Kula lihi Q-10AAD W/Q: Xuseen M. Cabdulle “Wadaad”

Kula lihi Q-AAD

Macallin, anii biriga warkaaga ma kasooyi, meel aas ku jeedo, goorba lama goodlahaanaas ku fooraraa warkaaga, minii kale saaxiibkeey waa lagu soo socdaa. Waxaan maqli jiray ”Qofkii waala rabo, waa sii xeydxeytaa, armaasba Saaxiibkeey lagu soo socdaaba” Waxa saas leh waa Jaalle. 

Galool oo yaabban oo laftiisu hadalka iyo waxa socda hore u saluugsanaa, ereyada meesha ka yeerayana maqlalay ayaa hadloo yiri ” Waryaa, si fiican u eeg ninku ma noola”, maya ee ka joog…Maya ku siko xagiisa ee bal eeg waxa helay…”Kir aa lagu yiri…Afkaa suubso, kuye ma noola” Jaalle waaye waxa saas leh.

Bal is dejiyoo maqal erayada digashada ah ee yeeraayo iyo sawaxanka wehliya, indhahana fiiq oo eeg waxaa sii mirqaya!. Jaalle ”Waryaa Lamagoodle Galool, ani wax ma arki, waxna ma maqlo ee adi, maxaad aragtaa ama maqashaa?”  Waxa aan maqlay uun laba jumla oo kala af ah. Waxa saas lihi waa Galool. 

Maxay ahaayeen lamadaas ood sheegeyso? Jaallaa ku ganay Galool. 

Labadaasi waxa ay ahaayeen waxa aan ka qabtay dooddii aan maqlaayay, inta kalese maan garan, Galool ayaa yiri. Adi daaliskaan naga dhaaf ee noo sheeg wixiid maqashay. Jaalle ayaa ku celiyay. Saaxiibkii weynaa ee sheekada u kala qaybinaayay isaga war iyo wacaal kiis lama arko. Galool (Waxa aan maqlay oo aan qabtay waxa ay ahaayeen: ”No way iyo Alaysa kadaalika) 

La soco qeybta xigta haddii Alle idmo

W/Q: Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD” 

huswadad@hotmail.com 

SHEEKOOYIN