KULA LIHI Q-8AAD W/Q: Xuseen M. Cabdulle “Wadaad”

Galool: War kuwaanina, maxa ay ahaayeen? Ar ”ku hadla af la yaqaan mid Carab iyo Cajab kuu doonaba ha ahaadee!” Jaalle: Macallin, kan intaas naga soo galay ”shabtiisa leenba ka war-helay? An muggoo ma ku jiri warkiisa, adi lee waaye, miniid af kaseeysid. Jaalloow, adigu, sowtaan kugu ogaa xasilnaan, mise waa adduunyoo muggaan yaraa ayaan maqli jiray ”Adduunyo gaddoonka muggii la gaaro waxaa la arkaa hebeloo geel dhacaayo iyo hebelkii oo celcelaayo” Warkaaga Jaalloow, muggaan saas ayuu ku socdaa ee caga dhigo. Ma filaayo in aad ku jirto kuwo mugga ay dhasheen laga illaaway malmal iyo xildiinka e.

Galooloow, adna bal xoogaa yar noo kaadi. Waana tii hore loo yiri: ”Haddii dagdagsiino door dhasho, kaadsiimana kiish lacag ah ayey dhashaahe”. Jaalloow, hore ma u maqashay; ”haddaan la kala roonaan roob ma da’o”! Warkaasu ma sugan yahay? Dan kama lihi sugnaantiisa! Yaa baxshay? Iyana wax iima soo kordheeyso ee ka gudub. Waxaanse filayaa in halkaasi tahay meesha ”Dhaxantu ka timid”.

Sug-sug sug macallin, intaas ku jooji, sheekada war koraadka ka dhaaf, warkoo oo ununka kaseeyno ku sheeg, minii kale naga dhaaf, Jaalle oo dhirifsan ayaa saas leh. Waxaan iri Jaalloow; ”Mihii dhaxani kaaga imaaheyso waa leyska oodaa”. Kala roonaashadu waa in ay laba dhinac noqotaa. Hal dhinac kaligiis meel ma geyn karyo. Hayabo, hore u soco, faradheerkaan wax u sheeg aas ku qancaayo, waa kaas na soo kuurooyo, wixiin ka khabno ma kasaayi oo aas saas noogu kuurooyo.

Qosolkaanse maxaas ahaay?, Squatro bello aas helay, faradheerki, reer koraadka ahaa. Waa runtaa Jaalloow, waa tiiba hore loo yiri: ”Qosol aan laysla qabin waa qaraabo goys”, soow saas maaheyn horta? Haa, balse, markii horeba ma la ahaa isku dano? Maya u maleyn maayo. Waa uun la wadajiray lana kala jiray, lana kala socday. Aan idin weyddiiyee hore ma u maqasheen ”Cawadiinna Oday-oday maaliintiina Habar-habar”? Ma hesheen waxa loola jeedo. Kolleey waa hubaa in qayb idinka mid ahi si fiican u ogtahay halka ay ku arooreyso murtidaas.

Mid kalese ogaada ”Cadawgaaga saaxiibkiis waa saaxiibkaa” ayaa la yiraa. Sidee ku dhaceysaa qof aananba isku dan aheyn in aan hal cadow u midoowno?, Waa uun dano ku meel gaar ah oo hal dhinac u jeedo, kalana jeedo. Waa hubanti, haddii kaasi laga adkaado in dib la isugu soo jeesan doono. Waxaaba suurtowdo in mug kale adiga laguu midoobo. Galool: Warkaan micna darrada ah innaga daaya oo miyaan ka wada hadalnaa wixii innaga dhexeeyay ee isagu kaaya darsanaa? Waxaan idin leeyahay saamigeyga gooni iigu saara.

Macallin, kan maxaas ka hadlaa oo aas nagu darsaday horta? Jaallaa warkaas la soo booday. Jaalloow, adiga waxa aad moogtahay in isaga waalidkiis iyo waalidkeen isku dhiig darsadeen markii ay yaryaraayeen, waana taas meesha uu ka hadlaayo, balse, dadkii shalay wax isku darsaday oo dhiigga isku dartay maanta ma noola. Waxaa yimid duul kale oo ka geddisan duulkii aaminsanaa ”Uufuu bilcahdi innal cahda kaana mas’uulan”.

Galool, xaal qaado. Waxaa kaa muuqato in aad ogeyd halkii lagu diriray, dirirtii waa laga heshiiyay. Saamiguna waxaa roon in uu mid yahay. Jaalle: Macallin, kan warkiisa ka bax. Maya Jaalle ” Xaalku waa isma hurtooy ha is halleyn”. Waxaa rogmanaayo daadad xoog leh oo ka imaanayo bari iyo galbeed. Waa tusunaamiyo gacan ku rimis ah, kuwaas oo aan ka tegeyn dad, duunyo iyo deegaan midna.

Galool iyo Jaalloow, bal jalleeca daantaa galbeed iyo middaa bari daadadka innooga soo fool leh. Minaad rabtaana xitaa dhugta kor iyo koofurba , minaad ka arkeysaan neecaaw qaboow. Waxaan filaa in aad ogtihiin waxaa la yiraa: ”Daad intuusan ku soo gaarin ayaa la iska moosaa”, maanta tabar ayaan heynaa berri waxaa imaanayso in la yiraa: ”Shalay oo aan wax galay talo ma heyn, maanta oo aan talo haayana tabar ma haayo”. Waa kol ay xeero iyo fandhaal kala faniineen”. Waxa aan uun joognaa halkii uu lahaa AUN Cabdi Muxumud Amiin: ”WAA MAAN GURRACAN IYO GARASHO JAAN”.

Waa muhiim in aan dhuganno aayaddii aheyd: ”Wactasimuu bixablillaah Jamiican”, taas ayaa keeneyso awood iyo quwwad aan ku moosno daadadkaas soo wajahan. Galool: War nimmanyahoow, waxaan maqli jiray: ”NIN KU DILAY HAR KUUMA JIIDO” ee beerlawsiga innaga daaya oo dhaxalka innoo kala miira. Galooloow, bal dhugo shalaydaan muuqato wixii dhacay. Meel dheer kuu diri maayo ee axdaastii sagaal iyo toban boqol siddeetanya sagaalkii taabatay qaybaha bidigeed dib u jalleec, wixii kuu soo baxana igu soo celi. Kolleey hal-hal ku dar waa laba, laba-hal ka jarna waa hal, labadaa midka togan iyo kan taban ha la ii saxo.

La soco  qeybaha xiga haddii Eebbe idmo.

W/Q: Xuseen M. Cabdulle ”WADAAD”

huswadad@hotmail.com

NAGA LA SOO XAQRIIR: laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN