KU XAD GUDUBKA DIINTA. BY Mohamed Musa Sh. Noor

Nor1

KU XAD GUDUBKA DIIINTA

Tan iyo burburkii dalkeena waxaa soo badanayay ku xad gudubka wax walba oo umaddeena lahayd, wax walbana maalin ayay ku imaanaysay  ku xad gudbidda lagu xad gudbo, inaga oo maalinba Magac ama Maslaxad gaar ah iska tusayno.

Diin marka laga hadlayo macnaheeda guud ayaa ah Amar ka yimid Abuurha Koonka, una gudbaya addoomadiisa ku kala nool Daafaha Dunida dhinac walbe, Erayga Diin wuxuu yeelan karaa macna yaal badan, waxaasa inaga deeqa inta aan ka naqaan ee ah u hogaansamidda Alle wuxuu ina faray, iyo ka reebtoomidda wuxuu Alle inaga reebay.

Diinta macna guud ayey leedahay oo waxaa la dhahaa wax walba oo lagula xiriiri karo waxa uu qofku u aaminsan yahay abuurihiisa, inagase Muslim ayaanu nahay, Diin waxaan u aaminsanahayna waa diinta Islaamka.

Hadaba diinteena islaamka waa mid ka kooban  wax la is farayo  iyo wax la iska reebayo, intaas qofkii sida toosan u qaataana waa qof la oran karo wuu hogaansamay, qofkii aan u qaadana la oran karo waa qof kibray oo  ku xad gudbay waxa uu Diin ahaan u aaminsan yahay.

Marka laga hadlayo in amar ay diintaada ku fartay aadan addeecin micnaheeda maahan in aad tahay mid ku dhacay xad gudub diimeed oo kaa saari kara diinta, ee waa in aad tahay qof caasi ah oo awaamirtii la faray waxna ka qaatay waxna ka tagay, balse, inta uu ka tagay aanan uga tagin in uusan aaminsanayn darteed, ee isaga oo aaminsan hadana uu samayn waayay, sababtaas oo lagu macnayn karo in uu ka caajisay ama Shaydaan uu ka hor istaagay fulinta awaamirtaas Diiniga ah.

Haddii qofku uu ficil ay diinta ka xarrimtay sameeyo isaga oo dhahaya ma aaminsani waxaaas ay diinta reebtay, markaas waxaa la oran karaa qofkaas wuxuu ku dhacay ku xad gudub diinta ah, waxa uu noqonayana diinta waa ku caddahay, oo xukunkiisa waxaa lala kaashanayaa markaas dadka Ahlul Cilmiga ah, balse in lagu dag dagaa Cilmi la’aan xukunkiisa ma wanaagsana, in qof muslim ah la gaaleeyana ma ahan wax ku fudud diinteena islaamka ah.

Hadaba tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii wixii ay soomaalida lahayd, ha noqdaan Degaan, Diin iyo Dadba, waxaa ku dhacay bur bur mid walba goonidiisa ugu habsaday, kaas oo ka dhigay Dalka iyo diinta iyo dadkaba kuwa ay musiiba ku habsatay, una kala qaybsamay qayba kala duwan oo qof walba fikirkiisa ama maslaxaddiiisa gaarka ah ku cabirayo waxa uu doono, iyada oo aysan jirin shuruuc la cuskanayo.

Dalka iyo dadka in ay kala qaybsamaan waa wax laga soo kaban karo muddo marka la joogo, oo waa fidno xal loo heli karo, balse, marka Diinta ay kaa fidnowda markaas waxaa kugu dhacday Musiibo aadan kasoo waaqsan Karin, taas oo galaafata wax walba Dad iyo degaanba.

Dagaal la galo waxaa ugu xun Dagaalka Caqiidada, runta marka laga hadlana waynu dhaqnayn ayaa la oran karay xilligii aan isku haysanay Dad iyo deegaanba, balse markii ay wareegtadu ku timid dhanka Diinta, markaas ayaan dhulka si fiican usii glanay.

Xaqiiqda marka laga hadlo diinta ma ahan mid fakar ku salaysan ee waa mid u baahan Tacliiqin iyo Aqoon gaar ah, si marka wax la kala saarayo loo adeegsado, waxaa kaloo muhiim ah in uu jiro faham wanaagsan oo la fahmo diinta, taas haddii aysan jirina marnaba dhibaatada fakarka ku salaysan ee diin ahaanta loo adeegsado waa jiraysa, inta badan ee ay sii jirtana waa inta badan oo musiibadu sii balaarato.

Waxaa wanaagsan in dadku ay kala fahmaan waxa Diinta ah iyo waxa ah Fakar uu qof leeyahay, waxaa kaloo aad muhiim u ah sida aan soo sheegay barashada diinta ama aqoonta loo leeyahay waxa markaas la isku haysto waa marka laga hadlayo diinta.

Dhiiga qofka muslimka ah marnaba ma banaana sabab lagu bannaystana ma jirto, haddii ay jirtana diinta waa ku caddahay sida saxda ah, balse, dadku diyaar ma u yihiin ayey su’aashu tahay in ay u raacaan diinta sida ay u dhigantahay?

Dhibaatooyinka Soomaali ahaan ina haysta ayaa ah in wax walba aan ku dabaqno maslaxaddeena shaqsiyadeed, inaga oo cuskanayan Qodobo aanan diinta ku jirin ayna u sheegayaan dadka u nasab sheegta in ay diinta yaqaananan dadka masaakiinta ah ee Caamada u badan, taas oo runtii qayb wayn ku leh jahwareerka diimeed ee dalkeena ka jira.

Alle wuxuu quraankiisa ku yiri suuratu Nissaa (وَمَنْيَقْتُلْمُؤْمِنًامُتَعَمِّدًافَجَزَاؤُهُجَهَنَّمُخَالِدًافِيهَاوَغَضِبَاللَّهُعَلَيْهِوَلَعَنَهُوَأَعَدَّلَهُعَذَابًاعَظِيمًا)[Surat An-Nisa 93] taas oo macnaheedu yahay “qofkii Qof Mu’min ah si kas ah u dilaa, abaal marintiisa waa Jahanamo, wuuna ku waarayaa dhexdeeda, Carada Alle iyo lacnadiisa ayaa dushiisa ahaatay, waxaana loo diyaariyay cadaab aad u wayn”

Hadaba aqriste inta aan aanan wax kale la isla gaarin haddii aan aayaddaas kaliya dhab u qaadano hubaal  in dhibba uusan jireen, wax walbana ay ahaan lahaayeen Barwaaqo, maxaa yeelay amarka Alle kuwii qaataa ee addeecaa liibaan Adduun iyo mid Aakhiraba waa u ahaatay siduu Alle inoo balan qaaday,dalkeena iyo dakeenana amaan ayay inoo ahaan lahaayeen.

Hadaba inaga oo ka tusaala qaadanayna Hadalka Alle, bal aan is waydiino ma raacnay Warka Alle? jawaabta waa maya, qof walba oo Alle ka jeesta xusidiiisa, waxaa u sugnaaday Nolol cariiri ah sida ku xusan ayaaddan kale ee suuratu Taahaa, (وَمَنْأَعْرَضَعَنْذِكْرِيفَإِنَّلَهُمَعِيشَةًضَنْكًاوَنَحْشُرُهُيَوْمَالْقِيَامَةِأَعْمَىٰ)[Surat Ta-Ha 124].

Macnaha aayaddan ayaa ah “ qofkii ka jeestaa xusidda Alle waxaa u sugnaaday nolol cariiri ah, maalinta Aakhirana waxaa lasoo istaajin isaga oo indha la’ markaas ayuu dhihi doonaa “(قَالَرَبِّلِمَحَشَرْتَنِيأَعْمَىٰوَقَدْكُنْتُبَصِيرًا)[Surat Ta-Ha 125] Rabbow maxaa iisoo istaajisay aniga oo indha la’ waxaaba ahaa mid wax arkee?

Hadaba walaalayaal diinteena waa taas ina faraysa wax walba oo wanaagsan wixii xuna inaga reebaysa, maxaa inoo diiday in sida ay tahay aan u qaadano uguna camal falno, inta iska dhaafno Hawada dunida ee kolba dhan inoo jiidanaysa?

Runta marka laga hadlo ma jiro qof ku waaraya Dunida, Qof walbana maalin ayuu ka dhaqaajin doonaa, maalintaasna waxa uu Alle hortiisa la tagi doonaa wixii uu kasbaday, cid caawinaysa ama cid wax u qaban kartana ma jirto.

Qof walba oo Soomaali ah waxa hareerihiisa maanta ka dhacaya wuu ogyahay, ha ahaadaan wax aan inaga soomaali ahaan isku samayno ama inagala dhaxeeya Dunida, dadku waa in ay bartaan diintooda fahmaana waxa laga reebay iyo waxa la faray ayaga oo aan ku dag dagin waxaa la yiri  iyo waxa ay farayaan dadku isku sheega in ay Ahlul cilmiga yihiin, balse ku dabbaqa rabitaankooda diinta.

Qofka in uu yaqaan sheeganaya diinta, hadana faraya dadka in ay layn karaa dadka kale ee walaalahooda muslimka ah,  xaguu ka galayaa Aayadda koowaad ee aan kusoo qaatay Aoraalka?  ma jrito qof ay u fuuddahay in uu si fudud ku daadiyo dhiiga wlaalkiisa muslimka ah, waddo u banaynaysana ma jirto.

Hadaba yaa ku xad gudbka diinta? Waxaa ku xad gudbka diinta kuwa sheegta in ay aqoonta u leeyihiin amaba u leh, balse, waddada toosan aan u marin ayaga oo macn ahaan leexiya Sunnada ama Aayadaha Quraanka, ayaga oo ku dabaqa waxa naftooda jeceshahay ee masaalixdooda dunida ku saabsan.

Hadaba walaalayaal aan ka digtoonaano wax walba oo keeni kara in aan galno ku xad gudubka diinta, dinta oo aad ku xad gudubtid waxay la macna tahay adiga oo ku been abuurtay Allaha iyo Suubanihiisa scw.

Hubaal in uusan Alle farin maanta waxa ka dhacaya Dunida, sidaas si la mid ah suubanaheena, waxa dhacayana waa Fidno ku dhacday Umadda muslimiinta diintooda, sababtana dadka muslimiinta ayaa leh cid kale oo lagu eedaya ma jirto, maxaa yeelay Alle ma dulmiyo dadka ilaa ay iyaga is dulmiyaan maahee.

Maanta caalamka islaamka wuu ololayaa, wuxuuna la ololayaa sababta diinta oo lagu xad gudbay darteed, musiibada maanta socotana waligeed lama arkin mid la mid ah, waxaana keenaya aqoonta diinta oo yaraatay iyo jacaylka ay dadka diinta u qabaan oo batay, balse, aysan aqoonteeda lahayn.

Qofka aqoonta diinta sida dhabta ah u deeqday uma sahlana wax badan oo maanta dunida ka dhacaya in uu ku lug yeesho, maxaa yeelay wuxuu fahmi karaa saamaynta dambe ee ay leedahay dhibkeeda, sidaa darteed, kuma daga dagi karayo qofkaas fududaysiga waxa loo nisbeeyo Diinta ee beenta u badan.

Mar walba oo ay Arrinta ku xad gudubka diinta sii badatana, waxaa sii badanaya inta diinta nacayso, diinteena islaamkana waa naseexo sida uu Suubanaheena inoo sheegay, ma ahan marka uu qofku maqlo Muslim, uu isla markiiba sawirto Sawirada Xun ee loo nisbeeyo diinta islaamka, ee waa in uu dareemaa in uu ku dhex jiro Diin ka duwan diimaha kale kana qiima badan oo ka naxariis badan kana waana badan.

Dad badan oo muslimiin ah ayay diintu ku gaartay Dagaal la’aan, ayaga oo ku qaatay diinta sida naseexada ah uu Suubanaheena sheegay, qaar ayaa xitaa diinta islaamka ku qaatay Akhlaaqda ay ka arkeen dadkii muslimiinta ahaa ee ay la kulmeen.

Hadaba walaalayaal aan ku dadaalno barashada diinta aan aaminsanahay, qofka ma ahan in uu aaminaa wax uusan aqoontooda lahayn, saldhiga diinta ayaa ah in qofk bartaa waxyaabaha asalka u ah diinta, fahmaana waxa ay diintiisa ka xaaraamaysa iyo waxa ay u bannaysay, intaas haddii uu garto qofka waxaa la dhihi karaa wuxuu helay Dariiq uu ugu yaraan ku bad baado, waxaana meesha ka baxaya in qofkaas lagu tilmaamo Caamo ama qof aan waxba garanayn, wixii la doonana loo sheego.

Waxa la dhaho laab la kaca iyo waa la yiri waa ka mamcnuuc diinteena islaamka ah, wax walba waa in la hubiyaa, sidoo kale Malada waa Dambi, oo kuma banaana diinta ilaa wax sugan maahee, marka intaan iska dayno Malada iyo laab la kaca, aan barano aana iska hubino ficil walba marka aan samaynayno in uu xad gudub ku yahay diinteena iyo nafteenaba.

Iga raaali noqda wacdi igama ahayn ee waxay iga ahayd wax sheeg, wixii wanaag iila muuqda ayaana idinla wadaagay, wixii aan wanaajiyay Alle xagiisa ayay ka ahaadeen wixii aan khaladayna Shaydaan iyo aniga naftayda ayay ka ahaadeen.

Waa ku mahadsantihiin aqriska iyo waqtiga aad u hurteen eegmada qoraalkan

WQ: Mohamed Musa Sh Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.