KULA LIHI! Q-7AAD W/Q: Xuseen M. Cabdulle “Wadaad”

Si kasta oo ay ahaataba, armuu keligiis gudaha iska qarxiyay oo uu dubbuha yahay mid gudaha ah oo aan dibadda lagala dhicin. Haddana Jaalle, kuye ”abaalka aas kugu sheegtay, shimmee gudee? Haddiiba abaal la sheegtay, isugu waa lee in la gudaa.” Waxa uu ka hadlaa Jaalle, abaal isaga is barabaxshay. Isbarabixinta waxa ay tahay minaad rabto in aad si fiican u fahamto kimistariga dib ugu noqo, si aad u garato sida curiyayaashu isu barabixiyaan.

Waryaada, innagu miyaynaan doodda wax ku laheyn? Waxaa sidaa yiri: widaay kale oo cusub (Galool) aan hore codkiisa loo maqal, balse u eg mid hal ili u furantahay. Hasha ili waxeey wax badan dhaanta indha la’aanta. Dooddu, ma iyadaaba cid ka oodanba, aayaddaada qaado ha lagu maqlee. Jaallaase ka hor maray oo kula kaftamay: Ogoowse, miniid aayad khalidin wa shams ayaa ku sugaayo. Widaaygii cusbaa (Galool), ayaa yiri: ”Waxaan rabaa in aad dib iigu celisaan, iina sharaxdaan Cub iyo Cir”?

Waxaan iri: Jaalle haye, la wareeg arrinka Cub iyo Cir. Jaallese, waxa uu yiri: Macallin middaas waaweynka waaye, ani ha i gelin baxarkaas, adii lee waaye minii ka yuumban kartid. Jaalle iyo widaayoow iyo inta kale ee na-la socotaba qisada ”Cub iyo Cir”, waa qiso tagtay oo aan soo aqrinnay soddon iyo kow daqiiqo horteed. Idinku ma maqasheen ”Saan hiiro gadaal looma raaco”, Xaalku waa saas ee subaca meeshii aad ka gaarto kala qabso.

La soco Q-8AAD. Haddii Eebbe idmo.

W/Q: Xuseen M. Cabdulle ”WADAAD”

huswadad@hotmail.com

 

NAGA LA SOO XARIIR: laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN