KULA LIHI Q-9AAD W/Q: Xuseen M. Cabdulle “Wadaad”

KULA LIHI Q-9AAD

Aamus baan ku jawaabay, inta aan ka arkaayo meel qumman oo aan iskala jaanqaadi karno. Waxa saas ku gaabsaday waa Galool oo saluugsan qaabka uu xaalku yahay iyo dooddayada.

Jaalle ”Macallinoow, hebelna yaa dilay? Xaase loo dilay?

Jaalloow, see camalkaana, waxaan ku mooday in aad wax badan garatee, tanya tii wixii aan soo wadnay miyeeyna wax kaaga bixin? Mayee, mayee ii wad sheekada. Kuye Jaalle. Jaalloow, warkeennu, weysu ammaane, warkaan kor ha u qaadin, minaad qaaddana, waa uun isla tegeynaa oo kala heri mayno. Waxaan noqonaynaa ”kalama herto iyo dhasheed”. Aan hee kugu sir qarsadee ”hebelka aad sheegtay, isagu, ma helyo waxa loo dilay iyo cidda dishay. Kan dilayna ma oga waxa uu u dilay iyo cidda uu dilayba. Haddaba mahaas, wax ma kaaga bexeen, mise?

Macallin: ”Dammiin far-waaweyn aa wax loogu dhigaa aan maqli jiray”, inkastoo ani aanan dammiin aheyn, macallin Macoow, waa warsan kartaa iniin anii damiin aheyn. Waxaa saas leh waa Jaalle oo raba in arrinka loo balballaarsho. Toloow, ma balballaarshaa, mise? Waa kaa Jaalle warkeeyga saluugsane. Cod xabeeban oo meel dheer ka hadlaayo ayaa i leh: ”No way” ”War hooy ka joog, war hooy ka joog”. Waxaa kale oo uu sii dabadhigay: ”shallaayi waa tii dambeyso”, ”Nin kuu digay kuma dilin”.

Yaah, yaah, markaan laba jeer iri: ayaa Jaalle soo booday oo leh: Macallin yaad la hadleeysaa ood yaah yaahda heeysaa? Jaalle, isagu maba maqlo codka aan maqlo. See camalna?. Ma ogi…Ma ogi!. Intii aanan u jawaabin ayaa haddana codkii aan maqlaayay oo sii daciifaayo i yiri: ”Af daboolan dahab”. Waa anigaa kor u leh: ”Af-daboolan dahab aa”, Af-daboolan dahab aa…Af-daboolan dahab aa! Kadib maxaa dhacay? Anigu war iyo wacaal uma haayo.

W/Q: Xuseen M. Cabdulle ”WADAAD”

huswadad@hotmail.com

NAGA LA SOO XARIIR: laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN