheen. Waa wax la’ogaaday oo baaritaanno badan lagu sameeyay in carruurta ay iska baranayaan luuqada qalaad ee ay ku dhexnool yihiin, umana baahna inay ku isticmaalaan gurigooda dhexdiisa, balse halka lagu ilaalin karo afka hooyo waa qoyska dhexdiisa, hadii uu dhumo xayndaabkaas yar ee lagu dhawro afka hooyo waxaa dhumay oo jabay afkii iyo dhaqankii meeshana waxaa kasoo baxaya ilmo muuqaal ahaan iyo dabci ahaanba kala dhantaalan oon dhana raacsanayn.

Waxaad arkaysaa in waalid qaar ku dhiiradaan inay ilmaha ay ku baraanayaan luuqadda ay ku dhexool yihiin, waa hubbaal in ilmaha yar uusan kaafin karin baahidaada luuqadeed waayo qofka wayni waxa jira luuqad ku habboon inuu ku hadlo qof wayn, waxaa kala duwan guud ahaan isticmaalka iyo qaabaynta erayada ay isticmaalaan jiilka aad adigu kamid tahay waalidoow iyo midka ilmahan yar, garro oo dareen in xilli walba iyo jiil walbaa ay leeyihiinn af-guri u gaar ah oo ay ku hadlaan, marka bal qiyaas qof wayn oo ku hadlay dhawaq carruureed amma soo qoray qoraal carruureed, xaqiiqdu waa kama faa’iido keenaysid luuqad aad ilmahaaga ka baratay, waana hubaal in aad niyadda ka jabisay ilmaha yar uuna kuu arki doono mid aan waxba ahayn oo iska nool, ha baabi’in kalsoonida ay kugu qabeen iyo qiimaha aad ka joogto agtooda.

In lagu da’daalo oo waliba waqti iyo maskaxba la galiyo barida afka hooyo waa mid faa’iido badan ugu jirto waalidka iyo ilmaha intaba.

 

W/Q Nimco Noor

SHEEKOOYIN