KULANKII ANIGA IYO CARABKII MAAL-QABEENKA AHAA W/Q:- Cabdullaahi Cabdi Muuse (YamYam)

UntitledCCY

KULANKII ANIGA IYO CARABKII MAAL-QABEENKA AHAA

Goor-sheegtadu iminka waxay isku taagtey kala barka waa labo iyo tobankii subaxnimo, waxaan dhex soconaya hadda waddada caanka ee King-Fahad ee ku taal magaalada Riyaad ee boqortooyada Sacuudi Carabiya, cabaar markaan socday waxaan ku leexday makhaayad ay gabdho Soomaliyeed leeyihiin, waa meel subaxa hore dad badan, waxaana hamuun-tir kasii cuna shaqaalaha muruq-maalka ah.

Waxaan ku fariistay kursi meel gees ah yaal, waxaana ii yimid kabal-yeerigii yammaniga ahaa wuxuu ii leeyahay “Maxaan kuu keenaa yaa akhil kariim?” anna waxaan dirsaday cunada meeshani ay caanka ku tahay ee loo soo doonto waana khubsi (sabaayad).

Waxaa la isoo hor dhigay labo xabo oo sabaayad ah iyo koob shaaha, cabaar markaan cunay waana isaga kacay anoo meesha uga tagay jab sabaayad ah oo ku guul daraystay inuu calooshayda boos ka helo. Waxaan hor taaganahay hadda maqal hayihi oo aan lacagtiisa siiyay balse tirsanaya. wuxuu igu yiri “shukran way dhantahay”. Anna hadda magaalada baan iska soo aaday oo wax talo ah magaalada kuma hayo oo waxaan ahay shaqo la’aan.

Waxaan aad ula yaabanahay dhismayaasha magaalada ee bilicsan, waxaan ka fakarayaa carabtaan sidii ay ahaan jireen iyo noloshii faqriga ahayd ee ay ku noolaan jireen boqol sano ka hor, waddooyinka is goynaya dabakhyada dhaadheer iyo waxa gawaari meesha maraya ma malayn kartid. Cabbaar haddaan socday waxaan iska soo fariistay makhaayad ku ag taal dhisme-ganacsiyeedka wayn ee Sulaymaaniyah ee fariistaan dadka maalqabeenka ah.

Waxaan ku fariistay kursi aad u qurux badan oo aan ilaa hadda ii sii muuqda bilicsdiisu, meesha waan iska fadhiyaa mooye koob shaaxa kama gadan karo, oo anoo kale halkaan waxba kama gato kamana bixi karo kharashkeeda, cabbaar haddaan fadhiyay, waxaa meel ii dhow soo fariistay nin Sucuudiyahan ah, wuu I salaamay anna waan ka qaaday, wuxuu guda galay inuu su’aalo aan xad lahayn i waydiinayo, ann waxaan uga jawaabayay si taxadar leh, anoo ka shaki qaba inuu ninkani yahay nin boolis ah.

Waxaan aad uga baqayaa su’aasha ah sharcigaagii mee? Iyo war-celintayda ah “sharci malihi”. intaasna waxaa ku xiga in xafiiska tarxiilka la i geeyo dabadeedna dhulkii aan kasoo dhoofay la igu celiyo. hadda odaygii carbeed ogaaday inuu yahay maalqabeen wayn ee uu san askari ahayn, magaciisana wuxuu iigu sheefay “Fu’aad Fahmi” lakiin wuxuu ku caanyahay Abuu xamsa.

hadda asagii baa ii waramaya oo wuxuu leeyahay ” walaal waxaan ku faraxsanahay inaan kula kulmo, waaxan ahay nin maal-qabeen ah, waxaana doonayaa in aan saddex masaajid ka dhiso Soomaaliya, adna waxaad ka timid Soomaaliya marka waxaana doonayaa inaad hawshaa ila garab-gasho”.

Anna markaygii baan hadalka qaatay waxaan ku iri ninkii carabka ahaa anoo fiirinaya garkiisii aadka u waynaa wuxuuna ahaa nin hilboon oo aad u naaxsan   waxaan ku iri “Ninyahow horta waa wax wanaagsan in masaajid la dhiso, lakiin waxaa muhiim ah in la is waydiiyo taaso ah war masjid ma looga baahanyahay meesha masjidka laga dhisayo? mise baahiyo kale baa ka jira oo masaajid way haystaan? waxaan kuu sheegaya walaal saddexda magaalo (Muqdisho, Garawe iyo Hargaysa) ee aad rabto inaad ka dhisto masaajidda,waxaa ku yaala masaajid ciida ka badan, marka anigu waxaan kugu la talinayaa inaad lacagtaas dadka ugu dhistid goobo waxbarasho sidoo kale ceelal biyoodna ugu qodid “ninkii carabka ahaa hadda kor buu u qaylinaya isagoo leh “i dhagayso waryaa, “Anigu wax aan masjid ahayn oo aan dhisayo ma jirto ee ma kuu dhiiba lacagta mise waan kaa tashtaa” cabbaar baan aamusnaaday anoo ka fakaraya meeshaan busaarada igu haysa iyo saan ugu baaba’sanahay iyo mashruuca iyo lacagta xooga leh ee la ii dhiibayo, sidoo kale waxaan ogahay carabkaan inuu dharag-dhacsi ku jiro ee uusan doonayn inuu dad caawiyo oo haduu sadaqo la baxayo muxuu kuu leeyahay masjidka sawiro iga soo qaad? oo magacayga dadka usheeg inaan ahay ninka masijka dhisaya? yaab war carabtaan lacagta ma waxay uga baxdaa beero!! Waxaan yeelay inaan mashruuca la fuliyo, asna wuxuu ii ka xeeyay meel hay’ad ah oo magaceeda la yiraahdo “munadamatul khyariya libinaa’il masaajidil caalam” waxaanu galnay xafiiskii waxaana la qoray magacaygii iyo xog kale oo dheeraad ah oo caddaynaysa inaan ahay ninka wata mashruuca masaajidda lagu dhisayo ee Soomaliya, ninkii wax qorayay wuu dhameeyay hawshisii, kadib waan salaanay, fadhigiina waan ka kacnay oo bannaanka baan uga soo baxnay dhismihii.

Carabkii baa ii la hadlaya oo wuxuu leeyahay is diyaari birri baad baxaysa, anna kaliya waxa aan ka fakaryo waa lacagta la ii dhiibayo xaddigeeda inta uu le’ekaandoono. aniga iyo abuu xamsa waxaanu tagnay gurigiisii halkaas oo aan qado ku lahayn, alla qadada maalintaas maxay ahayd!! adduun baa nalasoo agdhigay waa saxan wayn oo bariis ah, hilib dooro, cabitaano kala jaad ah qudaar nooc walba, wili intaan sucuudi joogay kuma fakarin maalin hadde waa maalin baad waxaan ku qadaynaysaa laakin waa adduun iyo xaalkiise shalay haddoo kale waxaan la’aa lacag aan xitaa haaf bariis ah ku cuno, maantana adduun baa hortayda yaal. waxaa iigu soo dhacay meerisyadii Gabyaagii waynaa ee Qamaan Bulxan Yuusuf ee ahaa:

  • Aduun waa har labadiisa galin waana la hubaaye.
  • Hal galgalatay waxa looga dhigay yaa ninna uharine.
  • Mar un baa sabool la harqiyaa hodonna deegaaye.

Qadadii markii aan kasoo jeesanay wuxuu igu wareejiyay lacagtii masaajidda lagu dhisi lahaa markii aan arkay lacagtaa intaa le’eg madaxa baa i waynaaday waan u qaadan waayay in aan shalay qadayn maanta lacagtaan la ii dhiibay adduuunyo!! sidoo kale waxaanu casarkii isu raacnay xafiisyada diyaaradaha, waxaana uu iisoo gooyay tagidka diyaaradda “Air France” waxay baxaysaa tobanka aroornimo, waxaanu kasoo noqonay xafiisyadii, markii aan soo gaarnay wadadii suuqa aadi jirtay abuu xamsa lacag buu ii dhiibay waxa uuna igu yiri “lacagtaan dhar intaad qaadatid suuqa kaga soo gado dhar iyo waxaad u baahantahay oo kale” anna hoos baan ka iri “lacag yar ku lahaa mindhaa yaraanta baanu isku si u aqoon” lacagta uu odaygu ii dhiibay aad bay ila

badnayd. suuqa wixii ugu horeeyay ee aan ka gato wuxuu ahaa labo khamiis oo cad-cad iyo cimaamadaha gud guduudan ee carabtu xirato ee loo yaqaano “kam qatalta” oo maxaan carab isaga dhigi waayay ma in mashruuca yaroo Alla ku siiga ah iga fashilmaa doonaysaa? markii aan suuqa hawlahaygii ka dhamaystay waxaan ugu tagay odaygii meel aan ku balansanayn oo beer ah laguna talo galay in lagu nasto, halkaas baanu iska raacnay oo waxaanu aadnay hotel u dhow King Khalid International Airport halkaas oo uu iiga kireeyay qol, wuu iga tagay markaa, anna qolkii baan soo dhex istaagay mise maxaa adduun dhexyaal!!. sariir labo nafar ah oo meel halkaan ah taal baan saas isu gu tuuray aar baan soo xasuustay xalay meeshaan hurday.

Waxaanu qol yar ku daganayn sideed qof waxaanu seexan jirnay dhulka anoo afar joorari oo kaliya naga dhaxayso, qaarkayana waxay ku seexan jireen kartoomo la isa sar-saaray. caawase halkaan hurdo iyo halkaan xalay u hoyday waa kaaf iyo kale dheeri. Kor baan u yara kacay oo daaqada furay waxaana si toos ah halkaas uga daawanaya dhaqdhaqaaqa garoonka aan barri ka duuli doono. Xiligu wuxuu is guraba waxaa soo dhawaaday xiligii aan bixi lahaa, anna waxaan guda galay inaan isdiyaariyo, waxaan isku taagay khamiiskii cadaa, cimaamad iyo cigaal waxa kaliye oo aan caawa tabayo wa gar tollaay caawa gar baa I ciilay, haddaan lahaan lahaa gar aniga iyo imaamka masjidka xaramka baa la is ku kaaya khaldi lahaa, sidoo kale intii aan odaygaan la socday muqaalkaygii wax wayn baa is ka badalay markaasaad haddaad I aragtid waxaad iigu dhaaran lahayd inaan carab ahay, magacaygii aan lahaa waagii aan busaaradaysnana badalay oo hadda magacaygu waa “Abuu caa’isha”.

Qolkii baan kasoo baxay oo jaranjaro hoos aada baan soo raacay anoo boorsana jiidaya midna garab ku wata, sankaan taagayaa oo waxaad moodaa majallada Forbes ee lagu qoro dadka dunida ugu hantida badan inaan safka hore kaga jiro oo Bilgate-ba aan ka horreeyo. Halkaas meel ah baa waxaa iiga muuqday qof aan aan is iri waa taqaanaa waan ku soo dhawaaday mise waa Cali-madoobe oo xaaqin wata dhulkana xaaqaya, Cali wuxuu ka shaqeeya halkaan oo wuxuu xaaqaa huteelka barxadiisa wayn iyo barandada, waxaana uu ka mid ahaa Raggii aannu wada deganayn.

Cali weli imuu arag oo shaqadiisii buu wata, lakiin wuxuu maqlaya boorsada la jiidayo iyo kabaha buudka ah ee sida miisanka leh mutuleelka uga sharqaminaya, markaasu gadaal soo eegay, markii ay indhahayagu is qabteen xaaqinkii baa ka dhacay, anna tartiib baan u hormaray anoo hoos fiirinaya, Cali indhuhuu mar-martay oo mar labaad ifiiriyay oo igu yiri “war wiilkii qolka nala daganaa soo ma

tihid” markaan intaa maqlay baan soo xasuustay busaarad shiid hoy iyo hu’ la’aan, qol ciriiri sabaayad quraac ah iyo noloshaydii carabku iga soo bootiyay, waxaan ku iri Cali “maye walaal waa Abuu-Caa’isha” suu yiri oo goormaad gabadha dhashay, waydiintaa warcelinteeda waan ka gaabsaday saan waligay gabar dhal baa tiriyee … xitaa maba guursane!

Waxaan fahmi waayay luuqad aan kula hadlo saaxiibkaygii hore ee wakhtigu iyo waayuhu na kala kaxeeyeen, anna boorso lacag ah baan jiidayaa asna xaaqin buu jiidaya. waa aroor hore waxaan soo galay hool dad badan fadhiyaan, dadku waa qaar tagaya iyo qaar dadkoodoo imaanaya soo dhawaynaya, anna dhexdaan u galay oo kursi yara dheer baan ku fariistay, cabbaar haddaan joognayba diyaaradii baa timid oo fuulnay oo haddana nala haaday, waxay ka fakaraya magaaladan markaan imid iyo maanta oo aan ka tagayo farqiga u dhaxeeya, waxaanu kor maraynaa baddii, waa halkii aan wadanka kasoo galay. diyaaradu waxay hawada nagula jirtay afar saac, waxaanu soo caga-dhiganay 8:30am garoonka Jomo Kenyatta International Airport, halkaa waxaa si diiran igu soo

dhaweeyay wadaado uu iga la balamay Fu’ad Fahmi(Abu-Xamsa), waxay ii qabaan shiikh wayn oo balo ka dhacday saan dharkaan qabo iyo barafuunka iga soo uraya waxaad mooda nin kitaab sodon mujalad ah qoray, waxay ii sheegeen inay igayn doonaan xaafada Islii halkaas oo dad Soomaali ah dagan yihiin ann taas waan ka biyo diiday, intii aan diyaarada saarnaa ba waxaan kala doortay saddexda hoteel ee kala ah Shareton Hotel, Fairmont the Norfalk Hotel iyo The Boma Nairobo Hotel kaan dagi lahaa, markaas ku leeyihiin Islii iyo dhiiqo, beerka caaro idinka xagatay idam alla, mid habaar qaba oo wadaadada ka mid baa mar tooshka igu ifiyay oo hoos u yiri ” ma lacagtii masaajidda baad Shareton Hotel ku dagaysaa” ilaahay amrkii codkiisa lama maqal anna indho-kulul baan ku fiiriyay.wadaadadii waxaa ku iri anaa isku filan ee akhyaaray iskataga. nin maalmihii adduunka ugu macanaa ku jira bay leeyihiin Islii dag, yahuu!!.

Markii muuqoodu iga qarsoomay baan wax gaari ah oo nooca isjiida kiraystay lacagtiina u qadimay “xagee ku geeyaa” Shareton Hotel igu gee baan ugu warceliyay sababtoo ah maanta anigu hadlimaayo ee lacagta masaajidda baa hadlaysaa. gaarigii baa lagu soo baarkimay afaafka hore ee hoteelka. soo galay huteelkii oo nastay, waxaan dajiyay qorshe ah inaanaan wax masjid ah aan ku dhisin lacagtaan. sabab? dee ninkii lacagtaan isoo dhiibay ilaahay dartii kama ahee waa isoo sawir iyo wax la halmaala, dadkii baa gaajaysan, oo wado la’aan

baa wadankii ka jirta sidoo kale dugsi la’aan baa haysa carruuraha qaar, see masjid aan baahi loo qabin carab loogu sawiraa. wallay ka tahay. waagii baa ii baryay hadda waa adduune maanta wuxuu iigu baryay Shareton dhowr bari ka horna wuxuu iigu baryay qolkayagii dhowrka mitir ah.

Subax cusub iyo qorshe cusub, waxaan u baxay magaalada waxaana soo goostay tagid Jubba Air Ways ah, diyaaradu waxay duulaysaa shanta barqanimo, cabaar haddaan joogayba wakhtigii aanu duuli lahayn baa lasoo gaaray, garoonkiin waan tagay, diyaaradii cirkaas ilaahay bay nala gashay, waxay na wado oo na wadoba markii danbe waxay kazoo caga-dhigatay Airport-ga Gaalkacyo ee Cabdullaahi Yuusuf Airport, anna iminkaan shaqadaydii guda galay waxaan billaabay in lacagtii aan ku dhiso wadooyin, iskoolo, dugsiyo qur’aan iyo ceelal biyoodyo. Waxaana mashruucaas gaarsiiyay dhammaan qaybaha dalka.

Dulucda Sheekada.

Sheekadaan waxaan uga golleeyahay in waddanka laga joojiyo dhibaatada iyo mashruuca lagu cunayo wax aan faa’iido lahayn. Waxaad arkaysaa labo masaajid oo aad isugu dhow, mid kastana ay labo saf ku tukaynayso iyo dad masaakiin ah oo laga yaabo inayna saddexda wakhti waxay cunaan haysan, haddana masaajid kale oo aan loo baahnayn laga agdhisay.

sidoo kale waxaad arkaysaa tuulo yara oo laamiga saaran oo ay ku yaalaan dhowr masaajid, war maxaa dadka tuulada hal masjid oo waasaca iyo wadooyin, iskuulo iyo madaaris qur’aan loogu dhisi waayay inta la iska ag qotominayo dhowr masjid.

Dhammaad

W/Q:-Cabdullaahi Cabdi Muuse (YamYam)

27-Jun-2016

Gaalkacyo Soomaaliya

SHEEKOOYIN