LABADEENNA! W/Q: Cabdisalaan Maxamed Maxamuud “Cabdisalaan-Ceeryaamo”

LABADEENNA

**
Waa aan kaa fikirayay, wax sannad ka badan. Waxa aan noqday sida Ey aad soo korsatay ama Bisad in badan guri ku gula noolayd. Maryo cas baad xirnayd iyo weliba kabo cad. Xeeliga badda, ayaad laydha cabaysay, si qumman oo deggan. Neecawda qabow, ayaad kiishashka hawada ku uruursanayasay. Xorriyad ayaad ku naallooneysay oo aad ku niyad-samayd. Sanka dheer ee dhuuban, baad Oksajiinta ku qurqurinaysay. Dhanka kalena naruurada san ku arwaaxsanyad. Sida qof daallan baad ahayd, mana aad ahayn.

Waxa aad daaddihinaysay wiil cad oo sidaada u qurux badan. Si dareen leh, ayaad indha iila raacday oo ii milicsatay anna il-qooreedda arxan la’i kaaga jalleecay. Danayn badan kuuma hayn, aan ka ahayn in aan ku dilo. Dumarkaba adigaan kuugu necbaa. Weliba mid xargaha goostay. Dacar baa la’ ii kaa mariyay iyo weliba wax kaloo qaraar. Malaha sunba dheh amaba Waabaayo. Dhanka koofureed ee xeebta Jasiira, baan ka hirarka soo jebaya halka ay ka noqdaan, ku lugaynayaa; adna woqooyi baa dabayshu sidii roob kuugu de’eysaa. Waxa aan xirnaa shaati cad iyo surweel guduudan. Taay cas baana cunaha, iigu ceegsanaa. Ilkaha siman ayaad caddaynaysay, laakiin anigu waan aammusnaa, dibnahayguna way xirnaayeen.

Weligay ma dhoolla caddayn, tan iyo dhalashadaydii. Gef wayn, ayuu qosolku agtayda ka ahaa, sida sinaduba uga tahay. Isagoo dhan waa ii laba sano ka hor iyo kolkii aan is barannay. Dadka waxa aan ugu jeclaaa, kuwa aan qoslin oo aan farxin. Dareennada igu daaban, murugada, ayaan ugu jeclaa, haddana ugu necbaa. Kali nimadu in kastoo ay manhaj nololeed oo gooniya ii ahayd, haddana welwelku wehel buu ii ahaa. Sida qof loo sheegay goortuu dhiman lahaa, ayaan u walaacsanaa, una walbahaarsanaa. Qof kastoo han leh, baa sidaas ah, balse gooni-socodku waa rabitaan uun. Qofku isagoo wanaagsan buu aammusnaan karaa. Isagoo door ah buu xirxirnaa karaa ama isagoo wax-gal ah buu dansanaa karaa. Waxa aan uun ahaa qof uur-san oo niyad san. Sidaas darteed, ayaa wax walba iyo fal walbaa iila wanaagsanayaayeen.

Waxa aan ahaa sida qof hooyadii xalay geeriyootay, aabbihiina saaka go’ay. Inta dareen xun baa i deegaansaday. Baqashada ayaa ugu darnayd, wax iyo cid aan ka cabsi qabayna may jirin oo aan ka ahayn hooskayga madow. Qudhiisa ayaan dhibsanayay, shaydaan aan sharaystay ayuuna ahaa. Aad baan u necbaa hooskayga, sidii qof ayaanna u inkaari jiray. Tiro ma leh inta jeer ee aan dhaaw ku halhaleeyay iyo inta jeer oo aan foolka u kaduuday. Qof kastoo aan garanayn sababta uu u camalloonyahay baa sidaas wax aan muuqan ama aan jirinba ula collooba. Laakiin anigu waan garanayay sababta aan sidaa u noqday.

Murankeennii joogtada ahaa ee aniga iyo hooska ayaa laga abuuray magac…Magac bulshadu aad iigu garato..Gurxan baa la ii bixiyay. Gurxan Colaad..Colaad Tundheere. Ina Colaadna waa la’ ii yaqiin. Ina daas in ay liidmo ahayd iyo in kale ma kala caddayn karo, balse xoogaa yasmo ah baa ku lifaaqanayd. Sidaas bay ila ahayd, ilaa iminkana ila tahay. Sabab kale oo magacaas la’iigu bixiyay mooyi, in la ii bixiyayse waan gartaa. Nitaaqooyin i dhibay iyo naxli baa igu xididdaystay. Qudhayda uun baa la durayay intaas. Meel walba iyo mar kasta. Durid aan waxba la’ii reeban: Waalli, jacayl, sixir, kibir, kalsooni darro, kurbo, qab, uur-mariid-nimo, iyo wax tiro badan oo kale ayaa laygu sheegay. Weligeed baa qof dantu ciishay, dambi lagula xiiqdaa. Dadkaaba sidaas ah oo aan xumaha sina uga gayoon.

Saaxiibka kaliya ee aan lahaa buug buu ahaa, waayo isagu ma qoslo. Wax aan jeclaayna, shaah baa ka jiray. Dadka qofna kama jeclayn, midna kama necbayn. Shaati cad iyo jeemis buluug ah oo kali ah baan jeclaa…Laakiin dad may ahayn ee waa dhar. Iyagaas, uun baan dhexda ku ceynsan jiray. Wu ahaayeen dooqayga, dumarkana waan ka jeclaa. Qorrax subaxaad baa fag soo tiri, duruuro madowna awood ku soo jiirtay. Sidii ay dhulka iyo waxa dulsaaran u soo baxsanayso, ayey u soo hinqatay. Show aniga ayey ii caraysnayd. Waxa ay doonaysay in ay kuleyl igu dooxdo, sidii waranka.

Laba carruur ah, ayaa ku daba socoday, adna waad hor-boodaysay. Subaxdaas ma xusuusatid, balse anigu waan xusuustaa. Waxaad labbisnayd, dhar is leh oo kaaki ah, weliba kan dugsiga sare. Buugaag badan, ayaad xabadka ku haysay, adigoo diiddan in dabayshu dharka kugu dhejiso oo dabadeed hubkaaga la daawado. Cid kale oo aan aniga ahayn, kuuma ay dhowayn. Ka dhig in aad anigaba wax iga qarineysay ama xitaa dabaysha. Laakiin dabayshu, mar walba ayey ku daawataa oo ku milicsataa. Suuliga ayey kaaga bogataa iyo xitaa meelo kale. Sidaas darteed waa aniga..aniga..aniga, qofka aad wax ka daahatay.

Waddadu waxa ay ahayd labadeenna iyo labada carruurta ah. In aad ila hadasho, baad isku dayday, aniga qudheyduna sidaas oo kale. Danayn baad iga dareentay, kolkaas baad buur isi saartay. Dib u gurasho, ayaad billawday, anna waa aan ku dareemay. Waxba kuma oran, adna ima oran, ee horey iyo gadaal ayaan u kala soconnay, sidii dheerta-xaniinyo, dhexda laga kala gooyay. Dareennadii isu hanqal taagayay, ayaa kala jeestay iyagoo is raba, iyagoo isku daba jooga ayeyna kala mirqeen. Ma garanayo meel aan u socday subaxaas, adiguse waxa aad u socotay iskool.

Maalinkaas oo dhan waxa aan is waydiinayay sida aan kuu heli karo iyo meesha aan kaa heli karo, qudhaada dareen baa ku siday, laakiin sidayda kuuma uu hirqan. Waxa aan ku qasbanaaday in aan is furfuro oo aan is dabciyo, si aan kuu hantiyo. Habeenkii goor dambe, ayaan gurigayga imid, anigoo daallan. Waan seexday, hurdo aan jirku caafimaad ka helin, naftuna nasiino. Kaliya indhaha ayaan isku qabtay, uurkana waan ka soo jeeday. Habeenku wuu ka dheeraa, kun iyo boqol habeen. Hurdaduna waxa ay ahayd mid rajadu saxarad ku qaadday.

Waxa aan is waydiinayay waydiimo badan, jeer aan jawaabohoodiiba ku wareeray oo iska xiray. Kartidaada, ayaan durba saadaal ugu dhaqaaqay, dabadeed dhanka wanaagga u badiyay. Xumaan dhan ayaan kaa fogeeyay, anigoo aan weli ku baran. Waxa aan kuu yeelay dhaqanka malaa’igta iyo kan ambiyada? Mar qura ayaad igala tallawday xadka dadnimada oo dabadeed ila gashay wax aanan aqoon. Noqo ama ha noqon, balse hummaagga aan kaa haystay, sidaas buu ahaa. Magac gaar ah ayaan kuula baxay…..Gobaad buu ahaa iyo gabar aan jeclaa. Dadku Kaaha ayaa ay kuugu yeeri jireen anna kaas baan kuu diyaariyay.

Mar kale ayaa waago baryay, milicduna halkeedii, bul ka soo tiri. Fallaaraha ayey qaybisay oo mar kale foolka nooga garaacday. Isla jidkii rafka ahaa, ayaan dhex istaagay, si aan kuu sugo. Subaxdaas adigoo kaligaa ah, ayaad hortayda ka soo baxday. Waan farxay, haddana waa aan naxay. Ilkaha ayaan caddeeyey, anigoo aan is ogayn. Waxa ay ahayd subaxdii ugu horreysay ee aan sidaas yeelo. Dareenku ma ahan wax la maammuli karo, ee waa rabbaani, jacaylkuna waa la mid. Waa ku salaamay, adna waad iga qaadday. Waad ii istaagtay, si xushmad badan laga dheehan karay. Iswarsi ka dib taleefoonnada, ayaannu kala qorannay. Dabadeed laba jiho, baan u kala dhaqaaqnay.

Saddex saac dabadeed, waxa aad ii soo dirtay farriin dheer oo wadnahayga taabatay. Anna mid kale ayaan sidii gantaalka kuugu dhiftay. Sheeko xiisa leh, ayaa talantaalli u billaabatay. Durba waxa aad ii sheegtay dabeecadahaaga, in badan oo aadan ii sheeginna anigaa gartay. Wabi jacayl ayaannu daawannay. Dabadeed badda ayaannu isula gudubnay…Gunta ayaan isla gaarnay.. Xiisuhu figta sare ayuu gaaray…Iga mid baad noqotay, anna kaa mid baan noqday. Hanti waxaan lahayn, baan wadaagnay, waqtina inaan haysannay, baan ku haasaawnay. Rajooyin kali kali u noolaa ayaannu midaynay, kolkaas bay nolosha macno wayn inoo yeelatay.

Hammi guur baa sidii seermawaydo roob nooga dhex hillaacay…Mugdigii ayaan ka soo baxay. Xirxirnaantii baan ka iska tuuray. Bulshada ayaan dib ugu laabtay. In aan qoslo ayaan bartay. Waxa i beddelay baa badi lays waydiiyay, marna aniga lay waydiiyay. Farxaddayda ayaa dabarro badan ka furfurmeen oo dabadeed sees adag yeelatay. Kolkaas bay bulshada haqab li’ ugu durdurtay.

Waxaan isu arkay, boqor, boqor aad adigu dooratay, dadkuna kugu raacay. Saynimo, ayaad ii caleema saartay, shaal nabaddoonimana iigu soo iibisay. “ Xaaji” ayaad igu tiri: anna waan kugu iri. Waad igu qososhay, dabadeed ereygii baad iga saxday. Qudhaydu waan qoslay, gef wayn oo aan galay baanse u arkayay. Ilaa iyo haddana waa sidaas uun. Goortaan xajka tegnay ayaan is waydiiyay, adna ku waydiiyay. Balse iima aadan jawaabin. Waa aan ku waayay. Taleefoonka, waad dansatay. Qadka waad ka baxday. Gurigii waad ka guurtay. Iskoolkii waad nacday, in badanna cagaha sooma aad dhigin. Meel walba, ayaan kaa raadiyay. Sidii laylatul qadarka, ayaan kuu doondoonay oo habeenno badan u soo jeeday. Cibaado igama ay ahayn ee caashaq baad igu dulleysatay. Dayaxa iyo mugdigaba waan kugu baadi goobay. Bil baa dhammaatay, kuwo kale ayaana daba kacay. Sannad baa buuxsamay, kii kalena bar baa haaday.

Feysbuugga, ayaad mar soo gashay. Farriimahaygii silsiladda ahaa, baad ku wareertay. Buug bay noqon kareen. Bal maxaan isla buuuggaba ugu allifi waayay waqtigaas? Kansho ayaad u wayday….umaad haynba. Hummaag wadareed, baad feysbuugga soo gelisay, adigoo xiran dharka cad ee curuusadda. Nin baa toorta cad, afka ugu guraysay, isna wuu kaagu gurayay. Ereyo digasho u eg baa ku dul xarriiqna. Waa aan rumeysan waayay, waase ku qasbanaa in aan rumaysto. Waan naxay, dabadeed waan istaagay. Waan fariistay, haddana waan istaagay..Indhaha ayaan gacanta mariyay, sheydaankana waan iska naaray.. Mana hubo in uu iga tegay iyo in kale.

Qol baan galay, deg deg ayaan hoosta uga xirtay. Sariirta ayaan orod ku fuulay..beer beer, baan u seexday. Barkin, ayaan laabta saartay. Waan fadhiistay haddana waan sii istaagay. koobadiinka ayaan xoog u furay. Sawirro badan oo aad leedahay ayaa aan ka soo qufay. Wadar baan u jeexjeexay, si caro leh weliba. Waraaqihii xardhanaa ee aad ii soo diri jirtay, ayaa aan si la mid iyagana googooyey, dabadeed weel-qashinka ku riday. Waan sexday, laakiin xusuusihii saddexda sano, ayaa xiska buux-dhaafshay, mid mid ayaana maskaxdu soo faagtay. Sidii giraanta ayaa madaxu ii wareegay, sidii dhooba qallashay ayaa jidhku ii fededay. Hambalyo! Waxaad noqotay xaas! anna waxa aan guursaday dareenkaagii. Isaga qudhiisa uun baanna qabi doonaa, tan iyo iilka.

Sawirka: Goobjoog News
W/Q: Cabdisalaan Maxamed Maxamuud “Cabdisalaan-Ceeryaamo”
Muqdisho, Soomaaliya
Shekeeye288@gmail.com

  • NAGA LA SOO XARIIR:
  • laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN