KULA LIHI! W/Q: Xuseen M. Cabdulle “Wadaad”

KULA LIHI!

Waxaa la yiraa: ”Nin adduunyo joogow, maxaa aragti kuu laaban”, nimaan yaabin ayaa yiri: ”waa yaabay”!. Semen waliba waayihiisa lehe, maantana ma tanaa timid.Waa tee? Waa tuma? Ma garatay waxa aan ka hadlaayo horta?. Haddaadan garan ka soco hee. Malaha, kuma jirtid kuwaan la hadlaayo e. Haa, Haahoo, waa amarka dambe qaado, xaalku waa digtoonoow! oo ha dhaqaaqin. Midka ila socdoow aan ku weydiiyee ”weligaa ma gashay xero tababbar askareed?” Haddii aadan weligaa gelin ogoow wax badan ayaa kuu laaban. Midka aan la hadlayoow, wax badan ayaa kuu dhimman intii aad ka gaarto mahii la lahaa ”Cimriga oo dheeraaday geel dhalaaya aas ku tusaa”, Haa balse, taasi waqti tegey iyo adduunyo kaleey aheyd ee xaan dib ugu noqonnay? Ma ogi…Maya, Maya haddaan gartay ee ha ka tegin ”Shalay maanta maahan”.Ha ka tegin e berrina waa ayaan kale. Xaa jiro, soow kuwa aad ka hadleyso maalmo uun maahan? Xeey is doorshaan? Inta aad saas u hadleyso maadaaba wax og. Kolka aad ogaato nala qabso, minii kale daadku ha ku qaado. Haddaad i garatay, hore iila soco, haddaadan i garanna yeelkaa!! Ewel-baabanse qof kastaa i af aqoon. Duul walbaa waa duulkiis e, waxaa igu filan inta i af-taqaan iyo intaan aragti wadaagga nahay. Intaasaa iga badan oo haddana igu filan.


Dhulkii shalay laga lahaa ”Cimrigaa raago geel dhalaayo aas ku tusaa”, waa dhallan rogmay. Dadkuna dadkii maahan. Minii shalay dhareerwadaag la ahaa maanta tu kalaa kooyday. Xaaraantii, xaaraanta ahaan jirtay beriga waa ku shoob iyo ku darso…Kala sarriigasho warkeed daa!! Aboow aboow…aaway oraahdii aheyd ”Tuug la qabtay Tol ma leh”…Intaas ka kooyay isbeddelkaan jaan…Iimaan allaa uur buuxiyee, wax la xaday xaas taraa…Maya, waa faanka iyo ku xarshaashka xaaraanta. Laa, maad Rabbi ka cabsatid.. Ceeb caleek Wallaahi. Tan waa adduunyo waa laga tegaa, wixii xaddid dhuuntana marsiisid musqusha lee u dambneyso…Birrina cadaab aakhiro…Kuye: Waxaas adaa lagu dhahaa…Calool jileecaas maxaa waaye ”Abootadaa maa Hindi aheyd”, Waryaa haddaad rabto in aad sharaf ku noolaato ”Noqo Yeey haddii kale yeeyda ayaa ku cuneyso” waa intaan lagu cunin wax cun.


Cajiib, Waxaan joognaa qarnigii 21aad,.. Ma waxaan u noqonnay Casrigii dhagaxa iyo halgankii kala xoogroonaanta…Haddana kuye : Warmoogoow, adiga xaggeed joogtaa ood ka hadlee? Yuu u jeedaa oo uu la hadlaa, yaa gartay? Yaah yaah, waxaan maqlaa dood iyo hadallo kulul, ma garan gunuunuca iyo sawaxanka baxaayo…Shib iga dhaha aan si fiican u maqlee waxa socda…ooo’h, ma garan ee bal adba!! Yaa gartay oohinta yeereysa? Iyo halka ay ka yeereyso? Alalaaa, alalaa aa, weger iyo weger.. Waa yaab, sidee isu qabtaan oohin, haddana oohin iyo Alalaas baxaayo. Dhaguhu ma wada maqlaan midba kol ayey maqlee iyagoo wada socda oo kol kolna isku dhex milqaayo…Gurxan, Baroor, Alalaas, farxad iyo murugo wada socdaa iga hor muuqda, indhaha oo xiran ayaan arkayaa, maqlayaa.


Kii u horfadhaa ila hadlay.. ma ogi waxa uu i weydiiyay, balse gacanta ayaan ugu baaqay anoo leh iga aamus, markii uu iga aamusi waayay ayaan Farta muriso ee gacanta bidix bartamaha faruuryahaga dul saaray, bal garo waxa aan uga jeedo middaasna. Haddadan garanna adeey kuu taal. Kuwa ila joogaahi, iyagu wax ma maqlaan, wax ma arkaan, waxna ma uriyaan…Aniga, sideen ula joogaa kuwa aan wax arag, wax maqal waxna urin?…Ma ogi ee ciddii ogeey ii sheeg!!!. Aniga lafteeyda xaa i agdhigay kuwaas. Armaan ka hilhishaa agtooda?…Maya oo kun jeerna Maya… Maya haddana taasi sax maahan..waa in aan daydaydaa duul kaloo si qumman wax iila arkaayo. Kuye: armaadba weydaa duul sidaada hawada wax ka arka oo ay dani kuu tahay nala joogeenna. Maya yaahoona ee inta goori goor tahay waa in aan daydaydaa kuwa kale iyo meelo kale. Kuye haddana: ”Isma hurtooy heys halleyn” ayaa hore loo yiri ee dantaada garo. Taasi maahan mid lagu sii negaan karo, waxeey rabtaa caqli iyo cindi wada jira. Wuxuu yiri: Kuwaasi waa horeey dhinteene, mahaad joogto ka soo noqo. Waxuuna ii raacshay adoo soo jeeddaad qarweysaaye qoortaada toosi oo la qabso asaaggaa! Ma anaa gabay asaageey mise? , waxaan filaa in aan isku qoomba aheyn…Maskaxduna isku si u shaqeyn. Kuye: Niyad dilka iyo calaacalka naga dhaaf ee madaxaaga ilaasho.

W/Q: Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”
huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN