KULA LIHI! Q-2AAD (B) W/Q: Xuseen M. Cabdulle “Wadaad”

KULA LIHI II (b)

Waaba wax aan la maqal oon la arag. Anigu waa gartaye, adigu ma garatay kuwaas codka dheer? Yaaba ii jawaabayo, waa uun adigu isa su’aal. Waa anigaa iska dhaqaaqay oo socday, waxaan ku soo dhacay wadiiqo yar, xoogaa masaafo ah kadibna waxaan ku soo dhacay kuwii wada socday oo codka dheer igu lahaa ”Dhareerkaaga dib u liq”, Waxaanse markaan ka arkaa sawir ka duwan midkii hore. Markii hore waxay ku jireen saf dheer oo simman. Muggaanse iyagoo simman ayey kala jeedjeedaan, waana wada socdaan. Sidee ayey ku dhacday dad kala jeedo oo haddana wada socdo? Anigu waaba yabaye ”Hashaan ma masaar beey liqday” waa xikmad aan maqli jiray oo la cuskado minii la arko wax kaa maajiyo. Muggaan, ma anaaba juuq iyo jaaq midba u iri. Waxa uun aan gartay in qolo la wado iyagoon arkeyn berka loo wado, waxaanse hoosta iska iri: ”Dameer iyo nin saaran daymaa iga deeqdo”. Minaad hadasho yaa ku maqlaayo, minaad aamusto yaa kuu turaayo!.


Subxaanyadu waa jid heshay, jid cusub ayey u soof tagtay halkii ay ka gudubtay Halaq kalaa ku soo jiro. Maba ka dheero waa kaa ii muuqda. Waxa meesha maray iyo waxa ku soo jiraahi kala daran. Armuu midka dambe daran yahay…Waa tii la sheegi jiray Adduunyo dib u xuntii aan beri maqli jirnay. Haddii uu widaayoow adigu kuu muuqdo, waa nuucee Halaqaasu? Haddaad kala taqaan ii kala sheeg?,Minaadan kala aqaanna halkaaga iga joog!!

Kuye: Waxaa la yiri: ”Jinni ninki keenaa baxsha e”, adaa arkaayee garo!. Adigu midabbada aad aragto waa nuucyadee? Waryaa, waryaa ”Halaq waa halaq ee iga joog” ayaan haddana kaligeey la soo booday. ”Abeeso wuxuu kugu dilaa ciid isu ekeyn” ayaan maqli jiray. Malaha kan u sukeeyo waa ”wed la soo bixi la sheegi jiray”. Muggaan waayay cid ii maciin bidda oo waxaan ii muuqda ila arka ayaan goostay in aan galo ”Hurdo camiiq ah”, Waa seexday, balse, maanku ma hurdo intaas wax buu maqlayaa, daawanayaa, kala rogrogayaa.

Kii isaga ahaa,(Karoodqabe) ayaa i soo dhex galay intoow ka yimid ma helo. Kuye ”Ma huruddaa”?Waryaa i dhaaf ee iga tag oo ha i qasin ayaan ku iri: waxaana u raaciyey: ”I daa idaa anaa teydu i heeysataahe” Horta isagu maxaa ka galay hurdadeyda? Kuye: ”Mac Sonkor”. Muggaan meeshaas isla mareyno ayuu maanku xasuustay butaacay. Yaa u diray muggaan iyo xusuustaan, iyadoo aan loo dirin, weliba soo celcelshay ereyadii heesti Khadra Daahir:

  • Haddii aanan belaayoy
  • Buulkayga kaa gelin
  • Bidhaantay aad weydide
  • Bisinkana xijaab odhan
  • Bismillaahi raxmaani raxiim.
  • Barashadii xumaataay
  • Haddii aanan bir kugu goynin
  • Illeen kuuma baahniye.
  • Haddaan hadal bilaashiyo.
  • Beeneey wax kugu falo
  • Ballan qaboo ku aamino.
  • Caashaqow baddaada ba
  • Haddii aanan kaa bixin
  • Waad howlo badatee.

Heestu waa ay dheertahay, balse, ereyadaan ayaa maskaxda ka go’waayay. Aniga ma ogi waxa maskaxdu u dooratay ereyadaan, waxaanse ogahay in aad adigu garatay middaas ee bal ii sheeg? Waa midkaaga Maanka Fiyoow leh. Kuye: “Waryaa, adaa kadeedane ha na kadeedin”.

La soco qeybta xigta haddii Eebbe idmo.

Xuseen M. Cabdulle ”WADAAD”
huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN