KULA LIHI Q-12AAD| W/Q: Xuseen M. Cabdulle ”Wadaad”

KULA LIHI Q-12AAD|

Galool iyo Jaalle, waa kuwaa indha waaweyn guluxgulux ka siinayo afkana gacanta wada saartay. Waxa ka yaabshay oo ay dhafoorrada u heystaan maahan wax fudud. Waxaana ka soo haray shib iyo af kala qaad, malaha waa muggii la dhihi jiray: ”Yeerayeera yam”. Galool, waxa uu miciin bidayaa widaygiis Jaalle. Jaallena xaalkiisu waa halkii heestu aheyd: ”Teydaa i cuslaysaye maxaan tari nin ii cawday”.

Kolkii muddo aan yareyn xaalku sidaa ahaa ayuu Jaalle kol indhaha mirigmirg ka siiyay, waxa uuna saa bacleelay saaxiibkiis, waxa ayna indhihiisu qabteen Galool oo isna indho argagaxsan ku soo eegaya. Milaygii ay indhuhu is qabtaan waxa aad mooddayba in ay haleeshay wax aan la aqoon oo ku riday indha dam iyo indha madoobaad. Nuurkii iyo araggii indhaha ayaa kol qura dam yiri. Waaba xaad ii dhiibatay!

Hadda ogow, hortood duul kalaa saas ahay oo ay iyagu indho u ahaayeen. Yaa u maqan duulkaas kuwii indhaha u ahaana kol qura araggu ka suulay. Araggaan suulay, waxa ka horreeyay shibbanaan aaney awoodin in ay juuq iyo jaaq yiraahdaan. Galool, kolkuu arkay in aanu wax arag ayuu gacmaha meelaha la doondoonay. Waxa uuna soo haabtay faraqa huga Jaalle oo isaga aan docna u nuuxsan oo halkiisi ku noqday dhaqaaq la’aan.

Jaalle, waxa uu billaabay in uu iska filqo waxaan faraqa ku dheggan, dib ayuuna u booday isaga oo gacmaha duubtay una diyaargaroobay in uu iska difaaco waxaan faraqa ka laacay. Galool, waxa uu la yaabban yahay! Filaqa uu iska filqaayo saaxbiibkiis Jaalle. Waxa uuna dib u billaabay haabhaabasho cusub oo sababtay in farahiisu gaaraan saaxiibkiis. Jaallana, waxa uuba diyaar u ahaa in uu iska difaaco waxa uu cadawga mooday, balse, aanu arkeyn, waana hee kaas feerka ku boobay saaxibkiis Gafuurkana jebiyay.

Galool, isaga oo dhiigbaxayo daankuna jaban yahay ayuu billaabay bal in uu isna markiisa gacan tuuro waana kaas gacan kuusan oo culus wadnaha kala helay Jaalle. Jaallena waa kaa qabsaday Galool oo dhiig baxayo. Waana kuwaa dhulka ku wada dhacay iyagoo isku dheggan.

La soco qeybaha xiga, haddii Alle idmo.

W/Q: Xuseen M. Cabdulle ”WADAAD”

huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN