KU XAD GUDUBKA IS QURXINTA. W/Q/Mohamed Musa Sh. Noor

sheeko

SHEEKO GAABAN

Waxay ahayd Qof Dhalin yar oo jecel in ay waqtigeeda qaadato, ma ahayn Dumarka sida badan is turukeeya oo wax is marsha, waxayna iska ahayd Agoon ku nool Guriga Eeddeed, oo ilaa yaraanteedii halkaa ku noolayd.
Magaceeda waa Nasra, waana 22 jir,waxay ku noolayd Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose Soomaaliya Konfurteeda.
Waxay ahayd Gabar wax baratay Diin iyo Maaddib, waxay lahayd Hammi sare, Nasiib wanaag markii ay Waxbarashada dhamaysay ayaa waxaa soo doontay Nin sheekh ka ahaa Magaalada oo Wiilkiisa oo ku nool Dibadda u doonayay lana jeclaaday Gabadhaas Edebteeda Diinteeda iyo Quruxdeeda dhamaan maadaama uu aqoon u lahaa isku xaafadna ay ahaayeen.
Is waraysi iyo isfaham dambe oo la gaaray ayaa lagu dhiibay Gabadhii, Maalma kadibna waxaa u yimid Wiilkii loo doonayay ee ay Marwada u noqon lahayd, sidii ayaana lagu Aqal galay.
Nasro iyadu Arooskeeda si wanaagsan ayuu ku dhacay, balse, maadaama ay ahayd Gabar Goboleed sidaa iskuma qurxin, Wiilka markii uu ka tagayay ayuu kula kaftamay in is qurxinta ay Aroos ahaanta isku soo qurxisay uusan sidaa ugu qancin, balse Shaqsiyaddeeda iyo Adaabteeda iyo Dumarnimadeeda dhamaan uu aad ugu qancay, intaasna ay tahay inta macnaha suubinaysay, balse kaftan ahaan ayuu u dareensiiyay halka ay tahay in ay iska dhisto Marwadiisa.
Wuxuu la joogay Muddo Sadex Bilood ah, Nasiib wanaag Nasro ziyaado ayay yeelatay, balse, Maalintii uu tagay maalintii ku xigtay ayay Shil Gaari oo ay gashay uga soo dhaceen Ilmihii ugu horeeyay ee ay Hooyo u noqon lahayd.
Muddo kadib ayuu usoo sheegay Ninkeeda in uu usoo laaban doono, kulankoodana uu doonayo in uu ka dhaco Nairob,i micnaha ay halkaas ku kulmayaan, sidii ayay Nasro ku timid Kenya Nairobi.
Inta ay sugaysay ninkeeda ayay Is Qurxin tii ugu darnayd isku asqeesay, wax walba oo Dumarka isku habeeyaan waa isku habeesay Nasro.
Waxaa la gaaray xilligii uu ninkeeda imaan lahaa, wuu yimid, markii uu yimid oo uu laba habeen la joogo ayaa waxaa ku dhacay Elerjik (Elergic) oo Korka oo dhan ayaa wada cun cun ku bilaabmay, ilaa ay wada gaduudato Wajiga oo dhana ka barartay
Waqtigii wacnaa ee la qaadan lahaa waxaa u baas baxay Jirradaas laga qaaday waxa la isku qurxiyo, waxaana la oran karay Nasro aad ayay ugu Xad gudubtay Daawooyinkaas isticmaalkooda iyada oo aan u kala fiirsan waxa ay ku jirran karto iyo inta kale.
Xanuunka Nasro ku dhacay wuxuu qaatay in ay Isbitaal u gasho Muddo Afar Bilood ah, Qarashkii loo diyaarshay ku raaxaysiga Waqtiga wacan ee Lamaanaha wuxuu ku baxay in Caafimaadka Nasro lagu raadsho.
Nasro isbitaalka waa kasoo baxday, balse, uma Qurux badna sidii hore, oo Wajiga oo dhan ayay ka gubatay, taas oo ka timid raadinta Quruxda Gacan ku samayska ah ee laga raadsho waxa uu Aadanaha sameeyay.
Haddaba Dumarka waxaan ku oran lahaa ku kalsoonaada Quruxda uu Alle idinku mannaystay, is qurxiya, balse, ha xad gudbina, wax kasta oo la dhaafiisyaa Xadkooda waxay keenaan dhibaato la mid ah kuwa Nasro ku dhacay oo kale.
Mohame Musa Shiikh Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN