KULA LIHI! Q-2AAD (A) W/Q: Xuseen M. Cabdulle “WADAAD”

KULA LIHI II (a)


Maxaad i tiri: ”madaxaaga ilaasho?” Madaxu jirkoow ka mid yahay ee maxaad gaar ugu yeeshay? Kuye: ”Anba ma ogiye sideeda u qaado”. Wax uusan ogeyn muxuu iigu dirqaa? Waxaan su’aalay kuwa aniga uun ii muuqdo oo uusan isagu arkeyn. Waaba ka dareen oo iyagoo wada jira ayey cod korreeya oo guux ah hal mar ku yiraahdeen: ”Dooddaas ka gudub ee canyayuub u liq”. Xoogaa ayaan aamusay oon indhaha mirigmirig ka siiyay, gacanta midigna dhabanka saartay. Waxaa i soo jalleecay mid ka mid ah kuwii codka dheer ku hadlaayay.

Waxaa is qabtay indhaheyga iyo kuwiisa si kedis ah, isagoo iga sii qooraansaayo ayuu yiri: ”Dhareerkaaga dib u liq”. Aniga dhareer hee igama socdee muxuu ka wadaa? Yaa garta oo ii sheegaayo?. Cod meel dheer ka hadlaayan ka maqlay; waa la gartay, yaase kuu sheegaayo hee? Waa markaagee ”Ha kugu taagnaato” ayuu haddana ii daba dhigay. Jixinjix iyo arxan-fal midna ma muuqdo. Xaalku illamaa uu saan yahay; yoolku waa dheer yahay, gaaridna warkeed dhaaf. Kan ila socdoow aniga ma garan ee intee lagu socdaa? Isagiina waa kaa aamus iyo daymo uun iigu jawaabay. Waa uun meelaan la ogeyn iyo ugu dambeyntii ”Hal aadan jirin ku jibisay” ama jug jugtii la sheegi jiray…Mineey saas tahay waaba ”Dawaamo aan meel laga baxaa laheyn”.


La soco qeybta xigta

W/Q: Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”
huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN