Labada doorasho ee nolosha W/Q:- Cabdalla Qaasim Daameey

Labada doorasho ee nolosha

“Cabsida ay dadku ka cabsanayaan guuldarrada ayaa ah midda ugu danbeyntii horseedda jabkooda”. Napoleon Bonaparte. Waxaa jiray boqor Japanese ah, marwaliba oo uu dagal qaadayo ayuu isugu yeeri jiray ciidankiisa kadibna waxa uu ku oran jiray “waxaan inoo tuurayaa xarash iyo madax, haddii uu inoo soo baxo xarashka waa aynu guuleysan doonnaa, haddii uu madax inoo soo baxana waa nalaga adkaan doonaa”. Balse, boqorku waxa uu ahaa: mid nasiib badan oo waxaa marwaliba usoo bixi jiray; “xarash” sidaas ayeyna ciidankiisu ugu guuleysan jireen dagaal waliba.

WixiI uu waqtigu gudbo, guulihiisuna ay noqdaan kuwa is dabayaal ah, waxa uu ugu danbeynti boqorkii ka adkaatay da’da waxaana lasoo gaaray xilligii uu bixin lahaa dardaarankiisi u danbeeyey ee nolosha. Boqorki ayaa waxaa ugu danbeyntii u yimid wiilkiisii ka dhaxli lahaa kursiga waxa uuna si deggan u weydiiyey “aabbe waxa aan kaa codsanayaa in aad igu soo wareejiso shilinkii aad u tuuri jirtay ciidanka ka hor inta aadan qaadin dagaallada, waxa aan doonayaa in aan sii wato guulihii aad caanka ku ahayd”. Boqorki ayaa soo bixiyey shilinkii ciidanka uu u tuuri jiray waxa uuna u dhiibay wiilki, wiilkii ayaa eegay shilinka, dhinaca kore waxa uu ka ahaa xarash, waxa uu u rogay dhanka kale, balse, waxaa filan waay ku noqotay markii uu arkay in dhinaca kalana uu ka yahay isla xarash oo uusan lahayn qaybtii kale ee uu ku sawirnaan jiray madaxa.

Wiilkii ayaa eegay aabbihiis isaga oo ku oranaya “aabbe muddadaas oo idil waxaad qayaani jirtay ciidanka oo waxa aad u tuuri jirtay shilin labada dhinac ka ah xarash si aad uga dhaadhicso in ay guuleysan doonaan”. Boqorkii ayaa ugu jawaabay: “ma jirin wax qayaano ah oo aan sameeyey, balse, nolosha ayaa sidaas ah, kolkii aad galeeyso dagaal waxa aad heysataa laba doorasho oo kaliya, midka koowaad waa in aad guuleysato … midka labaadna waa in aad guuleysato”. Guul darradu waxa ay timaadaa markii aad filato, guushuse waxa ay timaadaa markii aad ku kalsoonaato in ay imaan doonto.

W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey

  • Naga la soo xariir:
  • laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN