KULA LIHI Q-5AAD W/Q: Xuseen M. Cabdulle “Wadaad”

KULA LIHI Q-5AAD

Kuye: ”Alalaaska baxayaa waa Aroos”. Kolleey, anigu hadda ma maqlo waxa uu maqlo ”Alalaas kastaahise aroos maahan”. Waxaa kale oo aan weydiiyay ”Oohinta iyo barootiina xeey ahaayeen?” Kol haddiiba aad ka hadleyso wax maanka dib u soo rogay. Ma isaga ayaaba is waalayba, aayar kuye: ”War moogoow, ma waxaad moogtahay in oohinta iyo baroortu yihiin geeri dhacday uun? Waxaan maqli jiray: ”Baroorta orgiga ka weyn”, ”Oohin kastaahina geeri ma tilmaanto”. Mar-marna ilmadu waxay noqotaa ”Ilmadii Yaxaaska”.

Aan diirka tu kale ka rogee, adigu, weligaa ma aragtay ”Canug ooyayo oo qofkii ka oohiyay, haddana sasabayo”. Xaad hee u sasabee muluq aad adigu ka oohisay? Haddii aad sasabeeysana xaad hee mugga hore uga oohisay? Kor u kac minaad rabto, kor iyo hoos waa uun isku mid. ”Daalac-naasilkuna meel kastuu yaal”!. Adigu, ha dayin uun hoostaada ee ishaadu ha gaarto meel fog. Yaanan ka tegin ee waxaa jiray; halqabsi ah ”Ishaan meel fog wax ka arageey dhac”. Kolleey anigu, ma garan waxa ishaas loo ridaayo. Waxaanse is leeyahay aragtidu waa ka qoto dheertahay il la rido.

Soow kulama ahan in la dabiibo ishaan meel fog wax ka arag oo koleey ku tahay xitaa Ookiyaal loo xiro. Ma ogi!. Maankaaguna, waa in uu faalalka bartaa. Fikirku, waa muhiim ”waqti iyo meel walbaaba”. Kan kabaha-weyn een arkaayo usna maxaas rabaana? Maxaase aas ahaay? Wejigiisa fiiri bo, waaba na soo kuurooyaa! Wejigaa gubay dheh.

 Waxaa i weydiiyay mid ka mid ah kuwii ila socday. Waa mid wax garto oo maanka dib u rogrogay, indhahana kala feyday. Waa Jaalle wax gartay, ma isaga uun baa arka Kabaweyne, mise? Yaaba kaloo hadlayba. Intooda badan ma iyagaaba wax arka, waxna maqla? Waxaan ku iri: ” Waaba iftiin iyo rajo cusub, haddiiba aad gadaal dhugan kareyso”. Gadaal dhugashadu waxeey kuu sahashaa in aad aragto rabta aad joogto, kuuna sahashaa in aad saadaashato mustaqbalkaaga. Gadaal dhugashadaadu waa garashada aayahaaga. (Waxaan ka xigtay Prof.Cali Jimcaale Axmed).

Kolkaan halkaas isla mareyno kii i weydiiyay Kaba-weyne, ayaa mid ka mid ah indhoolayaashii soo booday isaga oo leh: ”Warkiinna dib u dhigta ee wax aan cunno ma heysaan?” Yaa uu wax u dhiibtay? Adiga wax ma kuu dhiibayay mise kugu darsaday? Waxa la cunaahi waa dalag  ka baxay beer, soow maahan sax middaasi!, Haddii aad ila oggolaatay taasi, hilibka iyo caanuhuna waa dhaqasho xoolaad. Qofkii aan beer falan, xoolana dhaqan, maxuu rabaa in uu cuno?

Kuye: Ma ogid miyaa tirakoobkii lagu sameeyay xoolaheenna in aan dunida ka galnay kaallinta 2aad, dalagga aad sheegeysana soow kan ka buuxo baqaarrada ADC oo meel la kala dhigo la la’yahay? Yaa gartay warkiisa?Aniga, waxaa igu soo dhacay in uu la mid yahay ”ninkii wax uu arko ugu dambeeysay bakeyle oo wax kastaa oo la sheego lahaa Bakeyle siduu ka yahay”.

Kani mar hore aas hurday, waxaas ka haray ”Asxaabul Kahf”, hadda aas nagu soo nibdaaday, Miskiin alloow waaye, unun warkiisa kuma jirno ee ii wad sheekada ”Kabaweyne”, waxaa saas yiri Jaalkii igu cusbaa ee arkay Kabaweyne.

Sheekada Kaba-weyne,waa sheeko…Sheekaduna waa sheegis..Sheegistuna waa hummaagan tahay. Hummaagna kuma ekee waa sarbeeban tahay. Kaba-weyne,Xaalkiisu, waa uun soo xeydxeydasho cusub.Waa goormaa? Waa goor ”Xeero iyo Fandhaal kala dhaceen”. Maxaa laga gaaraa? Ma ogi, laakiin waxaan maqli jiray ”Haruub daatay Caanaha hambadaa la qaban jiray”  Ereyadaan waxay ku jireen Hees ku jirtay Ruwaayaddii ”Beeneey waa Run”oo ila noqoneyso Rajadu ha taagnaato. Waa uun inta hartay ha la badbaadsho.

Is daba-qabashadu, waa horseedka jiraalkaaga. Qirashada Guul-darradaada waa horseedidda guushaada dambe. Macallin,  Ma kasooyi warkaas? Waxaa saas i leh waa Jaalle, waxa uuna daba dhigay (Waxaad nagu naqday Xilligii ”Cub iyo Cirka” iyo falsafadihii Giriigga). Adiga Jaalloow, dulqaad yeelo. Hadda timaha hal dhinac ayey u xiirmaan. Jaalle ,Haa, laakiin Cub iyo Cirka maxaa keenay? Iyaduna waa qiso dheer oo aanan isla soo koobi karin, waxaa ka qoran buugaag badan. Kaba-weyne, waxuu i leeyahay aaway abaalkii aan ku gashtay? Kuwaas, wax warsan maayee Jaalle adigu ma ogtahay abaalka uu sheegaayo?

Ma kasin ee adiga maa deyn ka qabto? Kuurmadiisa aanba ka shakiyay ani e!. Ar amuu adiga kugu leeyahayba?, Zamankaa ah saas ee adiga weligaa wax ma dishay oo ma is difaacday? Hadda leeba ka dartay seed u fiicneyd warkaas maad hadda keentay. Ani dhiig dadoow maxaa ii keenay oo luqunta ii gelihaayo. Jaalle ayaa saas yiri. Waxa uuna sii daba dhigay ”Ha moodin, ani Biiq ma ihi”. Ununka waxaan qabnaa ” Nabad aa Naas la Nuuga leh”. Waxaan iri: Jaalloow, haddii ”Libaaxu alamtara soo dhaafo ka warran?”

La soco Q-6aad

W/Q: Xuseen M. Cabdulle ”WADAAD”

huswadad@hotmail.com

  • NAGA LA SOO XARIIR:
  • laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN