KULA LIHI! Q-4AAD W/Q: Xuseen M. Cabdulle “Wadaad”

Kuye: Aflagaaddada naga dhaaf. Haddana waxa uu sii daba dhigay:

  • Cabashiyo caloolyoow
  • Ciil kaama bi’iyaan
  • Talo cayn wareegtana
  • La iskuma canaantee!.

Waxaan filaa in uu ka soo bowsaday heestii AUN Maxamed Suleymaan  ee ”Caloolyoow”. Maya, ma asigaaba bowsi wax ka og. Malaha mid la joogaa dhegta ugu sheegay. War innagaa yaab aragnay! Haa, balse,dhagahiisu wax ma maqlaan horta?. Iiga jawaab bal adigaaga kale ee xaggaas soo indha waaweyn. Isna, kuye: ”Ruux qarwaaya uma jawaabo.

Yaah, maxaad i tiri? Weligeey intaan jiray, ma arag ruux soo jeedo oo riyooda, intaas ayuu iigu jawaabay. Ar, kanina hal wax og ma ahan, waa uun ”Isma dhaantadii la sheegi jiray”. Sug-sug…Bal horta aan muraayadda hor-tago oo aan is eego inta aan la i eegin. Waa su’aale yaa horta waalan ”keli mise wadar”? ”Kaligaa waalo wareer waaye”, xaa ku xigay hee? Maya-maya, taasi mahaan ma qabato. Aaway Raxmadii? Ma ogi sebenkaan, ma arag wax isu naxaayo oo haddana isu turaayo. Derejo iyadu warkeed ha ba sheegin.

Waxaan maqli jiray: ”God sireed ha qodin” hadda waa dhab kii qoday isaga ayey heeysata. Maxaad ka hadlee? kuye: ma mooddaa in uu ila socdo. I dhugo adiga iyo kuwa meelaha ka dhawba ” Ma ku qoslaa mise waa ku digtaa? Maya, waxa hore la ii baray: ”Haddaan la kala roonaan roob ma da’o”. Haa, balse, soowtii iyana la dhihi jiray: ”Nimaan aarsan caloosha hooyadiis ayuu ku jiraa”…Maya, ka joog ”Sabarku waa sed”. Yaa ila socdo? Yaase iga haray? Kolleey waa hubaa in in badani igu wareertay. Haah! Balse, maxaa la iigu wareeray?

Qofkii dani ka heyso in uu si qumman ii fahmo dib ha u jalleeco ”Gaso,Ganuun iyo Gasiin”. Mid aan filaayo in uu deyr dhashay ayaa la soo booday: ”Soowdigaan nagala baxayba waxii aan ku shililiqoomaynay? Ma anigaa geliyay shililiqoonka? Soow kan xaalkoodu dhaafi la ”Ila meereyso” iyo wax jaan. Waxaan arkaa tiro aan badneyn oo aad u daneynayo dooddeyda, kuwaasoow: si fiican ii dhugta, haddaadan aragnaa bal goob ”Gaso”, si fiican ayaan isula jaanqaadeynaa muggaas. Ma hubtaa middaas? Ayuu yiri: mid ka mid ah iyaga.  Haahe Google garee, meela laga helana ka goob… Minii aad weyso i soo warso! Waxaan maqlaa Guuguule ciyaya ee idinku ma ila maqashiin? Maxaa cillan oow xilligaan la ciyaa? Maya ee ar ameey tahay xilligii Ismaaciil mire AUN uu lahaa;

  • Guuguulihiyoow haddaad gu’ u ooyeyso
  • Haddaad moodday kaligaa inuu gubayo jiilaalku
  • Abaar gaad ma reebtaa dhacdoo gaatamoo kale e
  • Gartaa maahan in aad gaar u cabataaye
  • Bal gaabso oo aamus yaan gaar lagaa qabane!.

Kolleey, mid uun baan hubaa…Haa, xilligu xilligii maahan! Xilli miyaa xilli doorsho?Horta, maxaan u illoowaa in sooyaalku uu isa soo celiso. Haahe, soow maahan horta, in aad aqriso. Haddana taariikhdu waa tagto ee iyadu timaado maahan. Aan is qabto bal ”Ma anigaa macallin sooyaaleed ah”..Muhiim ma ahan middaas, waa in aad waajibka ku saaran gudataa. Yaab iyo yaab! ”Yaa i saaray midka aan kuwa saaarneyn?” Taasi, waxa ay imaanee kolka aan wax wada garanno. Ha is dhihin ”kuma dhihin anaa kaa garaad fiican”, midse waa sax…Waa tee? Ma ogi, waxa aanse ogahay ayaa ah in middaasi mustaxiil tahay!. Soowtii Hadraawi lahaa:

Garashada ruuxa sed u gaara weeyaan (ka dhex goob maansadii Sirta nolosha). Kuye: ”Waxaas waa madax daalis ee adigu inteed ku dhalatay?” Waadba na wareerisee! Ma helo, halka aan ku dhashay, goorba waxaan ogaan doonaa marka aad ogaato halka aad ku dhimaneyso!. Markii aad middaas hesho i soo weydii su’aashaas.

La soco qeybaha xigta idam Ilaaheey.

W/Q: Xuseen M. Cabdulle ”WADAAD”

huswadad@hotmail.com

  • NAGALA SOO XARIIR:
  • laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN