Ku ma Faraxsani! W/Q: Fiican Addo-Sindaco

11855602_10206675815881436_1370291905_n

Ku ma Faraxsani!

 

Farahaas aad arkaysaan, waa farahaygii. Ku ma faraxsani qaabka qaybsiga dowladdeenna. Ku ma faraxsani haybsooca ah 4.5. Ku ma faraxsani in shan farood, oo hal gacan ku yaal, in la kala karaameeyo. Astaanta 4.5 waa astaan xambaarsan hayb sooc, dulmi, quursi iyo liiditaan.

Hayb sooc waa tahoo, yaa yiri; dadkaa kala sarreeya? Dulmi waa tahoo, sidee dad diin leh, ku fikireen dulmigaan? Quursiga dhallinyarada dalka oo ah mug wayn oo culus, una bartay cilmiga dadkooda iyo dalkooda, walibana badali kara qabiilka iyo fikirka jahliga ah, ee hayb sooca ah.

Dhallinyarada niyadda laga dilaayana waa waxyaabaha abuuri kara, in iyagoo wax bartay ay ka amar qaataan kuwa hayb sooca, jinsi sooca, iyo danaha qaaska sita. Dhallinyaradu waa is bedel doon, ee darajada ha loo quuro.

Liiditaan way tahoo, waxaa la liiday dad ayna ka qiima badnayn kuwa 1 buuxa qaatay! Waxaa la liiday gabdhihii wax bartay, haddii 4.5 jiri lahayn, soo qofkii aqoon gaar ahaan gabadhii aqoon leh soo looma dhiibeen waxa ay aqoonta u leedahay, iyada oo aan ka baryayni oday dhaqameed hebel, inay siiso kumannaan dollar, waliba ay adag tahay sida ay ku keento ama ay ka barido inuu doorto. Soo kuma filnaateen in shahaadeeda iyo aqoonteeda u naqato horumarkeeda? Maxaan u sugaynaa in dulmiga uu socdo, oo aan uga aamusnay? Maxaan odayaasha dhaqankee xildhibaannada ay xulaan la leeyahay, looga baqayaa, in la tusaaleeyo, in hayb sooca jismiga, hayb sooca dhalashada, yasitaanka dhallinyarada ay qalad yihiin? Maxay culumada u aamuseen? Dulmi umadi isaga raalli tahay, waxaa ku halaagma isla umadaas.

Haddaad tahay waddaniga hurda, waddani-qabiiliga, waddani-Jismi, qaas yasaha iyo waddani-dhallinyarada-ka baqaha, waddani iska waddani-saa la yeelaa hee! Ogoow doqontii seexataa saceeduna dibi dhalaa! Ogoow dulmi aad arkaysaa inaad ka aamustay.

Golaha Shacabka Soomaaliyeed, guddiga qaaska ah ee Dastuur Dhamaystirayaasha, ogaada in Allah hortiisa lagu siman yahay, dalkana in qaybsashada hawsha wadajireed ay muhiim iyo qasab u tahay, isla ekaanshaha umadda.

Shanta Soomaaliyeed baa ka qurux badan 4.5. Shanta Soomaaliyeed oo cidina ka maqnayn baa ka qurux badan sooc-sooca. Soomaaliya Lama kala korrayn karo, haddii cadaaladdu inay shaqayso doonayso!

Ugu dambayntiina gacantu waa gacantaydii, waa xanuun maalin walbaa i horyaalla. Mar baan ku fikiraa 4.5 systemkaan dacwo ma ku furtaa, in ay xanuun aad xasuusato maalin walba ay haddana xanuunkii intay qaadeen dalkaagii ku hoggaaminayaan, walibana magac xumo iyo qasaare maahe, aan laga dhaxlin wanaag haba yaraadee.

Qoraalkaygaana, waa mid aan anigu qoray, fikirkaygana aan ka keenay, haddaad qalad u aragtana mahadsanid, haddaad wanaag u aragtana mahadsanid.

 

W/Q: Fiican. F. W. Addo-Sindaco

addodhiima@gmail.com

SHEEKOOYIN